Golaha Baarlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba oo la Caleemo-saaray

10 May 2015

Golaha Baarlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba oo la Caleemo-saaray

Kismayo – Golaha Baarlamaanka Maamulka Ku Meel Gaarka ah ee Jubba ayaa khamiistii la daah-furay taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaaday geedi socodka dowlad dhisidda dalka.

Xafladda Caleema saarka oo lagu qabtay Magaalada Dekadda leh ee Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Hogaamiyaha Maamulka Ku Meel Gaarka ah ee Jubba Sheekh Axmed Islaam Madoobe, Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika Sareeye Guuto Jonathan Rono,Ergayga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo sidoo kale wufuud matalaysay Kenya , Itoobiya iyo Qaramada Midoobay iyo kuwo kale.

Isagoo ka hadlayay xafladda Madaxwayne Xasan ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ka codsaday midnimo isagoo ku baaqay in dadaal xoogan loo galo xasilinta dalka oo hadda ka soo kabanaya colaadihii.

“Waxaan luminay waxaa weeye waa Qarankii, in dib loo soo ciliyana waa culays xoogan oo aynu qaadnay. Soomali ahaan waa inaan iska ilowdo wixii tagay diiradana saarno hadda iyo mustaqbalka” ayuu yiri.

Annie Demirjian, oo ah Agaasimaha Howlgalka Caawinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan Siyaasadda iyo kooxda dhexdhexaadinta ayaa hambalyo u dirtay maamulka isagoo caalema saarka golaha ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah oo loo qaaday dhaqan galinta heshiiskii Addis Ababa ee 3013-kii kaasi oo maamulka lagu aas-saasay. 

“ Anigoo ku hadlaya magaca Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya runtii waan idin hambalyeynayaa. Waan ogahay in mas’uuliyad culus ay garbihiina saran tahay, hase ahaatee waxaan hubaa inaad mas’uuliyaddiina u qaadi doontaan si hufan” ayay tiri. “  Hay’ddaan muhiimka ah waa calaam na tusaysa tallabo aad u muhiim ah oo loo qaaday geeddi socodka dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee matalaya bulshada degan gudaha Saddexda gobol oo ay ka mid yihiin Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe”

Waxaa ay ammaantay tallaabooyinka muhiimka ah ee maamulku ilaa iyo hadda uu qaaday oo ay ka mid yihiin aas-aaska Golaha fulinta iyo qabashada labo shir dib u heshiisiineed iyo doorashada afhayeenka golaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Madoobe ayaa u mahad celiyay saaxibada caalamka oo ay ka mid yihiin IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo sii wada taageeridda dowlad goboleedka.

Dhismaha golaha ayaa bilowday bishii Janaayo waxaana la soo gabagabeeyay April ayadoo ugu dambayntiina la dhaariyay 75 xildhibaan.

Golaha ayaa afhayeen u doortay Sheekh Cabdi Maxamed, ayadoo sidoo kale Aadan Khalif Xaaji u doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad halka Cabdi Baley Xuseen loo doortay gudoomiye ku xigeenka labaad.