Ergeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare

14 Apr 2015

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, xubno ka tirsan Ciidanka ammaanka iyo shaqaalea dowladeed.

"Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee naxinta lahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana aad iiga naxisay sida arxan darrada ah ee kuwa weerarka soo qaaday ayna ugu aabayeelin nolosha dadka aan waxba galabsan. Weerar lala beegsado Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare waa weerar lagu qaado dadaalka geesinimada leh ee ay dadka Soomaaliyeed ugu jiraan inay mustaqbal ifa u dhisaan dhallinyarada dalkooda.

Maalmahani waa maalmo adag oo soo wajahay dadka nabadda jecel ee Soomaaliya iyo dalalka ku yaalla gobolka guud ahaanba. Waa inaan u midownaa kuna adkaanaa si aan u wajahno argagaxisada joogtada ah. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dowladda Federaalka iyo qoysaska iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen dadkii weerarka lagu dilay, waxaana ku dhaawacmay u rajeynayaa caafimaad degdeg ah.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu ku celceliyay in QM ay go’antahay ayna daaleynin la dagaallanka masiibada argagaxisada iyo taageerada dadka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida.

Dhamaad.