Hadal-Jeedinti Warbaahinta ee Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u Qaabbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ee Garoowe, Puntland

13 Mar 2022

Hadal-Jeedinti Warbaahinta ee Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u Qaabbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ee Garoowe, Puntland

Galab wanaagsan, Mudane Madaxweyne, Wakiillada Dowladda-Goboleedka Puntland iyo Warbaahinta.

Waxa aan idinkaga mahadcelinayaa, Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni adiga iyo kooxdaada, soo dhoweynta diirran ee aad maanta noo fidiseen anagoo ah bahda Midowga Afrika/ Urur-Goboleedka (IGAD) /Midowga Yurub/ iyo QM. Farxad ayey inoo tahay inaan mar kale ku imaanno Garoowe, mid ka mida booqashooyinkeenna caadiga ahaa ee aan ku tagno Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka; taas oo qeyb ka ah dadaalladeenna wadajirka ah ee aan ku taageeyno Soomaaliya oo ku wajahan geeddi-socodkeeda degenaanshiyo mugweyn.

Waxaa safarka igu wehlinaya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Ku-xigeenka Wakiilka, Marwo Fiona Lortan; Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo wakiilka Howlgalka Gaarka ah ee IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi.

Kulankeenna aan maanta la yeelanay Madaxweyne Deni iyo Golihiisa wasiirada waxaan kala hadalnay arrimo maxalli ah iyo kuwo heer qaran ah, iyada oo aan si gaar ah diiradda u saaraynay doorashooyinka socda.

Waxaan ka hadalnay saameynta abaartu ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta jawaabaheenna xiriira.

Waxa aan ka hadalnay dardarta ey tahay in loogu gudbo marxaladda xigta ee doorashooyinka iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si taa loo sameeyo. Waxa aan soo dhoweynay horumarka ey Puntland ka sameysay dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ka hor wakhtiga kama dambeysta ah ee 15-ka Maarso.  Ilaa hadda, waxa ay Puntland dooratay 31 ka mida 37 kursi oo ay 5 ka mida yihiin dumar.

Waxa aan mar kale hoosta ka xariiqnay muhiimadda ey leedahay in geeddi-socodku noqdo mid loo dhan yahay. Waxa aan bogaadinay dadaallada ololeynta firfircoon ee Puntland ka socda ee ku aaddan hiigsiga qoondada ugu yaraan boqolkiba 30 ee metelaadda haweenka ee doorashooyinkan. Si kastaba ha ahaatee, waxa aan ogaanay oo na walaaciyey in gaarista yoolkani uu shaki ku jiro. Sidaa darteed, waxa aan boorrineynaa in dadaallada socda la laba laabo si loo xaqiijiyo metelaad haween oo dheeri ah oo Baarlamaanka Federaalka ah.

Maadaama aan ku sii dhawaaneyno muddada kama dambeysta ah ee 15-ka Maarso, waxaa muhiim ah in loo soo gebagebeeyo doorashooyinka dhammaan kuraasta Golaha Shacabka sida ugu dhaqsiyaha badan, iyada oo la xaqiijinayo fagaare siyaadeed oo cidkasta u furan, si geeddi-socodka doorashada loogu soo afmeero wakhtigii lagu heshiiyey.

Waxa aan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Deni, xukuumaddiisa, iyo shacabka Puntland soo dhaweyntoodii diiraneyd intii aan ku guda jirnay booqashadeenna.

Waad mahadsantihiin.