Ergeyga Qaramada Midoobay oo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in lasii dardargaliyo guulaha Somaliland kadib booqashadiisi Hargeysa

19 Jul 2019

Ergeyga Qaramada Midoobay oo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in lasii dardargaliyo guulaha Somaliland kadib booqashadiisi Hargeysa

Hargeysa – kadib Kulamo uu la yeeshay hoggaanka Somaliland ee maanta, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo guulaha Somaliland iyo sidoo kale in loo u diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

“Arintaasi waxaa muhiim u ah helida hanaan lagu xaliyo khilaafaadka si nabad ah oo haboon iyo dib u habeenta hanaank wada xaajoodka ah ee haatan furan” Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiradiisa ku sugnaa caasimada.

“Waxaan kaloo ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in la dhammaystiro shaqooyinka diyaarinta ah ee lagama maarmaanka u ah in loo soo gudbiyo baarlamaan lagu kalsoonaan karo iyo doorashooyinka maxalliga ah ee dhowaan dhici doona,” waxuu raaciyay. "Xaaladaas, waxaan ku faraxsanahay in aan wax ka barto heshiiskii shalay dhex maray xisbiyada siyaasadeed ee aan rajeynayno in ay horseedi doonaan doorashooyin dhaca waqtigii loogu talagalay."

Isaga oo la hadlayey warbaahinta, ayuu Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, Saadi Cali Shire, sheegay in arrimaha badan laga wada hadlay ay ka mid yihiin in la sameeyo iskaashi dhow iyo sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha Qaramada Midoobay ee horumarinta maxalliga ah.

“Faham guud oo ku saabsan sida loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ayaa lagaaray intii lagu jiray wadahadalka,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda ee Somaliland

The UN envoy to Somalia, James Swan, in a group photo with women leaders during a working a visit to Hargeisa, Somaliland on 27 July 2019. UN Photo/ Abdikarim Mohamed

Booqashada labada maalmood qaadatay ee Hargeysa ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Wakiilka Qaramada Midoobay uu qabto tan iyo markii uu jagada qabtay dabayaaqadii Juun. Ka sokow kulanka uu la yeeshay hoggaanka Somaliland, wuxuu sidoo kale u joogay inuu gacan ka geysto xoojinta wada shaqeynta Qaramada Midoobay ee la xiriirta howlaha bani'aadamnimada, horumarinta dhaqaalaha iyo dhisidda awoodda waxqab ee dowladaha hoose iyo adeeg bixinta.

Mr. Swan waxaa safarkiisa ku weheliyey saraakiil sarsare oo ka socda hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta (UNDP), Ururka Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo Xafiiska Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

Mashaariicda ay Qaramada Midoobay taageerayso

Intii uu joogay magaalada Hargeysa, ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu si toos ah u arkay qayb ka mid ah howlihii ay degaanka ka fuliyeen xubnaha hay'ad qaramada midoobay  si ay gacan uga geysataan wax ka qabashada baahiyaha bina-aadamnimada iyo yoolalka mustaqbalka fog

waxaana ka mid ahayd booqasho maalintii Sabtida ahayd uu ku tagay mashriicda nolol kasbashada ah ee ay taageerayso Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee loo soo gaabiyo (UNHCR), halkaas oo kasoo qeybgalayaasha lagu baray xirfado ku aadan korontada iyo sameynta dharka.

“Waxay ahayd arrin dhiirigalin ah in la arko tababar si toos ah loo siinayo qaxootiga iyo kuwa magan galyo doonka ah, si ay u taageeraan naftooda iyo qoysaskooda, iyo sidoo kale si ay gacan uga geystaan ​​dhaqaalaha dalka ay martida u yihiin,” ayuu booqashada ka yiri Mr. Swan.

Waxa kale oo uu la kulmay maalintii Sabtida ahayd maamulayaasha Machadka Adeega Rayidka ah ee Somaliland - oo ay taageeraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hayada UNDP - socdaal ayuuna kusoo dhex maray dhismayaasha machadka.

"Arrin xiiso badan ayay ahayd inaan la kulmo saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha horyaalo dowladda hoose kuwaas oo  masuul ka ah lagalana xisaab tamayo kuwa isticmaalo adeegyada guud" ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Asaga oo ku guda jira Kulamadiisii ​​kala duwanaa, ayuu Mr. Swan mar kale hoosta ka xariiqay sida ay uga go'antahay qaramada midoobay taageerada ay u fidiso Somaliland, oo ay ku jirto kulankiisii ​​uu la yeeshay hoggaanka haweenka maxalliga ah maalintii Sabtida ahayd. Isu imaatinkaas, ayuu wuxuu si toos ah ugu dhagaystay horumarka iyo caqabadaha ay la kulmaan haweenka maxalliga ah.

The UN envoy to Somalia, James Swan, visits a livelihood project supported by the United Nations High Commission for Refugees (UNHCR) in Hargeisa, Somaliland, on 27 July 2019. The livelihood project is contributing to skills development, job creation and