Ergeyga QM Nicholas Kay oo soo dhoweeyay Soomaaliya oo ku biirtay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta

20 Jan 2015

Ergeyga QM Nicholas Kay oo soo dhoweeyay Soomaaliya oo ku biirtay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta (CRC) taasoo ka dhacday xaflad uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu qabtay dugsi ku yaalla magaalada Muqdisho. Heshiisku wuxuu gundhig u yahay tallaabooyinka ay dowladuhu u baahanyihiin inay qaadaan si ay u ilaaliyaan una horumariyaan xuquuqda madani, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqaale, kuwa bulsho iyo kuwa dhaqan ee carruurta dhammaantooda.

“Waxaan soo dhoweynayaa ansaxinta ay Soomaaliya ansaxisay Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Tani waa tallaabo muhim ah oo horey loo qaaday si loo ilaaliyo loona horumariyo xuquuqda ay leeyihiin dhammaan carruurta Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Maadaama uu dalku ka soo kabanayo labaatameeyo sanno oo colaad ah, Dowladda Federaalka iyo saaxiibada ay ku leedahay caalamkaba waajib baa ka saaran inay ilaaliyaan una adeegaan kuwa ugu nugul ee bulshada Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay hadda sidoo kale billaabi doonto geeddi-socodka ay xubin kaga noqon lahayd Borotakoollada aan Qasabka ahayn ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Qaramada Midoobay waxay diyaar la tahay inay hay’adaha iyo madaxda Soomaaliya ku taageerto arrintaas.”

Dhamaad.