Hadalkii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somalia, James Swan, uga jeediyay warbaahinta magaalada Baydhabo

16 Sep 2021

Hadalkii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somalia, James Swan, uga jeediyay warbaahinta magaalada Baydhabo

Mahadsanid Mudane Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed ‘Laftagareen’ qaabilaadda iyo soo dhoweynta diirran oo adiga iyo kooxdaada aad mar labaad na siiseen.

Maanta waxaa i weheliya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira iyo sidoo  kale Safiirka cusub ee Midowga Yurub u joogo Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann, iyo Sii -Hayaha Safaaradda Norway Haakon Svane.

Sababta ugu muhiimsan ee booqashadeena waa in aan kala tashanno Dowladda Koonfur Galbeed doorashooyinka soo socda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxaan sidoo kale ku faraxsannahay in aan fursad u helnay in aan la kulanno Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashoooyinka ee Koonfur Galbeed, iyo inaan booqannay xafiisyada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowladda Goboleedka iyo sidoo kale saddex ka mid ah goobaha loo qorsheeyey in ay ka dhacdo codbixinta doorashooyinka soo socda [ee Golaha Shacabka]. 

Shalay waxaan Muqdisho wadatashi kula yeelannay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor,’ sidaa darteed waxa aan fileynaa in aan booqashadan kadib wadatashiyo badan la yeelan doonno hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka toddobaadyada soo socda .

Dowladda Koonfur Galbeed waxay sameysay horumar in la bogaadiyo mudan, Waa mid ka mid ah labo Dowlad-Goboleed oo si guul ah ku soo gabagabeeyey doorashoooyinka Aqalka Sare si waafaqsan jadwalkii lagu heshiiyey. Tani waa mid dhiirigelin weyn leh, waxaana sidoo kale rajeyneynaa in aan aragno horumarro la mid ah ee la xiriira u diyaargarowga doorashooyinka Golaha Shacabka.

Wadahadalladeeni aan la yeeelannay Madaxweynaha iyo kooxdiisa waxay diiradda saareen sidi doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoon yahay loogu qaban lahaa Dolwlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Intii ay wadahadalladeenu socdeen waxaan ku heshiinnay in geeddi-socodka doorashooyinka noocan oo kale ah ay aasaas xoog leh u yihiin sharciyadda xukuumad kasta, waxaanna ku faraxsanahay in aan xuso in Madaxweynuhu hoosta ka xarriiqay inay ka go’an tahay in la xaqiijiyo geeddi-socod lagu kalsoonaan karo oo daah furan.

Dabcan, kalsoonida lagu qabi karo doorasho lagama go’aamin karo maalinta codbixinta oo kali ah.  Geeddi-socodka illaa laga gaaro maalinta codbixinta waa muhiim sidaa si lamid ah.  Sidaas darteed, waxaan isku raacnay in ay muhiim tahay xaqiijinta in fagaaraha siyaasaddu uu u furan yahay dadka oo dhan iyo in xorriyatul hadalka iyo qabanqaabinta ay iyaguna yihiin wax loo baahan yahay marka la eego arrintan.

Madaxweynaha wuxuu warbixin kooban naga siiyey xaaladda amniga ee Koonfur Galbeed iyo caqabadaha uu maamulkiisu wajahayo. Waxan sidoo kale isla aragnay dadaallada ay Al-Shabaab waddo oo ay ku go’ddomineyso goobaha muhiimka ah guud ahaan gobollada Koonfur Galbeed, inagoo muujinnay sida aan arrintan uga walaacsannahay.

Waxan  bogaadineynaa dadaallada Ciidamada Ammaanka ee Koonfur Galbeed, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay kaga hortagayaan halista ka imaaneysa xagjirka. Nafhurista ay ka sameeyeen ciidamadan dagaalka looga hortagayo Al-Shabaab ma aha mid weligeed la illoobi doono.

Xiisadaha haatan taagan ee saameeyey hoggaanka qaranka Soomaaliya, waxaan Madaxweyne Laftagareen ku bogaadineynaa dadaallada lagu dhexdhexaadinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Ra’isal Wasaare Maxamed Xussen Rooble.

Waxan si niyad-wanaag ah u rajeyneyna in dadaalladiisa iyo kuwa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka iyo dhexdhexaadiyeyaasha kale ay caawin doonto in la xalliyo wixi kala duwanaansha ah ee haray. Baahida loo qabo wadahadallo, niyad wanaag iyo  in danaha dadka Soomaaliyeed laga hormariyo wax kasta oo kale ayaa muhiim ah waqti xaadirkan si Soomaaliya ay ugu socoto jidka xasilloonida iyo dib-u-habeynta.

Arrinta xaqiijinta ugu yaraan boqolkiiba 30 qoonddada haweenka ee matalaadda waxa ay ahayd mid si weyn ugu dhex muuqatay wadahadalladeena. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM. Aamina J. Maxamed, waxa ay joogtay Soomaaliya toddobaadki la soo dhaafay si ay u xoojiso qodobkan, iyadoo Madaxweyne Cabdicasiis uu ka qayb galay shirka iyada lala yeeshay markii qodobkan laga wadahadlayey.

Arrinta ka-qaybgalka haweenka weli waa mid muhiim u ah Soomaaliya – uma aha oo kaliya doorashooyinka, laakin dareenka guud ayey tallaabo muhiim u tahay si loo gaaro matalaad buuxda iyo bulsho loo dhanyahay.

Mudane Madaxweyne, mar labaad, waad ku mahadsantihiin adiga iyo kooxdaada waqtiga iyo soo-dhaweyntiina. Waxan rajeyneynaa in aan sii wadi doono wadahadalladeena.

Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya si joogta ah ayey uga go’an tahay taageerada Dowladda Koonfur Galbeed dadaalka ay ugu jirto geeddi-socod doorasho oo lagu kalsonaan karo iyo sidoo kale sii wadidda yoolalka la wadaago oo ah in la wada dhiso mustaqbal wanaagsan oo loogu talo galay dhammaan dadka Dowladda Koonfur Galbeed.

Aad baad u mahadsantihiin.