Ergeyga QM oo lakulmay Madax Somali ah iyo siyasiyin kunabaaqay xasiloni siyasaded kahor Copenhagen

17 Nov 2014

Ergeyga QM oo lakulmay Madax Somali ah iyo siyasiyin kunabaaqay xasiloni siyasaded kahor Copenhagen

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) Nicholas Kay ayaa la kulmay madaxda Soomaaliyeed 16-ka November 2014. Waxaa shirka ku wehliyay Danjiraha Denmark Geert Aagaard Andersen, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub (EU) u Qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso, Danjiraha Talyaaniga Fabrizio Marcelli, Danjiraha Sweden Mikael Lindvall iyo Danjiraha Boqortooyada Midowday (UK) Neil Wigan ayagoo shirar la qaatay Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari. Waxay ka wada hadleen xasaradaha siyaasadeed ee taagan waxayna ku boorriyeen madaxda inay xal u helaan arrinta, xalkaas oo u ogolaanayo Dowladda Federaalka inay taabbageliso qorshaha Aragtida 2016 kaas oo loogu talo galay in isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya uu qabsoomo xilliga loogu talo galay. Shirarkooda ayaa dhacay ayada oo Dowladda Federaalka iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay isku diyaarinayaan Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare (HLPF) tii ugu Horreysay ee Heer Wasiir ah taas oo ka dhici doonta Copenhagen 19ka iyo 20ka November.