QM waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u rajeynaysaa Ciidul-Fitri nabdoon oo xasiloon

23 May 2020

QM waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u rajeynaysaa Ciidul-Fitri nabdoon oo xasiloon

Muqdisho  Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u direysaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soon-fur ee Ciidul-Fitriga.

“Qaramada Midoobay waxay u rajaynaysaa dadka Soomaaliyeed Ciidul-Fitri nabdoon oo xasiloon maadaama aan soo gaarnay dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan, oo ah waqti dabaaldeg iyo wadajir,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxay ahayd arrin aad dhiirigein u leh in la arko midnimada iyo isku-xirnaanta ay muujiyeen dad aad u badan bishii lasoo dhaafay oo dhan, iyadoo bartanka looga jiro la-tacaalidda COVID-19,” ayuu raaciyay. “Waxaana rajaynaynaa in [midnimada iyo isku-xirnaanta] ay sii socdaan maadaama dadku ay Ciidda ugu dabaal-degayaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay, iyadoo la ilaalinayo tilmaamayaasha bed-qabka caafimaad – Ciid Wanaagsan.”