Hadaljeedintii Xog-Hayaha Guud ee QM uu u jeediyay warbaahinta Muqdisho

11 Apr 2023

Hadaljeedintii Xog-Hayaha Guud ee QM uu u jeediyay warbaahinta Muqdisho

Mudane Madaxweyne,

Xubnaha bahda saxaafadda,

Waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto Soomaaliya, lix sanno ka dib booqashadaydii iigu horeysay anigoo ah Xoghayaha Guud, ka sokow booqashooyinkii badnaa ee aan ku imid anigoo ah Wakiilka Sare ee Qaxootiga muddo 10 sanno ka badan gudaheeda.

Waxaana rabaa inaan ugu mahadceliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda sida diiran ee la ii soo dhoweeyay.

Marka ugu horeysa, tani waa booqasho lagu muujinayo isgarabistaag.

Sannad kasta marka lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaa sharaf ii ah inaan booqdo dal Muslim ah.

Maantana, waxaan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya halkan ka sii wado dhaqankan, oo aan idinla soomo si wadajir ah oo isgarabistaag ah.

Waxaana jecelahay inaan u mahad celiyo cid kasta oo ii ogolaatay in aan ku soo biiro waqtigan gaarka ah, waxaana  ku hanweynahay in aan markaa ka dib afurka la wadaago koox marti sharaf ah, oo uu nagu martiqaaday Mudane Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo aniga waxaan ka wada hadalnay dadaallada qiimaha badan ee ay dowladdu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa argagixisada laguna horumarin lahaa nabadda iyo amniga qof kasta.

Waxaana hoosta ka xariiqnay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn sii xoogaysata oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyadu waxay ku xisaabtami karaan taageeradayada si horey loogu sii wado dowlad-dhisidda, waxaana si gaar ah inoo dhiirigeliyay heshiiskii dhowaan la gaaray ee la xiriira arrimaha kala duwan ee awood qaybsiga.

Waxaa kaloon halkan u joogaa in aan qaylo dhaan ka bixiyo baahida loo qabo taageero aad u baaxad weyn oo calami ah, taageero aad u baaxad weyn oo calami ah sababtoo ah  dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee uu dalku wajahayo, taageero aad u baaxad weyn oo calami ah oo la xiriira dhisidda tayada amni ee Soomaaliya, iyo taageero aad u baaxad weyn oo calami ah ee xasilinta iyo horumarinta dalka.

Soomaaliya waxaa haatan ka jirta abaarihii shantii sanno ee isxigxigay ee ugu darnaa taariikhda inta la ogyahay, waxaana rajeynayaa in roobka iman doonaa uu sii socon doono oo uu gacan ka geysan doono wax ka qabashada xaaladda aadka u adag ee ay abaartu dalka ka abuurtay.

Inkastoo Soomaalidu aanay wax lug ah ku lahayn isbeddelka cimilada – runtii, Soomaaliya ka geysataa boqolkiiba 0.003 ee suntan gaaska keena isbedelka cimilada, haddana Soomaalidu waxay ka mid yihiin dhibbanayaasha ugu badan.

Ku dhowaad ​​5 milyan oo qof ayaa waxaa haysta heerar sare oo cunto yari aad u daran ah.

Iyo babcan, sicirka oo sii kordhaya ayaa arrinta uga sii daraya.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa deeq bixiyayaasha iyo beesha caalamka inay dardargeliyaan taageeradooda:

In si degdeg ah loo maalgeliyo Qorshaha Gurmadka Bani'aadamnimada ee 2023, kaas oo hadda boqolkiiba 15 oo kelia laga maal-geliyay, dadka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin isgarabistaagga beesha caalamka.

Waxayna mudan yihiin sidaa si looga hortago nafaqa darro iyo barakac.

In la badbaadiyo nolosha, lagana hortago macluusha.

Laakiin sidoo kale in lagu guuleysto in dalka laga billaabo hanaan cusub oo xasilin iyo horumarin ah iyo in la dhiso tayadiisa uu kula dagaallamo Al-Shabaab si waxtar leh oo ka badan siduu dhowaan ahaa.

Asxaabta qaaliga ah,

Soomaaliya waxay muujinaysaa farriinta bisha Ramadaan ee aan dhammaanayn ee ah dib u cusboonaysiin iyo rajo.

Iyadoo lagu jiro waqtiyadan adag, waxaan rabaa in aan idinku bogaadiyo tamartiina iyo adkeysigiina, waxaana ku celinayaa taageerada hagar la'aanta ah ee Qaramada Midoobay.

Waxaan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya la garab taagannahay taageero iyo midnimo – si loo helo nabad, amni iyo horumar waara.

Ramadaan Mubaarak, Ramadaan Wanaagsan!

Mahadsanidiin.