Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dheweeyay jawaabta ay Jubbaland ka bixisay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan hanaanka doorashada

4 Feb 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dheweeyay jawaabta ay Jubbaland ka bixisay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan hanaanka doorashada

 

 

WAR-SAXAAFADEED 04/2016

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay jawaabta ay madaxda Jubbaland ka bixiyeen go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan hanaanka doorashada 2016.

 

Danjireyaal iyo wakiillo ka socda beesha caalamka – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka (IGAD), Midowga Yurub (EU), Ethiopia, Talyaaniga iyo Sweden – oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaarka ah Michael Keating, ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo 4tii Febraayo. Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxaa ka socday Xoghayaha Joogtada ah.

 

Waxaa lagu martiqaaday inay dhegeystaan aragtiyada laga qabo go’aanka Dowladda Federaalka ee hanaanka doorashada sannadka 2016, hirgelintiisa, iyo talooyin laga soo jeediyo Khariidadda Waddada (Road Map) ee lagu gaaro sannadka 2020 kaasoo lagu gaari doono doorashooyin ‘qof iyo codkiisa’ ah.

 

Wafdiga danjireyaashu waxay la kulmeen Madaxweyne Sheekh Axmed Islaam “Madoobe”, xubno ka mid ah golihiisa wasaarada iyo xubno ka mid ah Golaha Baarlamaan Goboleedka Jubba oo uu ka midyahay Guddoomiyaha Baarlamaan Goboleedka, madaxda bulshada rayidka, kooxaha haweenka iyo dhallinyarada, odey dhaqameedyada iyo ganacsatada.

 

Wakiillada Jubbaland waxay sheegeen walaaca ay ka qabaan hanaanka doorasho ee la adeegsan doono dabayaaqada sannadkan, gaar ahaan inuu sii jiro nidaamka ‘4.5’ ee lagu qaybinayo Aqalka Hoose. Waxay weydiisteen in loo dammaanadqaado in hanaanka aan la adeegsan doonin mar kale sannadka 2020.

 

Wadahadal wax ku ool ah ka dib, dadkii kulanka joogay waxay caddeegeen inay aqbalayaan go’aan Dowladda Federal iyagoo eegaya danta nabadda, midnimada iyo danta qaranka, inkastoo uusan ahayn wixii ay filanayeen. Waxay Dowladda Federaalka ka codsadeen inay la wadaagto Khariidadda Waddada (Road Map) ayna qaaddo tallaabooyinkii lagu gaari lahaa doorasho dadweyne marka la gaaro sannadka 2020. Waxay sheegeen inay filanayaan in saaxiibada beesha caalamku ay gacan ka geysan doonaan inay taasi dhacdo.

 

“Maanta waxay ahayd maalin aad u wanaagsan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating. “Madaxweyne Madoobe iyo wakiillada Jubbalandba waxay mudanyihiin in lagu ammaano sida xilkasnimada leh ee ay arrinta uga jawaabeen, inkastoo ay cabasho ka qabeen. Caqabadda hadda jirta oo loo baahanyahay in laga gudbo waa sidii hanaanka lagu hirgelin lahaa sannadkan, iyo sidii loo dejin lahaa qorshe hawleedkii lagu gaari lahaa sannadka 2020”.