Haweenka Soomaaliyeed waxay noqon karaan wakiilada isbedel siaasadeed iyo kobciyeyaasha nabadda iyo amniga

23 Feb 2016

Haweenka Soomaaliyeed waxay noqon karaan wakiilada isbedel siaasadeed iyo kobciyeyaasha nabadda iyo amniga

Istanbul – WAR-SAXAAFADEED 06/2016

Shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayay arrimaha haweenka, nabadda iyo amniga, lana qabtay maalinti uu furmayay Kulanki sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee Heerka Wasiir (HLPF) ayaa si cad loogaga dhawaaqay xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay noqdaan hogaan ka noqdaan ajendaha siyaasadeed, amni iyo dal dhisid ee dalka.   

Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka, Marwo Zahra Samantar, ayaa ka-qaybgalayaasha kusoo dhoweysay kulan quraac ah oo hal-kudhig looga dhigay Haweenka, Nabadda iyo Amniga: Maal-gelinta Nabad-sameeyeyaasha iyo Bulsho-isu-keenayaasha. Shirka waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyay wasaaradeeda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay, waxaana si wadajir ah u martigeliyay dowladaha Sweden, Norway, Denmark iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska.

“Waa in nala siiyaa aaladihi aan ku saamayn lahayn (dhaqaajin lahayn) siyaasadda, ayu yiri wasiirka, isagoo adkeeyay faa’iidada ay leedahay in haweenku helaan oo la siiyo ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran. “In ka-qaybgalka haweenku uu bato waxaa kaliya oo lagu gaarayaa in la helo bulsho wanaagsan, waxaana ka dhalanaya in si siman oo cadaalad ah loo qaynsado hantida (dalka).”

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa amaanay go’aanka 30 bololkiiba haweenka Soomaaliyeed loogu qoondeeyay inay ku yeeshaan kuraasta aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka dalku yeelan doono. Doorashada labada aqal waxaa la qorsheeyay inay dhacdo August  2016.

“Soomaaliya waxay maraysaa marxalad kalaguur ah oo xasaasi ah, marxaladdaas oo kamid ah geedi-socodka maamul samaynta iyo dhismaha dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Fursadda ay haweenka uga qayqaadanayaan geedi-socodkan waa in la asteeyo oo laga faa’iidaysto.” 

Mudane Keating wuxuu soo hadal qaaday geedi-socodka doorashada ee 2016, geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo samaynta khariidadda iyo tubta loo marayo doorashooyin qof-iyo-codkiisa ah oo qabsooma 2020, wuxuuna arrimahaas ku tilmaamay inay yihiin sadex fursadood oo yididiilo u ah abuurista jawi ay haweenku ku helaan awood-siin siyaasadeed oo ballaaran.

Iyadoo soo koobaysa wixii kasoo baxay shirka, ayaa Maareeyaha Barnaamijka Arimaha Haweenka ee Dalalka ugu Qaabilsan Soomaaliya   Caroline Rusten ayaa sheegtay in ujeedada shirku ay ahayd in diiradda la saaro baahida loo qabo in lasii kordhiyo amniga, helidda cadaaladda iyo ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda si kor loogu qaado xasiloonida iyo barwaaqaynta Soomaaliya.  

Marwo. Rusten waxay iftiimisay sida degdega ah ee loogu baahanyahay in haweenka Soomaaliyeed loogu aqoonsado wakiiladii isbedelka, waxayna sheegtay in nabaddu ay noqonayso mid isbedesha oo la joogtayn karo haddii haweenku qayb ka noqdaan. Waxaa kale oo ay xustay baahida loo qabo in la kordhiyo tallaabada wadajirka ah ee lagu xoojinayo matalaadda haweenka iyo ka-qaybgalka ay ka qayb-gelayaan dejinta siyaasadda Soomaaliya iyo waxyaabaha mudnaanta u leh (dalka) sanadaha soo socda.

”Inta badan Haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamay dhibanayaal, iyagoo ah wakiilada sameeya isbedelka ayaa hadana dowrkooda iyo waxqaadkooda aanan la siinin aqoonsi ku filan,” ayay tiri Marwo. Rusten.

Ka-qaybgalayaashu waxay dowladda Soomaaliyeed ku boorriyeen inay ansixiso Heshiiska Ciribtirka Dhamaan Noocyada Takoorka ee Ka-dhanka ah Haweenka, iyo in dowladdu wax ka qabato arrimaha sinaanta dhedig-labka, iyo gacanta ay haweenka Soomaaliyeed ka geysan karaan xoojinta nabadda iyo amniga ee Qorshaha Horumarinta Qaran ee dowladda kaas oo la samayn doono.