Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – ee ku aaddan Soomaaliya

26 Apr 2021

Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – ee ku aaddan Soomaaliya

New York – Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo

Stéphane Dujarric, Spokesman for the Secretary-General