Hadal-Qoraalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

29 Dec 2019

Hadal-Qoraalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

Xog-hayaha Guud ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee 28kii Disembar 2019 ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii dhibaatadu kasoo gaartay, wuxuuna dadka dhaawaca ah u rajeeyay soo kabasho dhakhso leh. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dembiilayaasha ka dambeeyay falkan argagaxa leh la horkeeno cadaaladda.

Xog-hayaha Guud wuxuu mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda ugu taageerayso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan nabadda iyo horumarka.

Stephane Dujarric

Af-hayeenka Xog-hayaha Guud

New York

28 Disembar 2019