Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo mar kale ku baaqay doorasho hufan oo ka dhacda Puntland

24 Dec 2013

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo mar kale ku baaqay doorasho hufan oo ka dhacda Puntland

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa mar kale ku baaqay doorasho dhacda waqtigii loogu talagalay iyo geeddi-socod siyaasadeed ee lagama maarmaan ay tahay in lagu gaaro baarlamaan cusub oo ay Puntland yeelato sannadkan iyo doorasho madaxweyne oo dhacda 8da January 2014.

“Iyadoo ay doorashu soo dhowaanayso, murankan siyaasadeedna uu noqonayo mid sidii hore ka sii kulul, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta iyo dadka ay arrintu khuseyso, gaar ahaan odey dhaqameedyada soo jireenka ah, inay wada shaqeeyaan diyaarna u ahaadaan in mararka qaarkood ay isu tanaasulaan oo meel dhexe isugu yimaadaan, haba ku adkaatee,” ayuu yiri Md. Kay. “UNSOM wuxuu taageeray dadaalka loogu jiro dhexdhexaadinta iyo wadatashiga tan iyo inta uu socday geeddi-socodka, anigana waxaan weli rajeynayaa in musharaxiinta dhammaantoodu ay u heellanyihiin doorasho nabad ah oo hufan.”

Md. Kay wuxuu dhammaan dadka ay arrintu khuseyso ku dhiirigeliyay inay iskaashi buuxa la yeeshaan Taliyaha Ciidaanka Daraawiishta Puntland, Janaraal Saciid Maxamed Xirsi Dheere, oo ka mas’uul ah amaanka doorashada, wuxuuna ku booriyay dhammaan musharaxiinta inay u ololeeyaan si nabad ah si loo taageero doorasho nabad ah.

Sidoo kale, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay in dhammaan musharaxiinta madaxweynenimo loo dammaanadqaado inay si xor ah ay u socon karaan, dadkoodana u ururin karaan, amaankooda la sugo, ayna si sinaan ah ay ku heli karaan warbaahinta.

“Waxaan sii wadi doonaa inaan dhacdooyinka si dhow ula socdo, waxaana bixin doonaa dadaal kasta oo aan karo si aan gacan uga geysto in Puntland ay hesho doorasho xor ah, oo caddaalad ah, oo loo wada dhanyahay, iyo geeddi-socod nabad ah,” ayuu raaciyay.

Ends