Farriinta Xoghayaha Guud ee Maalinta QM 2024
Qaramada Midoobay waxaa dhisay caalamka, waxaana loo dhisay caalamka.
Tan iyo 1945, waxay ahayd meesha ay dalalku ku midoobaan si xal caalami ah loogu helo dhibaatooyinka caalamiga ah.
Xal lagu dejinayo xiisadaha, lagu dhisayo buundooyin laguna abuurayo nabad.
Xal lagu ciribtirayo faqriga, laguna kobcinayo horumar waara, looguna istaagayo kuwa ugu nugul.
Xal gargaar naf-badbaadiye ah lagu gaarsiinayo dadka ku dhex nool colaadaha, rabshadaha, dhibaatooyinka dhaqaale, iyo masiibooyinka cimilada.
Xal miisaanka caddaaladda iyo sinnaanta u simaya haweenka iyo gabdhaha.
Xal la tacaalaya arrimaha aan la qiyaasi karin sannadkii 1945 - isbeddelka cimilada, tignoolajiyada dhijitaalka ah, garaadka macmalka ah, iyo cirbixinta hawada sare.
Bishii Sebtembar, Golaha Guud/Loo Dhanyahay wuxuu ansixiyay Heshiiska Mustaqbalka, Isafgaradka Dhijitaal ah ee Caalamka iyo Baaqa Jiilka Mustaqbalka.
Si wada jir ah, heshiisyadan taariikhiga ah ayaa si wadajir ah gacan uga geysan doona xaqqjinta in nidaamka Qaramada Midoobay uu la qabsado, dib-u-habeeyo dibna u cusbooneysiiyo, si uu u noqdo mid ku habboon isbeddelada iyo caqabadaha nagu xeeran xalna u keeno dadkoo dhan.
Laakiin shaqadeenu waxay had iyo jeer ku salaysnaan doontaa qiyamka iyo mabaadi'da aan waqtiga lahayn ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, iyo sharafta iyo xuquuqda aadanaha ee qof kasta.
Adduunka dhibaateysan ee maanta, rajo kuma filna.
Rajadu waxay u baahan tahay waxqabad la go'aamiyay iyo xalal dhinacyo badan leh si loo helo nabad, barwaaqo la wadaago iyo meeraha dhulka oo horumaraya.
Rajadu waxay u baahan tahay dalalka oo dhan oo u wada shaqeeya iyagoo mid ah.
Rajadu waxay u baahan tahay Qaramada Midoobay.
Maalinta Qaramada Midoobay, waxaan ugu baaqayaa dhammaan dalalka inay sii wadaan iftiinkan adduunka, iyo fikradihiisa inuu sii dhalaalo.