Howlaha waxqabad ee hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2020

30 Dec 2020

Howlaha waxqabad ee hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2020

 

Sugnaanta Cunnada | FAO oo caawisay beeraleyda ku nool bartamaha Soomaaliya ee la tacaalaya daadadka iyo ayaxa

Taageero maaliyadeed oo ka timid Hay'adda Bill iyo Melinda Gates Foundation, ayaa FAO awood u siisay in ay siiso dalagyada beeraha ah (digir, haruur iyo miraha khudradda, aaladaha aasaasiga ah, iyo bacaha wax lagu keydiyo) ilaa 5,750 beeraley-xoola-dhaqato iyo qoysaskooda ah oo ku nool deegaannada uu ayaxu  saameeyey ee degmada Baydhabo ee gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Intaa waxaa sii dheer, 2,650 qoys oo dheeri ah oo ku nool degmooyinka Kurtunwaarey iyo Buuloburte iyaguna  heley bacrimin isku mid ah.

Sidoo kale, ku dhowaad 2,500 oo qoys oo ku nool degmada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa helay kaalmo lacageed si looga caawiyo in ay ka badbaadaan duullaanka Ayaxa.

Intaa waxaa dheer, abuur iyo qalab la siiyay si gacan looga geysto waaritaanka beerahooda ee wakhtiga-dheer.

Inta badan dadka Soomaaliyeed waxay noloshoodu ku tiirsan tahay beeraha. Bulshooyin badan oo beeraley iyo xoolo dhaqato ah ayaa si weyn ugu tiirsan roobka, iyadoo muddada iyo tirada roobabku ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan soo noolaynta daaqa iyo wax soo saarka dalagga. Si kastaba ha noqotee, dhibaatooyinka sida cayayaanka ayaxa ayaa abuuraya khasaarooyin boqolkiiba boqol ah, kaas oo saameyn ba'an ku leh sugnaanta cunnada, hab-nololeedka iyo dhaqaalaha.

http://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/c/1364953

 

Bani'aadanimada | OCHA oo dhammeystirtay qiimeynta halista abaaraha ee Somaliland

OCHA waxa ay soo gabagabeysay qiimeynta halista abaarta ee ka jirta Somaliland waxayna la wadaagtey saaxiibbadeeda warbixin qabyo ah oo ku saabsan jawaab celintooda.

Hay'adda Qaramada Midoobay waxa ay xustay jiritaanka xaalado abaarta ka hor ah, oo ay kujiraan la’aanta biyo iyo ceelal gacmeedyo, iyo daaqii oo la waayey.

Ilaa 50 boqolkiiba bulshada la qiimeeyey waxay soo xuseen barakac dadweyne oo la xiriiray biyo yaraanta, taasoo dhacday ilaa Oktoobar.

Dad lagu qiyaasay 17,700 qof oo ku nool 20 goobood oo la qiimeeyey ayaa ku barakacay roobabkii Deyrta oo liitay labadii ilaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

www.unocha.org

 

Ka fal-celinta COVID-19 | IOM oo awood u siineysa haween ganacsato ah inay ka soo kabtaan musiibada COVID-19

Ganacsiyada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed waxaa si gaar ah u saameeyay Cudurka COVID-19, iyadoo ay hakad galeen socodka sahayda, macaamiisha, iyo hoos u dhaca qulqulka lacagta.

IOM, oo kaashanaysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa taageertay 185 haween ah oo hoggaaminaya shirkado yaryar oo ku yaalla Muqdisho si wax looga qabto saamaynta dhaqaale ee shirkadahooda COVID-19 uu ku yeeshay.

Taageeradu waxay isugu jirtay deeqo lacageed iyo shan maalmood oo tababar ah oo ku saabsan sii socoshada ganacsiga, oo ay ku jiraan aqoonta maaliyadeed ee aasaasiga ah.

Inta badan haweenka helaya kaalmadan waxay u nugul yihiin dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin: in ay dad badani ku tiirsanyihiin oo ku nool meelo kiro ah ama degsiinno aan rasmi ahayn, barakac,  xubno ka tirsan qoysaskooda oo naafo ah, kuwo an awoodin inay wax qoraan ama wax akhriyaan, iyo in carruurtoodu ay khatar ugu jiraan in la shaqaaleysto.

Taageerada IOM waxaa loogu talagalay inay gacan ka geysato wax ka qabashada baahiyahan degdegga ah iyo in lagu xoojiyo inay noqdaan wakiillo isbeddel ku sameeya bulshadooda oo dhiirrigeliya jiilalka soo socda.

https://www.iom.int/news/iom-empowers-women-business-owners-somalia-recover-covid-19-impact

 

Horumarinta | UNDP oo gacan ka geysatay bixinta 6,400 oo ah shooladaha wax lagu karsado si kor loogu qaado isticmaalka tamarta

UNDP waxa ay ku taageertay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo ganacsiyada gudaha bixinta agabyada wax lagu karsado ee loo yaqaanno 'LPG' oo la siiyey 6,400 qoys oo ku baahsan Soomaaliya.

Wax ku karsiga gaaska ayaa yareynaya dhimashada ka dhalata wasakhoowga gudaha waxayna macnaheedu tahay in geedaha la jaro si dhuxul looga dhigo ay yaraanayaan. Sidoo kale, haamaha gaaska waxaa dib u buuxin kara ganacsiyada maxalliga ah, taas sii kobcineysa dhaqaalaha.

https://undp-climate.exposure.co/cca-somalia-gef

 

Dhaqanka | UNESCO oo taageertay horumarinta Istaraatiijiyadda Soomaaliya ee Dhaqanka 

UNESCO waxay dhowaan abaabushay khubaro caalami ah oo dhinacyo kala duwan leh si ay u bixiyaan hagitaan, hababka ugu fiican iyo tusaalooyin, iyadoo  Khubaradani ay ka socdaan Afrika iyo caalamka, waxa ayna Soomaaliya ka caawinayaan xagga horumarinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Dhaqanka Soomaaliya.

Iyagoo Ku biiray Akadeemiyada Cilmiga iyo Fanka ee Soomaaliya (SOMASA), iyo iyadoo lala kaashanayo Guddiga Qaranka Soomaaliyeed ee UNESCO iyo Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee UNESCO, hey'adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay waxay soo qabanqaabisay kulan wadatashi qaran - oo ay la yeesheen khubaro heer qaran iyo caalami ah, iyo kuwa kale. 

daneeyayaasha muhiimka ah ee waaxda dhaqanka ee Soomaaliya ayaa laga caaawinayaa si loo horumariyo Qorshe Istiraatiijiyadeed Qaran oo loogu talagalay ilaalinta iyo kor u qaadista hiddaha Soomaaliya.

https://en.unesco.org/news/somalia-develops-national-strategy-culture

 

Ilaalinta | UNHCR oo bixisay gargaar degdeg ah ka dib duufaantii Gati

UNHCR ayaa gargaar bani’aadamnimo ka soo daabushay bakhaarradeeda ku yaalla magaalada Muqdisho iyadoo soo gaarsiisey magaalada Bosaaso si loogu caawiyo kumannaan dad ah oo ay waxyeello ka soo gaartey duufaantii Gati ka dib codsi ka yimid Puntland.

Gati - oo ka mid ah duufaannadii ugu xoogga badnaa ee saameeya Soomaaliya mudo tobanaan sano - waxay saameyn ku yeelatay in ka badan 180,000 oo qof, waxayna ku qasabtay qiyaastii 42,000 oo qof oo ku noolaa gobolka Bari ee Puntland in guryahooda ay ka qaxaan dabayaaqadii Noofambar ee sanadkan.

Bishii Diseembar, UNHCR waxay billowday qaybinta deeqo lacageed iyo agabyada gargaarka, oo ay ka mid yihiin maro-kaneecooyin, laambadaha qorraxda ku shaqeeya, jiirgaanno, saabuun, bustayaal, qalabka jikada iyo gogosha caagga ah iyo / ama lacag caddaan ah oo loogu talagalay hoy degdeg ah.

Ugu yaraan 36,000 oo qof - oo ay ku jiraan dad gudaha ku barakacay, qaxooti iyo bulshooyinka martida loo ahaa ee deegaanka ayaa helay gargaarka.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Dhallinyarada | UNFPA oo daaha ka rogtay mashruuc cusub oo lagu xoojinayo dhallinyarada

Iyada oo taageero dhaqaale ka heleysa Midowga Yurub, UNFPA waxa ay daah-furtay mashruuc cusub - oo loogu magac daray Hindisaha Dhallinyarada Dalbile - oo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Iyadaoo la taageerayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, mashruucan waxaa loogu talagalay in lagu kabo xasilloonida Soomaaliya iyada oo la ballaarinayo awoodda iyo adeegyada dowladda, kor u qaadista dib-u-heshiisiinta gudaha ah iyo dib-u-dhiska nabadda, abuurista fursado dhaqaale oo loo wada dhan yahay iyo ilaalinta dhallinyarada ugu nugul bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Midowga Yurub wuxuu ku bixiyay lix milyan oo lacagta euro-ga ah mashruucan, kaasoo ay UNFPA ka fulin doonto iyadoo la shaqeyneysa Irise iyo Shaqadoon.

https://somalia.unfpa.org/en/news/european-union-celebrates-human-rights-day-somali-partners-united-nations-population-fund-unfpa

 

Caafimaadka | UNICEF oo kula biireysa Dawladda Federaalka cusbooneysiinta ballanqaadka ah in dadka oo dhan la gaarsiin doono adeeg caafimaad

iyadoo la xusayey Maalinta Caymiska Caalamiga ah ee Caafimaadka, oo la xusay 12-kii Diseembar, UNICEF, UNFPA iyo WHO waxay ku biireen Dawladda Federaalka ee Soomaaliya (FGS) si ay u cusbooneysiiyaan ballanqaadkooda, si loo dardargeliyo dadaallada lagu bixinayo caymiska guud ee caafimaadka, waxayna ku boorriyeen bahda kale ee caafimaadka iyo horumarinta in ay sidoo kale sameeyaan.

Sida laga soo xigtay UNICEF, caymiska caafimaadka ee guud waxa uu xaqiijinayaa in Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiin, ay u helaan sinnaan dhanka helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh oo ay u baahan yihiin, iyadoo aaney la kulmin dhibaato dhaqaale. 

Qorshahan waxa uu xoojin doonaa nidaamyada caafimaadka si dadku ay u helaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah xitaa marka ay jiraan xaalado caafimaad oo deg deg ah, sida Cudurka COVID-19, wuxuuna u suurtagelinayaa Soomaalida inay helaan adeegyo caafimaad oo ku saleysan baahidooda, oo aan ku xirnayn awooddooda lacag bixinta.

DFS waxay qaadday tillaabooyin muhim ah oo ay ku baahinayso caymiska guud ee caafimaadka, iyadoo kaashanaysa hay'adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta caafimaadka. Kuwaas waxaa ka mid ah sameynta khariidad lagu hormarinayo caymiska guud ee caafimaadka, iyo sii wadidda wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo kor u qaadista dadka caafimaadka qaba.

https://www.unicef.org/somalia/press-releases/somalia-un-renew-promise-deliver-health-all-using-universal-health-coverage-urge

 

Horumarinta Dhaqaalaha | Shabakad ay taageerto UNIDO oo ka howlgal-galeysa Beledweyne

Shabakadda Soomaaliya ee Horumarinta Ganacsiga ee ay taageerto UNIDO ayaa sii ballaaraneysa iyadoo xarun cusub laga dhisay magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Qeybta Beledweyne oo ay maalgelinayso Dowladda Talyaaniga, iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, ayaa bixin doonta tababar ku saabsan horumarinta ganacsiga, la-talinta ganacsiga iyo taageerada dhiirrigelinta maalgashiga ee ganacsatada gudaha.

Ujeeddadu waa in laga caawiyo lana dardar geliyo fikradahooda ku wajahan ganacsiga iyo kor u qaadista awooda ganacsiyada jira si ay u ballaariyaan iyadoo la siinayo  xirfado ganacsigooda lagu xoojinayo, tikniyoolajiyad cusub, suuqyo, iyo fursadaha maalgelinta ee UNIDO.

Tani waxay noqoneysaa markii afaraad ee qorshaha nuucan ah gudaha Soomaaliya laga hirgalinayo, iyadoo laga sii amba qaadayo xarumo horay looga furay Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

https://twitter.com/UNIDOSomalia

 

Doorashooyinka | Saaxiibbada caalamka oo boorriyey wadahadallo sii socda oo u dhex mara Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya

UNSOM waxay ka mid ahayd 23 ka tirsan ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan walaac qoto dheer oo ay ka qabaan khilaafka jira ee ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21, waxana lagu baaqay in la sii wada hadlo oo heshiis laga gaaro sida qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, iyo ergooyinka, iyo kuraasta in la xaqiijiyo.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in khilaafaadkan loo baahan yahay in lagu xalliyo qaab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii Sebtember iyo hab-maamuuskii fulinta ee ay kala saxiixdeen madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah 1-dii Oktoobar.

saaxiibbadu waxa ay carrabka ku adkeeyeen in kulamada joogtada ah ee hoggaamiyeyaasha Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inta lagu gudajiro geeddi-socodka doorashooyinka iyo sii wadista dareenkii isu tanaasulka ee Dhuusamareeb ay gacan ka geysaneyso in geeddi-socodka doorashooyinka uu ku socdo waddada saxda ah.

https://unsom.unmissions.org/joint-statement-international-partners-need-ongoing-dialogue-among-somali-leaders

 

Bani'aadanimada | WFP oo bilaabeysa la-tashiga qorshaha cusub ee istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya

WFP waxa ay biloowday la tashiyo xoog leh, oo ay hoggaamineyso dowlada oo lala yeelanayo wasaaradaha muhiimka ah, wakiilo ka socda kooxaha nugul iyo kuwa la hayb sooco, hogaamiyaasha bulshada, bah-wadaagta NGO-yada, hay'adaha kale ee qaramada midoobay iyo daneeyayaasha kale ee qorshaha istiraatiijiyadeed ee cusub ee dalka (CSP) kaas oo hagi doona gargaarka bani'aadamnimada ee WFP iyo shaqada horumarka laga bilaabo 2022 ilaa 2025.

Wadatashiyadan ayaa qayb muhiim ah ka ah geeddi-socodka CSP – waxa ayna ka tarjumayaan sida ay WFP ugu heellan tahay la shaqaynta iyo taageeridda hay'adaha qaranka ee Soomaaliya, iyo in lala jaanqaado qorshaynta horumarinta qaranka oo ay weheliyaan qaab-dhismeedka muhiimka u ah iskaashiga dawladda iyo hay'adaha Qaramada Midoobay.

https://www.wfp.org/countries/somalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | Taageerada WHO ee ka fal-celinta COVID-19 oo socota

Tan iyo markii uu Soomaaliya ka dilaacay cudurka COVID-19, WHO waxa ay ku taageereysay Dowladda Federaalka  ee soomaaliya sidii ay wax uga qaban laheyd cudurka.

Meelaha muhiimka ah ee taageerada waxaa ka mid ah isuduwidda ka fal-celinta ilaalinta, shaybaarka, iyo maaraynta kiisaska.

Bishii Nofeembar, 96 shaqaale caafimaad ayaa la tababaray halka 3,327 shaqaalaha caafimaadka bulshada (CHW) la geeyey 51 degmo si ay u sii wataan booqashooyinka guri-guri ah, howlaha baaritaanka kiisaska iyo wacyigelinta.

shaqaalaha caafimaadka bulshadu waxay booqdeen 423,810 qoys bishii Nofembar, waxaa intaa dheer, 54 ururiyeyaal oksijiin ah iyo qeybinta 15,000 oo ah marada wejiga lagu xirto.

Dadaallada WHO waxaa gacaan ka geystay hay’adda gargaarka ee UK AID, Midowga Yurub, Wakaaladda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta, Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Gavi, Kanada, Sanduuqa Caalamiga ah iyo Bangiga Adduunka.

http://www.emro.who.int