Ergeyga Gaarka ah Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay faa’iidooyinka wada shaqeynta iyo taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay booqashadii uu ku tagay Hargeysa

10 Jan 2020

Ergeyga Gaarka ah Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay faa’iidooyinka wada shaqeynta iyo taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay booqashadii uu ku tagay Hargeysa

Hargeisa, 9 January 2020 –  Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tilmaamay sida ay hay’adda aduunka u aaminsan tahay dadaalada lagu dhisayo kalsoonida iyo wadahadallo dhexmara mas’uuliyiinta Hargeysa iyo Muqdisho in ay keeni doonaan faa’iidooyin dhawr meelood ah.

“Qaramada Midoobay waxa ay soo dhaweyneysaa hindiseyaasha kalsooni labada dhinac ah iyo sare u qaadidda wadahadallada u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. Waxaan aaminsannahay in ay jiraan meelo badan oo haddii wada shaqeyn xooggan laga sameeyo horumarinaya ammaanka, ka qeyb qaadanaya koboca dhaqaalaha, horumarinna ku sameynaya nolosha dadka,” waxaa sidaas yiri Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan.

Sarkaalka Qaramada Midoobay waxa uu la hadlayey warbaahinta kaddib markii uu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa xukuumadda. Booqashadan waxa ay ahayd tiisii labaad  lixdii bilood ee u dambeeyey, sidoo kale waxa uu la kulmay oo uu wada xaajood qodobo kale oo horumarineed  la yeeshay saamileyda kale.

Qodobka ahaa doorashooyinka barlamaanka Somaliland, kuwaas oo lala daahiyey kuwa golaha deegaanka – ayuu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiirigalisay ‘Horumarka weyn’ ee laga sameeyey si loo dhammeystiro tallaaoobinka loo baahan yahay sidii ay sanadkan ugu qabsoomi lahaayeen.

“Waxaan soo dhaweyneynaa wada-xaajoodyadii dhexmaray xisbiyada, sidoo kale waxaan ku baaqeynaa in la fuliyo heshiisyadii dhawaan ee suuragalinaya u diyaar garowga doorashooyinka si loo qabto 2020,” Mr. Swan ayaa sidaas yiri. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Somaliland in ay xaqiijiyaan qadarinta xorriyadda hadalka iyo isu imaanshaha, iuyo sidoo kale awoodda xisbiyada ay ku abaabuli karaan barnaamijyo – fursaha siyaasadeed ee noocaas ah waxa ay muhiim u yihiin habraac lagu kalsoonaan karo.”

Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay, Qaramada Midoobay iyo dhawr ka mid ah saaxiibada caalamka waxa ay walaac ka muujiyeen doorashooyinka mudada dheer la daahiyey, waxa ay saameyn ku yeesheen kalsoonida lagu qabay dimuqraadiyadda Somaliland iyo go’aanka beesha caalamka. Sidoo kale waxa ay walaac ka muujiyeen muda kordhinta loo sameeyey labada gole ee baarlamaanka.

Ergeyga gaarka ah waxa uu sidoo kale ka hadlay muranka muda dheer ee ka taagan gobollada Sool iyo Sanaad, gaar ahaan dagaaladii sanadkii 2018 ka dhacay nawaaxiga Tukaraq, waxa uu soo dhaweeyey wadahadallo mira dhal ah si loo yareeyo xiisadda loona xadiddo khatarta ka dhalan karta dagaalka.

“Waxaan ku baaqnay in dadaaladan la wado oo la sii xoojiyo,” ayuu yiri.

2018, xiisad ayaa ka aloosan tahay nawaaxiga Tukaraq taas oo keentay in ay Somaliland iyo dariskeeda Puntland ku dagaalamaan, xilliga ay qul qulatooyinkaas ka dhacayeen waxaa deegaanka ka jiray xaalad bini’aadannimo oo darneyd.

Kaalmada Somaliland

Qodobka ah hawlgalka Qaramada Midoobay ee Somaliland, Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in hay’adda aduunka ay ka go’antahay sii wadidda arrintaas.

Waxaa uu sheegay in ay 16 xafiisyo Qaramada Midoobay ah, hay’addo, deeqo iyo barnaamijyo ay ka jiraan Somaliland kuwaas oo meelo badan wax ka geysta sida dowladnimada, ammaanka, horumarinta iyo barnaamijiyada gargaarka kuwaas oo u sii kala baxaya taageero la siiyo dugsiyada hoose dhexe oo loo qalabeeyo macallimiinta lana siiyo xirfado iyo agab aas aasi u ah waxbarashada, waxaa la caawiyaa dadka gudaha ku barakacay iyo qaxootiga, waxaa la taageera sarreynta sharciga, booliska iyo nidaamka cadaaladda.

“Shaqada Qaramada Midoobay wey ballaaran tahay laakiin waxa udub dhexaadka u ah waa in ay ku foogan tahay sidii ay is bedel muuqda oo togan ugu yeelan lahayd dadka iyo adeegyada bulshada Somalialnd,” waxaa sidaas yiri Mr. Swan.

Kulamo badan oo la qabtay

Intii uu Hargeysa ku sugnaa Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu qabtay kulammo looga hadlay qodobo badan oo uu la yeeshay saamileyda ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda, bulshada rayyidka ah iyo kooxaha u dooda xuquuqda dadka aan lixaadkoodu dhammeyska tirneyn.

Khamiistii, marka laga yimaado kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Biixi, waxa ay aragtiyo la xiriira horumarka siyaasadda is dhaafsadeen labada xisbi ee ugu weyn Somaliland, Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) iyo Xisbiga Wadani. Waxa uu sidoo kale la kulmay wakiillo ka kala socday kooxaha Bulshada Rayyidka si uu u dhageysto aragtiyadooda la xiriira bulshada iyo siyaasadda bulshada.

Arbacadii waxa uu la kulmay Edna Aadan, aas aasaha Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Adna Adan. Qodobo kulankooda looga hadlay waxaa ka mid ah dagaalka lagula jiro gudniinka fircooniga ah – dhaqan baahsan kaas oo ay marwo Adan  kula jirtay  safka hore Qaramada Midoobay sidii loo dabar goyn lahaa.

Mr. Swan waxa uu sidoo kale booqday xarunta Hay’adda aan dowliga ahayn ee Action Network, halkaas oo uu ku dhageystay mas’uuliyiinteeda dadaaladda ay ugu jiraan sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ku horgudban in dadka aan lixaadkoodu dhammeystirneyn aan ka qeybgalaan go’aan qaadashada siyaasadda.

Sarkaalka Qaramada Midoobay waxa uu arbacadii ku soo gunaanaday booqashadiisa, booqasho uu ku tagay xarunta KMG ah ee lagu badbaadiyo Haramcadka ee ay maamulaan Cheetah Conservation Fund. Marka laga yimaado in uu dhageystay halisaha ay wajahayaan oo ay u gudbiyaan shaqaalaha, waxaa sidoo kale warbixin siisay  Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Miyyiga, Shukri Ismcaaliil Bandi, taas oo sidoo kale si faahfaahsan uga warbixisay caqabadaha deegaanka.