Hay’adda Haweenka QM ayaa daahfurtay mashruuca hoggaaminta, awoodsiinta, helitaanka iyo ilaalinta ee Jubaland

25 Aug 2021

Hay’adda Haweenka QM ayaa daahfurtay mashruuca hoggaaminta, awoodsiinta, helitaanka iyo ilaalinta ee Jubaland

Kismaayo - Haweenka barakacayaasha ah iyo kuwa la haybsooco ee Dowlad Goboleedyada Federaalka Soomaaliya ee Jubaland iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan heli doona dhiirrigelin ku aaddan dadaallada lagu dhisayo adkeysigooda, isku-tiirsanaantooda iyo xirfadaha hoggaamineed iyadoo ay ugu wacan tahay iskaashi cusub oo dhex maray Qaramada Midoobay iyo madaxda dowlad goboleedka.

Maalintii Isniinta, Hay’adda Haweenka QM iyo Wasaaradda Jinsiga, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa mashruuca Hoggaaminta, Awood siinta, Helitaanka, iyo Ilaalinta (LEAP) ka daah furay caasimadda dowlad goboleedka ee Kismaayo.

Iyadoo ay maalgelisay Dowladda Japan, LEAP wuxuu dhiirri gelin doonaa tallaabooyinka xasilinta ee ka jawaabaya jinsiga iyo soo kabashadooda ee haweenka ay saameeyeen iskahorimaadyada iyo barakacayaasha Kismaayo, iyo sidoo kale caasimadda Dowlad goboleedka deriska la ah ee Koonfur galbeed, Baydhabo. Mashruucan waxaa si toos ah uga faa'iideysan doona 3,440 haween ah.

“Haweenka iyo gabdhuhu waxay si joogto ah ugu nugul yihiin abaarta, iskahorimaadyada iyo COVID-19 maaddaama ay culays saddex laab ah saarayso si ay u noolaadaan, u daryeelaan qoysaskooda ayna uga fogaadaan xadgudubyada jinsiga,” ayey ka tiri Wasiirka Jinsiga, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ee Jubaland, Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, xafladdi daahfurka.

Isagoo ka hadlaya munaasabadda, Maareeyaha Barnaamijka Dalka ee Hay’adda Haweenka QM ee Soomaaliya, Sadiiq Syed, wuxuu ka hadlay nuglaanta gaarka ah ee haweenka iyo gabdhuhu u leeyihiin hanjabaadahaas.

Baahiyaha bani'aadamnimada ee Soomaaliya waxaa inta badan horseed u ah barakac iyadoo 2.6 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha taasoo ay sababtay colaadda, cadaadiska, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, takoorka, khataraha dabiiciga ah, naxdinta cimillada ee ku gadaaman sida abaaraha iyo fatahaadaha, iyo sidoo kale duulaanka ayaxa oo saamayn toos ah iyo mid taban ku leh haweenka, ”Md. Syed ayaa xusay, isaga oo intaas ku daray in abaarta oo keliya ay sababtay boqolkiiba 22 barakacayaasha.

Wakiilka Hay’adda Haweenka QM ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo beeraha u adkaysta cimilada si loo yareeyo saboolnimada iyo gaajada, iyo in la hormariyo hab-nololeedka waara ee haweenka Jubaland iyo Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), adkeysiga cimiladu waa fikradda aasaasiga ah ee maareynta halista cimilada iyo, macnaha halkan, adkeysiga waxaa loola jeedaa awoodda nidaamka beeraha si loo saadaaliyo looguna diyaar garoobo sidoo kalena loola qabsado sidi diiradda loo saari lahaa loogana soo kabsan saamaynta isbeddelka cimilada iyo cimilada ba'an.

Daahfurka kadib, Wasiir Ismaaciil iyo Mudane Syed ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorashada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan baahida loo qabo in la gaaro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee kuraasta baarlamaanka. Sarkaalka dowladda ayaa carrabka ku adkeeyay caqabadaha sida miisaaniyadda xaddidan, amni darrada iyo caadooyinka iyo dabeecadaha bulsheed ee taban, halka sarkaalka Qaramada Midoobay uu ku celiyay taageerada farsamo ee hay'adda Qaramada Midoobay ee dadaallada maxalliga ah.