Haweeyney horay ugu dagaalantay Al-Shabaab oo dumarka ugu baaqday in argagisonimada ay ka fogaadaan

3 May 2016

Haweeyney horay ugu dagaalantay Al-Shabaab oo dumarka ugu baaqday in argagisonimada ay ka fogaadaan

Waxay u soo joogtey Lix sano oo dhibaato, dagaal iyo ilmo koris ah, maadaama ay xaas u ahayd horjooge Al-shabaab ah, laakiin Batuula (Ma aha magaceeda saxda), hadda wey ka gudubtay culeyskaas, ka dib markii ay taageero ka heshay barnaamijka dhaqancelinta oo ka furmay magaalada Baydhabo. 

23 jirkaan Batuula (ma aha magaceeda dhabta ah) waxay weli ahayd inan markaas un qaangaartey markii saaxiibteed ka dhaadhicisey in ay ku biirto kooxda Al-shabaab, ayagoo joogay magaalo ku taal Koonfur galbeed oo ay dusgi ka dhiganaysey. “Cuntada ayaan u karin jirey, dharkoodana waan dhaqi jirey. Waan jeclaa Al-Shabaab aadna waan u tixgelin jirey, sababtoo ah haddii qof diin sheeganayaa uu ku weydiisto in aad dar Ilaah wax u qabato, waad qabaneysaa”. Ayey tiri Batuula.    

Batuula waxay guursatey horjooge ka tirsan Alshabaab, kaas oo ay meel walba oo uu aado u raaci jrtey. “Weligey kama tagin. Waan la tababaran jirey. Hadda waxaan leeyahay labo carruur ah, wiil iyo gabar”. Ayey ku dartay Batuula.

Laakiin niyad jab wuxuu ku billowday dhalashadii cunuggeeda labaad ka dib. Markii ay ka daashey dacdarrada xaaladdii ay ku nooleyd, qaxa joogtada ah iyo dagaallada aan dhammaadka lahayn ayey Batuula go’aan ku gaartey in ay Al-Shabaab ka fakato, ayna dib ugu soo laabato Baydhaba. Iyadoo intaas ku dartay in “noloshu ku adkaatay”.

Baxsashadeeda ka hor Batuula labada cunugba wey ku jirradeen. Waxayna u soo dirtay Hooyadeed oo Baydhaba joogta inta ay ka sugeysey fursadda ugu habboon ee ay uga baxsan karto Al-shabaab.”Wuxuu ku mashquulsanaa dagaal ka socday Doolon Doolow, anna fursaddaas ayaan ka faa’ideystey inaan ka baxsado”.

Safarka Baydhaba ma ahayn mid fudud. 13 maalmood ayey soo lugeyneysey, habeenkiina wey ku dareysey illaa ay ugu dambeyntii ka soo gaartey magaalada Baydhaba.

Qof qaraabada ah ayaa Batuula u sheegay Xarunta Dhaqancelinta Baydhaba, taas oo ay sheegtay in ay gabbaad uga noqotay kooxda Argagixisada ah. “Markii aan imid xarunta, waxaan ahaa qof taagdaran, weyd ah, niyad-jaban, haddana qof kasta ka didsan”.

Waayaha Batuula ee Al-Shabaab hadda waa laga soo gudbey, mahadi ha ka gaarto Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Taakuleynta Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhaqancelin u sameeya dadka horay uga tirsanaa dagaallameyaasha Al-shabaab, kana jira gobollo door ah.

Uadadii ay joogtey xarunta dhaqancelinta, Batuula iyo saaxiibadeed waxaa la siiyey tababar la xiriira farsamada gacanta iyo fasallo farbarasho ah.

Hadda way qori kartaa weyna akhrin kartaa Af Soomaaliga. “Waxaa kale oo nala baraa xisaab, Ingiriis, gargaarka deg-degga ah, ganacsiga iyo sida dadka loola dhaqmo. Hadda waan isku kalsoonahay mustaqbalkeyguna wuu ifayaa” ayay tiri Batuula.

Barnaamijku wuxuu dagaallameyaasha dallanbaabiga ah ku caawiyaa taageero dhaqaale oo ay ku xasilaan islamarkaana nolol maalmeedkooda ka soo saartaan. “Waxaa la i siiyey xoogaa lacag ah oo aan suuqa ku galo, haddana waxaan leeyahay dukaan yar”.

Batuula waxay aamminsan tahay in hoyga nabdoon ee haweenku uu fure u yahay ciribtirka saameynta Al-shabaabee gobolka, waxayna codsaneysaa in la ballaariyo si haween badan oo Al-shabaab ka soo goosta ay barnaamijka ugu soo biiraan.

Batuula waxay ka mid ahayd koox 19 haween ah iyo 25 qof oo ku xiriiray oo dhamaan hoyga nabdoon ku wada noolaa. 

Lix bilood ka dibna, dhammaantood waxay wada qalinjabiyeen 3-dii May, iyadoo xaflad ay ka soo qaybgaleen Q.M. maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed, AMISOM, odayaal dhaqameed, kooxaha bulshada rayidka ah iyo kooxo kala duwan oo haween ah loogu qabtay Xarunta Dhaqancelinta Baydhaba.