Heshiiska xisbiyada siyaasadda ee Somaliland

17 Jul 2020

Heshiiska xisbiyada siyaasadda ee Somaliland

Muqdisho Saaxiibada Caalamiga ah (ee hoos ku xusan ) ee taageera geedi-socodka dimoqoraadiyaynta Somaliland waxay soo dhoweynayaan heshiiska  Xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland, ee la saxiixay 12kii July 2020, si loo qabto Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo kuwa Baarlamaanka ee 2020ka.
 
Heshiiskan taariikhiga ah wuxuu soo bandhigayaa fursado cusub oo lagu horumarinayo u-diyaar-garowga doorashooyinka wuxuuna farayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka inay jadwal–waqtiyeedka farsamo kusoo diyaariyaan muddo 14 maalmood gudahood ah oo ka billaabanaysa 12ka July 2020.
 
In dhamaan dadka reer Somaliland ay qayb ka noqdaan geedi-socodka, gaar ahaan inta ugu badan ee  dhalinyarada haweenka iyo ragga ah ee aan weligood u codeynin wakiilkooda ama aan fursad u helin in la doorto, ayaa ah arrin ahmiyad weyn u leh kalsoonida lagu qabo dimoqoraadiyadda iyo xasilloonida Somaliland.
 
Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan saamilayda hawshu khusayso inay xaqiijiyaan in haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha laga tirada badan yahay lagu soo daro hawsha, iyagoo cod-bixiyeyaal iyo musharaxiin intaba iskugu jira,  waxayna [Saaxiibada Caalamku] ugu baaqayaan Madaxweynaha, Xisbiyada Siyaasadda, Baarlamaanka, Guddiga Doorashooyinka Qaran iyo Maxkamadda Sare inay go’aannadooda kusoo daraan saamiga haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.
 
Beesha Caalamku waxay si weyn u bogaadineysaa horumarka Somaliland ay ka gaadhay doorashooyinka waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan geedi-socodka doorashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan ilaalinta saamiga haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
 
 
*Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.