Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug

23 Jul 2015

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug

Cadaado – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug (MKGG), Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu qabtay magaalada Cadaado, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Maxamed Xaashi Cabdi. Baarlamaanka Galmudug ayaa idiin doortay oo idiinku aaminay inaad qaaddaan mas’uuliyad aad u weyn si aad u dhistaan maamulka gobolkan; inaad caddaalad ka xaqiijisaan adeegyada la bixiyo, iyo inaad dadka amniga u sugtaan.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Farsamada, wakiillada beelaha, iyo dhammaan dadka reer Galmudug ee suurtagal ka dhigay xafladdan maanta.

“Waxaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug ku dhiirigelinayaa inay ku dhaqaaqaan dibuheshiisiin iyo wadatashi, si dhab ahna ugu hawlgalaan xallinta wixii khilaafaad ah ama isafgaranwaa ah ee kala dhexeeya Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyagoo u maraya wadahadal iyo wadatashi si loo helo xal waara,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dhexdhexaadinta.”

“Beesha caalamka waxaa ka go’an hirgelinta heshiiskii ay magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland bishii Oktoobar 2014, oo beelaha ku kala nool Puntland iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug u suurtagalinaya inay nabad ku wada noolaadaan.”

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageero bixiso maadaama aan horey u soconayno, oo idinkuna aad wajahaysaan caqabado cusub. Waddada idinka horeysa ma aha mid xaarxaaran oo wada siman ama mid fudud, laakiin waxaan ku kalsoonahay inaad guuleysan doontaan idinkoo leh adkeysi iyo go’aan adag.

DHAMMAAD