Ergeyga Qaramada Midoobay oo Maalinta Caalamiga ah ee Miinada iftiimiyay baahida loo qabo iskaashi si loo ciribtiro khatarta

4 Apr 2020

Ergeyga Qaramada Midoobay oo Maalinta Caalamiga ah ee Miinada iftiimiyay baahida loo qabo iskaashi si loo ciribtiro khatarta

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee wacyigelinta iyo Kaalmaynta miino saarista, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta iftiimiyay baahida loo qabo in la iska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa khataraha miinooyinka ee ku wajahan Soomaalida iyo horumarka Soomaaliya.
 
"Khataraha qaraxyada iyo walxaha qarxa ee macmalka ah ee Soomaaliya ka jira ma aha oo keliya kuwo khatar galinaya nolosha dadka rayidka ah, laakiin waxay sidoo kale wiiqaan dhismaha dowlad-dhisidda iyo horumarka dhaqaalaha – oo ah meelaha ay Soomaaliya ka gaartay horumar lagu bogaadin karo" ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
 
“Iyadoo lagu gudajiro xaalad deg deg ee caafimaad ee adduunka oo dhan ah, waa inaan isxusuusinaa ahmiyada ay leedahay wada shaqeynta si loo ciribtiro khataraha loona abuuro jawi aamin ah oo bulshadu ku hormari karto. Sida dadaalkeenna aan kula dagaallameyno cabuuqa COVID-19, Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay ka taageerto Soomaaliya dadaalladeeda ay dalka uga ciribtiri lahayd khataraha halista ah ee waxyaabaha qarxa. Waa inaan u midownaa badbaadinta nafta oo aan 'dib u soo nooleeynaa bulshooyinka maxalliga ah.'
 
Mawduuca dabaaldegga sannadkan ayaa ah 'Wadajirka Wax-ka-qabashada  Miinada: Dib u soo Celi Nolosha'. Maalinta ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo baahida loo qabo dadaallada sii socda si loo horumariyo tayada wax-ka-qabashada miinooyinka ee dalalka ay miinooyinka iyo hadhaaga dagaalladu ay khatar weyn ku yihiin amniga, caafimaadka iyo nolosha dadka rayidka ah, ama carqalad ku ah horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.
 
Tan iyo sannadkii 2018, waxaa dad gaaraya 3.279 qof ayaa waxyeello ka soo gaartay haraadiga waxyaabaha qarxa ee dagaalka iyo dhacdooyinka walxahaa qarxa ee macmalka ah ee ka dhacay Soomaaliya. Dowladda Federaalku waxay diyaarineysaa qorshe qaran oo wax looga qabanayo dadka ka badbaaday miinada dhulka lagu aasay iyo dadka naafada ah si wax looga qabto halistan
 
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miina Saarista (UNMAS) waxay la-hawlgalayaasha qaranka iyo kuwa caalamiga ah kala shaqeysaa nadiifinta khataraha ka dhalan kara waxyaabaha qarxa, bixinta waxbarashada halista waxyaabaha qarxa, kor u qaadida wacyiga heerka bulshada, kor u qaadida tayada qaran ee wax ka qabashada miinada, iyo taageerida dadaallada dowladda si loogu adeego kuwa ka badbaaday miinada iyo waxyaabaha qarxa ee hadhaagii dagaalka ah  iyo dadka naafada ah.