Hadaljeedinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya u jeediyay Golaha Amaanka

previous next
21 May 2020

Hadaljeedinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya u jeediyay Golaha Amaanka

Mudane Madaxweyne,

Galab wanaagsan oo aan idinka soo jeedinayo magaalada Muqdisho iyo Ramadaan Mubarak oo aan ku leeyahay walaalaheena Soomaaliyeed innagoo ku sii dhow Ciid-al-Fitriga.

Soomaaliya, sida dunidda inteeda kale, waxay diiradda saareysaa la-dagaallanka masiibada COVID-19. Soomaaliya waxay diiwaangelisay in ka badan 1,500 oo kiis inkasta oo tirada dhabta ah ay ay u dhow dahay inay intaa aad uga badan tahay.

Cawaaqibta ay masiibadan u leedahay Soomaaliya waa mid ba'an. Xitaa ka hor COVID, in ka badan 5 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahnaa kaalmo bina-aadamnimo. Dadka gudaha ku barakacay ee gaaraya 2.6 milyan ee ayaa gaar ahaan khatar ugu jira. Ku dhawaad hal milyan oo Soomaali ah ayaa hadda saameyn ku yeeshay fatahaadda, dalkuna sidoo kale wuxuu wajahayaa xaaladii ugu xumayd ee weerarkii ugu ba’naa ee ayaxa muddo 25 sanno ah.

Marka laga soo tago saameynta caafimaad iyo mida bini'aadanimo, COVID waxuu sidoo kale saameyn xun oo dhaqaale ku leeyahay Soomaaliya. Dakhliga iyo xawaaladaha lacagta qurba joogta ayaa hoos u dhacay. Dowladda Federaalka ayaa odorosaysa hoos u dhac gaaraya 11 boqolkiiba oo ku yimaada wax soo saarka dakhliga guud ahaan GDP ee 2020.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ayaa si dhaqso leh wax uga qabtay musiibada intii karaankooda ah. Guddi Hawleed Qaran ee COVID ayaa la sameeyay horraantii Maarso, oo uu guddoomiyo Ra'iisul Wasaare Xasan Khayre. Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ayaa sameeyay guddiyo la mid ah waxayna ka qeybqaataan wada-shaqeynta iyo isuduwidda heer qaran

Bahda QM waxay ka shaqeynaysaa sidii ay u xoojin lahayd gurmadka Dowladda. Hay'adaha, Sanaadiiqda, iyo Barnaamijyada QM waxay dib u habayn ku sameeyeen howlahooda si mudnaanta loo siiyo COVID. Tusaale ahaan, Hay'ada Caafimaadka Adduunku waxay ballaarisay awooda cisbitaalka Soomaalida, waxay dhistay xarumaha go'doominta waxayna taageertay sheybaarada baaritaanada. UNDP waxay bixisay matoorro korontada dheliya. UNSOS iyo Adeegga Hawada ee Banii-adamnimada QM waxaay bixiyeen gaadiid diyaaradeed oo muhiim ah iyo taageero kale oo xaga saadka ah.

Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay gurmad ka bixiso COVID waxaa si weyn uga caawiyay inay gaadhay marxaladda go’aaminta ee Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan 25kii bishii Maarso. Talaabadan taariikhiga ah waxay aqoonsatay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maareynta maaliyadda guud waxayna hadda u saamaxday Soomaaliya inay xaq u yeelato taageero miisaaniyadeed oo dheeraad ah iyo deeq maalgelin. Bangiga Adduunka iyo hay'adaha QM sida Hay’ada Cuntada Addunnka-WFP ayaa iyaguna dedejinaya dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo maalgashiga xawilaadda lacagaha caddaanka ah si ay gacan uga gaystaan kor u qaadida hab nolaleedka iyo adkaysiga.

Ka sokow gurmadka tooska ah, bahda QM waxay Dowladda ku taageereen iyadoo ku howlan isku xirka iyo isu duwida taagerada kaalmada beesha deeq-bixiyayaasha ballaaran. Maalintii 23kii Abriil, ayaa QM ee Soomaaliya soo saartay Qorshaha Diyaar garowga iyo Gurmadka Dalka ee loogu talagalay COVID-19 ee lagu taageerayo Dowladda.

Mudane Madaxweyne,

Ka hor masiibada adduunka, Soomaaliya waxay dejisay himilooyin qaran oo mudnaan u leh 2020. Arrimahan waxaa ka mid ah qabashada doorashooyinkii tooska ahaa ee ugu horreeyay ee ka dhaca Soomaaliya tan iyo 1969. Sida golahan uu xusay bishii Nofembar, qabashada doorasho qof-iyo-cod ah oo si nabad ah ku dhacda, loo wada dhanyahay, lagu kalsoonaan karo, oo daahfuran waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Soomaaliya waxayna gacan ka geysaneysaa horumarka dimoqoraadiga ah ee uu dalku hayo.

Toddobaadyada soo socda waxay noqon doonaan kuwo kala bax ah oo lagu go’aamiyo sida ay Soomaaliya u sii aadi doonto doorashooyinkaas. Guddiga Wadajirka ee Ku Meel Gaarka ah ee Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu soo bandhigo tallooyinkiisa ku aaddan xallinta arrimaha laga tagay Sharciga Doorashada ee la ansixiyay bishii Febraayo. Arrimahaas waxaa ka mid ah qaabaynta deegaan doorashooyinka, qoondaynta kuraasta Aqalka Sare, iyo dammaanad qaadista boqolkiiba soddon kuraasta baarlamaanka ee loo qoondeeyo haweenka. Baarlamaanku waa inuu sidoo kale dhaqan galiyaa wax ka badallo lagu sameeeyo Sharciga Xisbiyada si loo waafajiyo Xeerka Doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorasha Qaranka ayaa sidoo kale kalfadhi wadajir ah ee Aqallada Barlamaanka uga warbixin doonta qorshaha qabashada doorashooyinka muddada dastuuriga ah dhexdeeda.

Hay’adaha Soomaaaliyeed ayaa go’aan ka gaari doona wadiiqada loo marayo doorashooyinka. Saaxiibada jaalka la ah Soomaaliya waa inay markaa diyaar u ahaadaan inay abaabbulaan taageerada farsamo iyo dhaqaalaha loo baahanyahay si loo hirgeliyo. Shaqada Guddi Hawleedka Qaran ee Amniga Doorasha waa inuu sidoo kale la dardargeliyaa si loo xaqiijiyo qabanqaabada amniga ee lagama maarmaanka ah si ay codeyntu u dhacdo. Waxaa sidoo kale muhim ah, in ay jiri doonto baahi loo qabo in isafgarad wadarogol ah laga dhexdhiso madaxada siyaasadda iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in doorashadu ay yeelato taageero in aqbalaad ballaaran.

Diiradda la saarayo doorashada ka sokow, waxaan garowsanahay muhimadda ay leedahay in Soomaaliya ay horumar ka gaarto arrimaha kale ee mudnaanta leh ee lagama maarmaanka u ah dowlad dhisidda. Arrimahan waxaa ka mid ah dhisidda Maxkamadda Dastuuriga, Guddiga Adeegga Garsoorka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka, iyo weliba dhammeystirka dibueegidda Dastuurka Federaalka.

Tartanka dimuqraadiga dhabta ah wuxuu sidoo kale u baahan yahay jawi suurtageliya ee dhowra/ilaaliya xorriyadaha qowlka, kulanka, iyo ururinta/abaabulka. Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah inay xaqiijiyaan in arrimahan si buuxda loo dhowro, gaar ahaan inta lagu jiro sannadkan doorashada ee muhimka ah. 

Mudana Madaxweyne,

Haddaan u jeesto xaaladda amniga, ii ogolow inaan marka hore ammaan u soo jeediyo ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya sida joogtada ah ee ay naftooda ugu hurayaan raadinta nabadda. AMISOM waxay dhammeystireen dhimidda tirade ugu badan ee ciidamadooda iyagoo ka dhimay 1,000 askari 5tii mishii Maarso, sida uu go’aamiyay Golahan. UNSOS waxay hadda taageero saad siisaa ciidamo AMISOM oo tiradoodu tahay 19,626, iyo weliba Ciidamada Amniga Soomaaliyeed oo gaaraya 10,900, oo lagu taageero Sanduuqa Amaanada Ciidamada Amniga Soomaaliyeed.

Tan iyo warbixintaydii hore, Soomaaliya waxay horumar ka gaartay dib u soo celinta goobo ay Al-Shabaab haysteen. 16kii bishii Maarso, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM waxay xoreeyeen magaalada istaraatiijiga ah ee Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada oo ay Soomaalidu hogaaminayso ayaa magaalada gacanta ku haya tan iyo markaas, waxaana socda dadaallo ay wadaan hay’ada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si magaalada loogu soo celiyo maamulka, caddaaladda, sharciga iyo kala danbaynta iyo xasilloonida, iyadoo taageero ka helaya UNSOS iyo UNSOM iyo saaxiibo kaleba.

Islamarkaasna, waxaa socda dibuhabaynta hay’adaha oo lagu sameynayo ciidamada amniga, oo ka mid tahay hagaajinta maareynta iyo nidaamka shaqaalaha.

Sida lagu qeexay Qiimeynta Khatarta ee ay si Wadajir ah u sameeyeen DFS-MA-QM ee la soo gunaanaday bishii Janaayo, khatarta Al-Shabaab weli way isbedelaysaa. Kooxdu waxay geysataa cagajuglayn iyo rabshad kumana koobna Qaraxyada Macmalka ah, weerarrada madaaficda hoobiyeyaasha iyo dilalka qorsheysan, inkastoo kuwani ay sii socdaan. Waxay sidoo kale adeegsadaan baad, hawlo ganacsi oo sharci darro ah iyo xeelado dembiilenimo.

Waxaan ka xunahay in Al-Shabaab ayna qaadanin baaqii Golaha Amaanka ee xabbad joojinta caalamiga ah, oo hawlgallooda argagaxiso si kala joogsad la’aan ah ayay u sii socdaan.     

Marka la eego khatarta qaraxyada macmalka gaar ahaan, ciidamada amniga Soomaaliyeed waxay ka faa’iideysanayaan taageerada farsamo si looga hortago khatartan dilaaga ah. Waxaan ku hanweynahay inaan dhegeysano warbixinta Agaasimaha Hay’adda Adeegga Mina Baarista Qaramada Midoobay ee ay soo jeedin doonto dabayaaqada kalfadhigan.

Waxaan soo dhaweynayaa balanqaadka Dowladda Federaalka ee ah inay dib u eegis ku sameyso Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya si loo cusbooneysiiyo jadwalwaqtiyeedka loo cayimey qorshaha loona asteeyo howlaha muhiimka ah iyo dulduleellada ka soo ifbaxay khatarta isbedelaysa ee ka imanaysa Al-Shabaab. Dowladdu waxay muujisay sida ay uga go'an tahay inay xoojiso Qaabka Dhammaystiran ee Amniga, waana soo dhoweyneynaa taas.

Nasiib darro, COVID-19 waxa uu gaabis ku keenay tababarka la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee lagama maarmaanka u ah sidii loo dhisi lahaa ciidamada loogu baahan yahay la-dagaallanka al-Shabaab oo laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan xawaaraha hawlgallada mustaqbalka.

Waxaan qiimeyn ku sameynay wada hadallada loo wada dhanyahay ee u dhexeeya hogaanka amniga Soomaaliyeed iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee muhiimka ah ee loo qabtay si looga doodo shuruudaha iyo qaabeynta taageerada caalamiga ah ee waaxda amniga Soomaaliya sannadaha soo socda. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadaladaan si aan u xoojino dadaalkeena wadajirka ah.

Mudane Madaxweyne,

Haddaan u soo jeesto waxyaabaha ku soo kordhay iyo horumarka ka jira Dowlad Goboleedyada Xubaha ka ah Federaalka, waxaa na dhiirigeliyay horumarkii dhawaan laga gaaray wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta ka dhacay dhowr iyaga ka mid ah. Kuwaas waxaa ka mid ah Galmudug (halkaas oo gole wasiiro oo si ballaadhan dadka u matala lagu soo magacaabay ), Koonfur Galbeed (oo odayaashu ay soo xuleen baarlamaan cusub), iyo Jubbaland (oo siyaasiyiintii horey iska soo horjeeday ay ku heshiiyeen inay wada shaqeeyaan oo ay sii wadaan dib u heshiisiin dheeri ah).  Kuwan iyo Dowlad Goboleedyada kale ee Xubnaha ka ah Federaalkaba waxaan ku boorinaynaa inay sii wadaan daallada loogu jiro wadahadalka iyo la xiriirka dhammaan bulshada si loo helo maamul loo wada dhan yahay oo ay ku jirto danta dadka.

Marka la eego xiriirka Soomaaliya iyo ‘Somaliland’, waxaa na dhiirrigeliyay in wadahadalku ku socdo meel heer heerar sare ah labada dhinacna waxay muujiyeen rabitaan iyo inay diyaar u yihiin inay sii wadaan xiriirka isla markaana ay sii wadaan wadahadallo dheeraadka ah. 

Waxaan ku boorinaynaa in u heellanaanta wadahadalka iyo hagaajinta iskaashiga loo fidiyo oo la gaarsiiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka. In kastoo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka uu yahay mid iskaashi fiican leh, waxaan ka xunahay in in ka badan hal sanno ay ka soo wareegtay tan iyo markii ay Madaxweynaha iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay kulmeen. In laga miradheliyo waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka waxay baahan tahay in dhammaan ka wada shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne, 

Gabagabadii, waxaan jecelahay inaan Golahan u xaqiijiyo in QM ee Soomaaliya ay tahay mid joogta, firfircoon, oo ka go'an fulinta waajibaadkeena – in kasta oo ay jiraan xayiraadyo iyo caqabado dheeri ah oo ay keentay masiibada adduunka, iyo sidoo kale khataraha amni ee socda ee wajahaya howlgalkan. Waxaan si ku-meelgaar ah u yareynay shaqaalihii ka shaqeynayay magaalada Muqdishu iyo xafiisyadeenna gobollada, laakin shaqaalaheena ayaa oo ku wada xidhiidha hanaanka isgaadhsiinta ee aallada maqal-muuqaalka ah iyagoo kala fog ayaa ku shaqeynaya oo ku howlan, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxayna sii wadaan muujinta inay ka go'antahay inay taageeraan dadka Soomaaliyeed

Mahadsanidiin.