Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo dhalinyarada Soomaaliyeed u diray bogaadin ku aaddan munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada

12 Aug 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo dhalinyarada Soomaaliyeed u diray bogaadin ku aaddan munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada

Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta u dabaal degay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada. Soomaaliya waxay leedahay tiro kamid ah dadka ugu da’da yar aduunka. 10ki qofood oo Soomaali ah, todobo kamid ah ayaa da’doodu ka hooseysaa 30 sano jir.

“Dadka Soomaaliyeed badankood waa dhalinyaro. Waxay doonayaan fursado ay ku gaaraan himiladooda – waxaana kamid ah waxbarasho iyo [fursado] shaqo. Waxay u baahanyihiin inay ka qaybqaataan dadaalada lagu xaqiijinayo rajooyinkooda iyo yididiiladooda” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya  Michael Keating. “Waxaan hambalyo u dirayaa haweenka iyo ragga dhalinyarada ah ee sida firfircoon ugu adeega bulshooinkooda si loo hagaajiyo tayada nolosha iyo wadajirka bulsho”.

“Firfircoonida dhalinyarada Soomaaliyeed waa mid ka muuqata meel kasta – ciyaaraha olombikada, isboortiga oo uu ku jiro horyaalki kubada cagta ee dowlad-goboleedyada, dhanka ganacsiga, hawlaha bani’aadanimada – iyo dhanka siyaasadda, gudaha Soomaaliya iyo weliba wadamada qurbaha. Dulucda warku waa, haddii dadka da’da yar la siiyo fursad, wey ka faa’iidaysanayaan” ayuu yiiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

“Dadka da’da yar waxay u baahanyihiin inay arkaan in himiladooda ay gaari karaan iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya; amni darradu waa caqabad si gaar ah ugu hor gudboon. Dadka waawayn iyo kuwa xilalka haya waxaa si gaar ah mas’uuliyad uga saarantahay [arrimaha] dhalinarada – oo ay kamid tahay in la kordhiyo xasiloonida siyaasadeed laguna caawiyo Soomaaliya sidi ay uga faa’iidaysan lahayd dhaqaaleheeda ballaaran iyo awoodeeda bulsho”.

Qaramada Midoobay waxay u dabaal degeysaa guulaha ay gaareen da’ yarta Soomaaliyeed Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada. Ergeyga Gaarka ah wuxuu bogaadiyay tallaabooinka ay qaadday Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiga, iyo muhiimadda ay leedahay Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada, wuxuuna tilmaamay inay waafaqsanyihiin Qaraarki Dhalinyarada, Nabadda iyo Amniga ee uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay meel mariyay bishi Disembar ee sanadki lasoo dhaafay.

“Hagaajinta nolosha dadka da’da yar waxay fure u tahay dhismaha nabad waarta iyo xasilooni ka hana qaadda Soomaaliya. Waa laga yaabaa inay tahay wax iska cad laakiin weli waa arrin mudan in la sheego – mustaqbalku wuxuu horyaalaa dadka da’da yar,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.