Howlaha waxqabad ee Hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2021

30 Jan 2021

Howlaha waxqabad ee Hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2021

 

Beeraha | Tababarka raadiyaha ee FAO oo ay ka faa’iideysteen beeralayda, xoolo dhaqatada iyo kalluumeysatada

Hindisaha cusub ee tababarka raadiyaha oo ay FAO bilowday shan bilood ka hor ayaa weli  si dardar ah ku socda, kaas oo kumanaan Soomaali ah lagu gaarsiinayo barnaamijyo gaar ah oo ka caawinaya hannaanka wanaagsan ee beerashada.

Barnaamijyadan raadiyaha waxaa laga sii daayaa sideed idaacadood oo Soomaaliya ku yaalla, waana taxane kala duwan oo wadar ahaan gaaraya 30 qaybood ah.

Barnaamijyadani waxa ay bixiyaan xog ku saabsan hannaanka wanaagsan ee loo maareeyo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo nafaqada, waxayna toos ula hadlayaan beeraleyda, xoolaleyda iyo kalluumeysatada guud ahaan Soomaaliya.

Raadiyuhu waxa uu ka mid yahay meelaha ugu wanaagsan uguna caansan ee isgaarsiinta Soomaaliya, gaar ahaan marka laga hadlayo heerarka akhris-qoris la'aanta ee dadka ku nool meelaha miyiga ah, taas oo ka dhigan in ay dadkaasi aad ugu tiirsanyihiin raadiyaha oo ay kala socdaan wararka, macluumaadka, iyo guud ahaan waxyaabo cusub.

http://bit.ly/34E6NHM

 

Ka falcelinta COVID-19 | UN-Habitat oo Beledweyne ka dhistay afar xarun biyood

Iyadoo qayb ka ah ka fal-celinta COVID19, UN-Habitat waxa ay dhawaan soo gabagabeysay dhismaha afar xarun biyood oo laga hirgaliyey afar tuulo oo u dhow Beledweyne: Buundoweyn, Howlwadaag, Hawo-taako iyo Kooshin.

Ujeedada mashruuca ayaa ah helitaanka biyo la awoodi karo oo ammaan ah, kuwaas oo loogu talagalay bulshada nugul ee barakacayaasha ah iyo bulshooyinka martigaliya.

Baraakadaha biyaha waxaa kaabaya qorshe maareyn bulsho ah si loo hubiyo sii joogteynta howshan.

https://twitter.com/UNHabitat_Som

 

Caafimaadka | IOM oo taageertay mashruuca telemedicine-ka si kor loogu qaado adeegyada caafimaadka

IOM ayaa taageertay mashruuc casri ah oo telemedicine ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka ee dhowr isbitaal iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Soomaaliya.

Mashruucan oo ay hogaamineyso Wasaaradda Caafimaadka soomaaliya, ayaa looga gol leeyahay in lagu dejiyo hannaan lagama maarmaan u ah awood u siinta xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka gudahiisa iyo dibbadiisa ku nool si ay u helaan aqoon iyo khibrad caafimaad. 

Faa’iidada ka soo baxday mashruucan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato dib-u-habeynta nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya iyada oo loo marayo nidaamka gudbinta aqoonta. 

https://www.iom.int/news/iom-somalia-supports-new-telemedicine-enhancement-migrants-and-host-communities

 

Bani'aadannimada | OCHA oo dhiiri galinaysa jawaab laga bixiyo xaaladda ka sii dareysa ee Xudur

Xaaladda sugnaanta cunntada ee magaalada Xudur, ee gobolka Bakool, ee maamulka Koonfur Galbeed (KGS) ayaa lagu soo waramayaa inay ka sii darayso iyadoo qiimaha cunntada uu aad kor ugu kacay bilihii ee la soo dhaafay.

Kor u kacan ayaa loo aaneynayaa caqabado ku hor gudban in badeecooyinku ay soo galaan magaaladaa. Waxaa jira walaac laga qabo in xaaladdu ay aad uga sii darto.

Wasaaradda Gargaarka Bani’aadannimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Koonfur Galbeed, Isuduwaha Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya iyo saaxiibbada kale, ayaa codsanaya gargaar bini’aadanimo oo lala gaaro bulshooyinka nugul.

Wasaaraddu waxa ay soo warisay in Xudur iyo deegaannada kale ee gobollada Baay iyo Bakool ay aad u saameeyeen masiibooyin dabiici ah iyo kuwa dadba sannadihii la soo dhaafay, kuwaas  oo ay sababeen abaaro, daadad, cudurro, cayayaan iyo dagaallo.

https://www.unocha.org/somalia

 

Tamarta dib loo cusboonaysiin karo | UNDP oo cisbitaallo ku yaalla Somaliland siisay leyrarka cadceedda ku shaqeeya

iyadoo maalgelin ka heshay Dowladda Japan, UNDP waxa ay awood u yeelatay in ay laba xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Somaliland siiso Soolarro si joogto ah u siiya koronto bilaash ah.

Hadda, hanaanka dhalmadu waa uu hagaagsan yahay, dawadu waxa ay leedahay meel lagu qaboojin karo markasta, waxaana jira iftiin lagu qaban karo howlaha degdegga ah ee habeenkii la sameeyo.

https://undpsom.medium.com/solar-power-lights-up-hospital-wards-and-delivery-rooms-c44e6133eaff

 

Rabshadaha ku saleysan Jinsiga | Arday Umulisooyin ah oo ku biiraya dagaalka ka dhanka ah dhaqamada xun xun

UNFPA ayaa taageereysa tababar ardayda baratay umulisanimada ee Machadka Tababarka Umulisooyinka ee Muqdishu, kaas oo kaalin muhiim ah ka qaata u doodista iyo fulinta wacyigelinta bulshada si loo xaqiijiyo ka hortagga, yareynta iyo ka fal-celinta Rabshadaha ku saleysan Jinsiga (GBV) iyo Gudniinka gabdhaha (FGM) iyo siinta mudnaanta howlahan xilli COVID-19 uu wali waxyeello u geysanayo bulshooyinka nugul.

https://somalia.unfpa.org/en

 

Ilaalinta Qaxootiga | UNHCR oo gacan ka geysaneysa kaararka aqoonsiga ee qaxootiga

Somaliland, UNHCR waxa ay ku taageertay Hay'adda Qoxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka bixinta kaararka aqoonsiga in ka badan 5,000 oo qaxooti ah oo ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wadarta, 76 boqolkiiba qaxootiga ku nool Hargeysa ayaa ka faa'iideystay howshan.

Diiwaangelinta iyo aqoonsiga ayaa ah qeybaha ugu muhiimsan ee ilaalinta oo muhiim u ah la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sidoo kale ka caawinta qaxootiga in ay caddeeyaan sharcigooda qaxootinimo.

habkani waxaa sidoo kale loo adeegsanayaa ilaalinta, sida isu keenista qoysaska, hagaajinta marin u helidda qaxootiga ee gargaarka aasaasiga ah, iyo ka ilaalinta qaxootiga xarigga sabab la’aanta ah.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Waxbarashada | UNICEF oo ku ammaaneysa macallimiinta xirfadda leh horumarinta waxbarashada aasaasiga ah

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada, oo la xusay 24-kii Janaayo 2021, UNICEF waxa ay ku ku boorrisay macallimiinta dadaalka badan oo ay ugu jiraan soo nooleeynta waxbarashada iyaga oo siinaya aqoon isla markaana carruurta u diyaariyey qalab wax ku ool ah oo ay ku bartaan kuna kobcaan.

UNICEF ayaa sheegtay in macallimiinta xirfadda iyo dhiirigalinta lehi ay safka hore kaga jiraan kobcinta jireed iyo maskaxeed ee carruurta iyo hubinta in carruurtu ay wax ku baran karaan jawi nabdoon. Sidaa darteed waa muhiim in si joogto ah loo taageero.

UNICEF waxa ay kala shaqeyneysaa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada kale qorista iyo tababbarka macallimiinta, iyaadoo siineysa macallimiinta taageero agab si ay uga jawaabaan baahiyaha ardayda si ay fursad ugu helaan awooddooda buuxda oo dhanka aqoonta ah.

Sannadkii 2020, in ka badan 5,500 oo macallimiin ah iyo xubnaha guddiga waxbarashada bulshada ayaa loo tababaray xirfadaha barbaarinta, habka waxbaridda, maareynta fasalka, qorsheynta casharka iyo horumarinta carruurta.

https://www.unicef.org/somalia/education

 

Horumarinta ganacsiga | UNIDO oo taageereysa barnaamijka la-talinta ganacsiga ee qof ka qofka ah

UNIDO oo maalgelin ka heleysa Hay'adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta iyadoo loo sii marayo shabakadda Horumarinta Ganacsiga (EDUs) oo xarumo ku leh Soomaaliya oo dhan, ayaa lagu bilaabay talo-bixin qof ka qof ah oo la siinayo ganacsatada.

Barnaamijka la-talinta qofeed waxa uu ka kooban yahay talo-bixinta goobta iyo hagitaanka shirkad - ha ahaato bilow ama mid horay u jirtay - si loo hagaajiyo xirfadaha maamulka, loona ogaado dhibaatada ganacsiga shaqsiyeed ama loo abuuro fikrado ganacsi iyo fursado cusub.

Labadii toddobaad ee ugu horreeyay sannadkan 2021, EDU-da Muqdisho waxay la-talin u sameeyeen ilaa toddobo shirkadood.

https://twitter.com/UNIDOSomalia

 

Doorashooyinka | Saaxiibbada caalamka oo soo dhoweyey ku dhawaaqista guddiga doorashada

Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd 23-ka saxiixayaal bayaan ay si wadajir ah u soo saareen saxiibbada beesha caalamka, kaas oo lagu soo dhoweeyey magacaabista Guddiyada Heer Dowlad Goboleedka ee Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubaland iyo Puntland.

“Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay,” ayey saaxiibbadu sheegeen.

Saaxiibbada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

“Saaxiibbadu waxa ay ku baaqayaan hannaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhammayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka.

https://unsom.unmissions.org/international-partners-elections

 

Ka falcelinta COVID-19 | Waxbaris iyo horumarin inta lagu jiro musiibada 

UNSOS ayaa sii wadday tababarada militariga iyo booliska Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), in kastoo saameynta COVID-19 ay hakisay dhammaan tababarradii.

Iyadoo la adeegsanayo aalado gaar ah, Qaybta Teknolojiyada Goobta ee UNSOS waxa ay ku guuleysatay in ay fududeyso tababar dhanka khadka Internet-ka ah dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka oo ay AMISOM ka howlgasho, gaar ahaan meelaha ay ka mid yihiin sii socoshada howsha, dhibaatooyinka iyo maareynta xaaladaha deg-degga ah, ka soo kabashada musiibada, saadka, maareynta mashruuca iyo hoggaaminta.

https://unsos.unmissions.org/excelling-learning-and-development-during-pandemic

 

Teknolojiyada Cunnada | WFP waxay si guul leh ku tijaabisay hannaanka biyo-ku-dhex-beerista dalagga ee xarunta horumarinta xirfadaha

WFP waxa ay tijaabo guuleysatay ku samaysay qaybta hannaanka biyo-ku-dhex-beerista dalagga xarunteeda kobcinta xirfadaha oo ku taalla caasimada Puntland ee Garowe, iyadoo hagaajisay shaciir iyo haruur.

Hanaanka teknolojiyada (Hydroponics) waxay suurtogal ka dhigeysaa in la beero dalagyada lana soo saaro calafka iyadoo la adeegsanayo hannaanka biyo-ku-dhex-beerista dalagga - ilaa 60-80 boqolkiiba wax ka yar - iyadoo la adeegsanayo agabyo muhiim u ah nidaamyada cunnada iyo hab-nololeedka bulshooyinka xilli ay cimiladu sii xumaaneyso Soomaaliya.

Habka biyo-ku-dhex-beerista dalagga (Hydroponics) waa mid ka mid ah inaha xoogga ay saareyso xarunta horumarinta xirfadaha ee WFP ay aasaastay, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Ujeeddadu waa in lagu tababaro bulshooyinka Soomaaliyeed ee nugul farsamooyin cusub iyo iyadoo la siinayo tababarro ka dhigaya kuwo u adkeysan kara abaaraha iyo aafooyinka kale.

https://www.wfp.org/countries/somalia

 

Ka falcelinta COVID-19 | WHO oo caawineysa masuuliyiinta caafimaadka si wax looga qabto COVID-19

Tan iyo markii uu billowday COVID-19, WHO waxa ay ku taageertay maamulada Soomaaliya dadaalkooda diyaargarowga iyo wax ka qabashada cudurkan.

Isuduwidda, kormeerka, shaybaarka, maareynta kiisaska iyo bixinta agab ayaa ka mid ahaa meelaha muhiimka ah ee diiradda lagu saaray ka falcelinta cudurka.

Bishii Diseembar, in ka badan 20,000 oo baaritaan oo COVID-19 ah ayaa lagu fuliyey shaybaarada ku yaalla Soomaaliya. Isu geynta 95 digniin soo yeertay oo COVID-19 ah ayaa la dabagalay, iyada oo taageero laga helayo 73 ka mid ah kooxo deegaaneed oo la tababaray.

In ka badan 3,000 oo ka mid ah shaqaalaha daryeelka bulshada, oo la geeyey 51 degmo oo mudnaanta la siinayo, ayaa ku dhowaad laba milyan oo qof  gaarsiiyey farriimaha wacyigelinta caafimaadka.

Si loo hubiyo tayada daryeelka ee bukaanada COVID-19 ee ku jira xarumaha caafimaadka ee durugsan, 12 aaladaha oksijiin ah ayaa loogu deeqay xarumaha caafimaadka ee ku yaal meelaha fog fog ee dalka.

http://www.emro.who.int/somalia/donors-partners/index.html

 

Rabshadaha ku saleysan Jinsiga | UN Women oo taageereysa keydinta xogta rabshadaha ku saleysan Jinsiga ee Puntland

UN Women iyo UNFPA waxa ay taageereen hirgalinta keyd gaar ah oo dhanka Online-ka kaas oo laga helayo macluumaadka ku saabsan tacadiyada ku saleysan jinsiga (GBV), ayaa laga daahfurey caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garowe.

Hannaankan waxaa soo diyaariyey qeyb takhasusi ah oo qaabilsan Rabshada ku saleysan Jinsiga,  qeybna ka ah Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, keydka xogtu wuxuu raadraaci doonaa kiisaska Rabshada ku saleysan Jinsiga.

Xafiis hoosaadyada xeer ilaaliyaha guud ee afar gobol oo Puntland ka tirsan ayaa ka faa'iideysan doona wajiga koowaad ee mashruucan, goboladaasina ma sii isticmaali doonaan hababka diiwaangelinta gacanta, "ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, Maxamed Xareed, oo ka hadlayey munaasabadda daahfurka.

https://unsom.unmissions.org/un-support-puntland-launches-database-system-track-gender-based-violence-cases