Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xiisadda Galgaduud kuna baaqay in lawadahadlo

9 Jun 2015

Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xiisadda Galgaduud kuna baaqay in lawadahadlo

Muqdisho, 09 Juun 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa aad walaac uga muujiyay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Galgudud. Maalintii 7dii bishan Juun, ayaa dagaalyahannada Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) waxay qabsadeen magaalada Dhusamareb, waxayna la wareegeen fariisimadii dowladda.

“Aad ayaan uga walaacsanahay arrimaha kasoo cosboonaaday Dhusamareb,” ayuu yiri SRSG Kay. “dhamaan dhinacyadu waa inay ixtiraamaan heshiiski xabadjoojinta ee lagu saxiixay Guriceel 5tii bishii Maarso 2015, kana fogaadaan falalka rabshadaha ah, waana inay dadaal degdeg ah u galaan sidi lagu dejin lahaa xaaladda. Shirka maamul dhisidda ee Cadaado wuxuu muhiim u yahay adkaynta nabadda ka jirta Gobollada Dhexe iyo Soomaaliya. Horumarkii lasoo sameeyay ilaa iyo hadda waa in la dhowraa lagana sii amba qaadaa.”

“Waxaan ugu baaqayaa xoogagga ASWJ inay ku noqdaan goobihi ay horay u joogeen. Dhamaan khilaafaadka jira waa in lagu xalliyaa wadahadal iyo isu-tanaasul ay nabad ku dheehantahay. Adeegsiga hubka ee bulsho ay u adeegsato in daneheeda ay ku gaarto, waxay khatar gelinaysaa horumarka muuqdo ee laga gaaray geedi-socodka maamul dhisidda," ayuu sii raaciyay SRSG Kay.

Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay la shaqayso dadka Soomaaliyeed si loo taageero hanaanka lagu dhisayo nabadda iyo maamulada dalka.

- Dhamaad.