Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay muddada shaqo ee UNSOM illaa May 2022

1 Sep 2021

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay muddada shaqo ee UNSOM illaa May 2022

New York - Isniin, 30ka Agoosto,  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay muddada shaqo ee Howlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay (UNSOM) illaa 31ka May 2022, waxa ayna codsadeen in la xoojiyo joogitaankeeda dalka oo dhan “hadba inta ammaanku saamaxo”.

Iyaga oo si aqlabiyad leh ku oggolaaday Qaraarka tirsigiisu yahay 2592, ayaa Goluhu wuxuu sidoo kale go’aansaday in UNSOM ay sii wado isu-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, sare-u-qaadidda qorsheyaasha iyo howlaha loo dhan yahay,  iyada oo si buuxda loola kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo taageeridda dardar-gelinta siyaasadda loo dhan yahay ee dowladdu hoggaamiso.

Qaraarka oo dhameystiran oo luqadda Ingiriisiga ah halkan ayaa laga heli karaa.