Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2022

31 Dec 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2022

 

Dhaqaalaha iyo Ganacsiyada Gaarka loo leeyahay | Hay’adda UNIDO ayaa mas’uuliyiin iyo shirkado Soomaali ah ka taageertay safar aqoon kororsi ah

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u safrey Talyaaniga si ay ula kulmaan dhigooda reer Yurub, shirkadaha ganacsiga, Hay’adaha Maaliyada iyo Wakaaladda Ganagsiga Talyaaniga, safarkan ayaa waxaa taabageliyey Hay’ada Qaramada Midoobey Uqaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO). 

Dhanka kale, koox ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa ka qaybgashay bandhigga nidaamyada tamarta dib loo cusboonaysiin karo oo laba maalmood ka socday dalka Jarmalka, kaasoo diiradda lagu saarayay hababka dabaysha iyo tamarta biyaha. Tani waxay ahayd fursad lagu helo tamar nadiif ah oo jaban. Intaa waxaa dheer, ganacsatada Soomaaliyeed waxay soo booqdeen beeraha xoolaha lagu dhaqdo iyo shirkado isticmaala habka qaboojinta kalluunka, waraabka dhibcoodka, matoorada biyaha iyo qodista ceelasha riigga ah. Tan ugu muhiimsan ayaa ahayd in shirkadaha Soomaalidu ay isbarteen dhiggooda Jarmalka ee B2B, taas oo suuragelisey in la is dhaafsado aqoonta iyada oo ay socdaan wadahadallo suurtagal ah in la helo tiknoolajiyada.

Click here for more

 

Arrimaha Bini’aadannimada | Hay’adda OCHA oo suuragelisay booqasho la xiriirta arrimaha bani’aadannimada oo lagu tagey magaalada Gaalkacyo

Bishan Diseembar gudaheeda, Xafiiska Qaramada Midoobey U qaabilsan Isku-duwidda Gargaarka Bani’aadannimada (OCHA) ayaa taabageliyey booqasha Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadannimada iyo Madaxa Xafiiska OCHA ay ku tageen magaalada Gaalkacyo si ay usoo qiimeeyaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta halkaas iyo dadaalada looga falcelinaayo.

Ergada ayaa la kulmey hay’adaha samafalka, maamulka iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaannada loo barakacay ee Degaab iyo Ayax ee Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, waxayna ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada si degdeg ah. Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka waxay Isu-duwaha Gargaarka Bani'aadannimada ku wargeliyeen in dhaqaalihii horey loo codsadey uu aad muhiim u yahay maadaama uu dalku galayo xilliga Jiilaalka  bisha Jannaayo markaas oo baahida loo qabo gargaar bani'aadannimo la filaayo inay kororto. In ka badan 180,000 qof ayaa ku barakacay deegaankan abaaro iyo colaado socda awgood.

Click here for more

 

Iskaashiga Caalamiga | QM oo qabatay Shirweyne ku saabsan u adkeysiga isbedelka cimilada 

6 dii Disembar, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u qabtay shir heer caalami ah oo looga hadlayay abaaraha iyo u adkeysiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya. Shirkan oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa waxaa isugu yimid Hay’adaha Qaramada Midoobay, dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda CaraCarab Ururrada aan dowliga ahayn ee Carabta, iyo hay’adaha maaliyadda si wax looga qabto xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo waxa ka dhalan kara saadaasha aan fiicneyn ee cimilada. Shirka waxa uu diiradda saaray baahiyaha degdegga ah ee naf badbaadinta ah iyo joogteynta muddada dhexe iyo fog si looga caawiyo kahortagga dhibaatooyinka soo noqnoqda.

Click here for more

 

Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka | Hay’ada UNFPA oo taageertay 136 umuliso oo jaamacado ka qalan-jebiyey

11 Diseembar, 136 umulisooyin ah oo ka socday jaamacado uu taageero Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) iyo Hay’adda Global Canada Affairs ayaa Muqdisho ku qalin jabiyay. Isla maalintaas, waxaa sidoo kale la daah furay manhaj cusub oo umulisooyinka Soomaaliya.

Xilligan abaaruhu ka jiraan Soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraya baahida loo qabo adeegyada caafimaad ee naf lagu badbaadiyo gaar ahaan haweenka uurka leh iyo hooyooyinka.

Umulisooyin aqoon leh ayaa hooyada siiya daryeel caafimaad oo tayo leh ka hor, kadib, iyo xilliga uurka lagu jiro waxayna badbaadiyaan nolosha haweenka iyo carruurta.

Hay’adda UNFPA waxay sii wadaysaa taageeridda umulisooyinka iyo xirfadda umulisanimada ee Soomaaliya si adeeg caafimaad oo wanaagsan loo gaarsiiyo dadka oo dhan.

Click here for more

 

Adeeg Caafimaad | Hay’adda UNOPS oo taabagelisay Kaydkii Qaran ee ugu horreeyay ee Dhiigga

Tabaryarida kaydka dhiigga ee Soomaaliya ayaa ka dhigaysa in la helo dhiig ammaan ah iyo ku shubidiisa mid dhib badan.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan  Howlaha Mashaariicda (UNOPS) ayaa Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u dhisi lahayd Kaydkii ugu horreyeyay ee Qaran ee si buuxda u shaqeeya si dhibaatadan wax looga qabto. UNOPS waxa ay nakhshadaynaysaa, dhisaysaa, oo ku qalabaynaysaa Bangiga Qaranka ee Dhiiga dhaqaale ka badan 3  milyan oo doollar oo ay bixisay UNFPA iyo kaalmo farsamo oo kaga timid WHO.

Kaydka dhiigga ee laga hirgelinayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuu gacan ka gaysan doonaa sugidda iyo joogteynta bixinta dhiig ammaan ah oo bulshada ku filan.

Tignooolajiyadda aan wasaqeysnelayn iyo agab waara ayaa lagu dhex sameynayaa dhismaha. Baallayaasha cadceedda ayaa xarunta siin doona tamar nadiif ah. UNOPS waxa ay sidoo kale la shaqaynaysaa shirkad dhisme oo maxalli ah si ay shaqo-abuur u samayso.

Labada Jinsi ee rag & dumar iyo dhaqanka ayaa lagu xisaabtamayaa marka la naqshadeynayo bangiga dhiigga. Wuxuu yeelan doonaa meelo gaar ah oo dhiig ku-deeqidda ragga iyo dumarka, qolalka dhiig-bixiyeyaasha, qolalka dhar beddelashada, iyo musqulaha.

Click here for more

 

Dhallinyaro | Hay’adda UN-Habitat oo xarun dhallinyarada loogu talagalay ka dhisaysa Baydhaba

Hay’ada UN-Habitat ayaa qabatay xaflad dhagax-dhig oo loogu talagalay dhismaha xarun dhalinyaro oo laga dhisayo magaalada Baydhaba ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xarumaha dhallinyarada ee qaxweynta waa natiijada iskaashi u dhexeeya UN-Habitat iyo dawladaha hoose. Waxa ay ku halwgalaan mabda'a hab isku dhafan oo loogu talagalay horumarinta dhallinyarada, iyagoo dhalinyarada siinaya goobo ammaan ah oo ku yaalla magaalooyinka, halkaas oo ay ku kulmi karaan oo ay ka heli karaan macluumaadka iyo kheyraadka muhiimka u ah horumarinta ay dhallinyaradu hogaamiso, oo ay ku jiraan dhisidda nabadda, cilmi-baarista, iyo horumarinta siyaasadda. Dowladda Iswiidhan ayaa maalgelisa hindisahan. 

.

Click here for more

 

Xalal Waara | Hay’adda UNHCR ayaa wareejisay 88 guryo ku-meel-gaar ah oo ay ka dhistay degmada Doolow

Degmada Doolow, Ladaan, oo ah xero dadka gudaha barakacay (IDP) ee koonfurta Soomaaliya, ayaa Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) waxa ay 88 guri oo ku-meel-gaar ah oo gurmad degdeg ah ku wareejisay qoysas barakacayaal ah oo nugul. Mashruuca waxaa fulinaya hay'adda UNHCR oo kaashanaysa hay’adda mutadawiciinta Afrika ah ee gargaarka iyo horumarinta (AVORD).

Maadaama saamaynta isbedelka cimilada, nabadgelyo-xumada joogtada ah, xasaradaha hubaysan, saboolnimada ba'an, iyo qiimaha cuntada ee sii kordhaya ay sii baahayaan, adkeysiga qoysaska barakacay ayaa sii dhamaanaya, taasoo kordhinaysa u nuglaanshahooda qalalaasaha.

UNHCR waxay sii wadi doontaa bixinta gargaarka naf-badbaadinta iyo xalalka waara sida guryo ku-meel-gaar ah oo la siinayo kuwa aadka ugu baahan guud ahaan Soomaaliya.

Click here for more

 

Dib-u-habaynta xabsiyada | Hay’adda UNODC waxay taageertaa u hoggaansanaanta nidaamka xabsiyada ee xuquuqda aadanaha

Bishii Diseembar, iyada oo qayb ka ah waajibaadkeeda ah in lagu caawiyo nidaamka xabsiyada Soomaaliya u hoggaansanaanta xuquuqda aadanaha iyo heerarka Qaramada Midoobay, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC) ayaa taageeray horumarinta siyaasadda damaand ku sii-daynta ee Hargeysa, Hawlaha dib u dayactirka ee ka socda xabsiga dhexe ee Berbera iyo tababarro xirfadeed oo loo furay haweenka maxaabiista ah ee ku xiran Gebiley. Hay’adda UNODC waxay kaloo fududaysay booqashooyin ay ku tagtay xabsiga dhexe ee Garoowe iyo xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo xarunta maxkamadda, halkaas oo guddiga dabagalka caalamiga ah ay qiimayn ku sameeyeen xaaladda nololeed ee maxaabiista.

Click here for more

 

Socdaalka | IOM waxa ay taageertay bandhigyada sawir-qaadista ee Hargeysa

Bandhig sawireed hal asbuuc ah oo ciwaankiisu ahaa ‘Halka ay noloshu noo waddo’ ayaa soo dhoweeyay daawadayaasha ku sugan Hargeysa ku-dhowaad maalinta muhaajiriinta adduunka ee 18-ka Diseembar. Bandhigga ayaa soo gudbiyay sheekooyin ku saabsan tahriibayaal iyo dad dib ugu soo laabtay gobolka Geeska Afrika. Bandhigga sawir-qaadista ayaa looga gollahaa in bulshada lagu wargeliyo caqabadaha ku riixaya in ay u guuraan Geeska Afrika iyada oo la guudmarayo doorka gaarka ah ee ay tahriibayaashu ka ciyaaraan horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha. Sheekooyinka, oo la ururiyay muddo saddex sano ah iyadoo uu taageerayo Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM), ayaa sidoo kale soo bandhigay illinka dhaqdhaqaaqa socdaalka ee gobolka. Iyadoo uu Bandhigga qayb ka ahaa, IOM waxa ay sidoo kale qabatay aqoon-is-weydaarsi hal maalin ah oo sheeko-werin lala yeeshay dadkii ka soo laabtay iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa si loo kobciyo isku xirnaanta iyadoo la marayo layliyo ka qaybqaadasho ah si loo siiyo saaxad ay ku cabbiraan fikirkooda iyo dareenkooda ku saabsan tahriibka, iyagoo u gudbinaya hab nabadgalyo ah.

Click here for more

 

Gurmad | Hay’adda FAO waxa ay bulshooyinka reer miyiga ah ee ay adagtahay in la gaaro ku taageertaa lacag caddaan ah

Gudaha Soomaaliya, bulshooyinka ku nool goobaha miyiga ah ee ay adagtahay in la gaaro ayaa la kulma dhibaatooyin dabiici ah sida abaaro. Waxqabadyadu waa ku yar yihiin meelahaas, iyadoo bulshooyinka ku qasbaysa inay u guuraan xarumaha magaalooyinka, iyagoo rajeynaya in soo gaaro gargaar ama ay helaan habab ay isku joogteeyaan.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo dowladda Ingiriiska ayaa kumannaan qoys oo nugul ku taageeray lacago degdeg ah, kuwaasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo qaar ka mid ah meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka jirto ee Koonfurta Soomaaliya, sida degmooyinka Beledweyne, Afgooye iyo Xudur.

“Abaartan waa mid dheer. Waxay si weyn u saamaysay nolol-maalmeedkeenna, dadkii tuulada qaarkoodna waxay u qaxeen xarumaha magaalooyinka,” ayey tiri Aamina Maxamed oo ka soo jeedda tuulada Qoydo ee magaalada Beledweyne, iyadoo ka mid ah xubnaha bulshada nugul ee helay lacagta bilaa shuruudda ah ee mashruucan lacag xawilidda.

Click here for more

 

Dhaqdhaqaaqa 16 ka Maalmood | Hay’adda UN WOMEN ayaa ka ololeeysay xadgudubyada ku saleysan jinsiga

Hay’adda UN WOMEN ee Soomaaliya ayaa hormuud ka ahayd Dhaqdhaqaaqa 16 ka maalmood ee ka dhanka ah xadgudubyada ku saleysan jinsiga iyadoo hal-ku-dheggiisu yahay “Haloo Midoobo si loo dhammeeyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha” si loo xoojiyo loona dhaqaajiyo isku-duwidda jinsiga la isku waafaqsan yahay ee Soomaaliya. Sannadkan, inta lagu guda jiro ololaha, ragga iyo haweenka u ololeynaya xuquuqda haweenka waxay go'aansadeen inay kordhiyaan dadaallada u doodista si looga hortago xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Hay’adda UN Women ee Soomaaliya waxay taageertay haweenka ganacsatada ah iyo milkiilayaasha ganacsiyada yaryar sida maqaayadaha, farsamada gacanta iyo harqaanka iyadoo siisay goob ay ku soo bandhigaan wax soo saarkooda iyo xirfadahooda ayna kula kulmaan oo ay figradahooda ugu soo bandhigaan bulshada caalamka.

Click here for more

 

Tallaal | Ololaha tallaalka ee UNICEF ayaa gaaray 3 milyan oo carruur ah

Bishii Noofembar, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa sameeyay olole isku dhafan oo waddanka oo dhan ah kaas oo dhaliyay tallaalidda in ka badan 2.3 milyan oo carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 6 - 59 bilood oo laga tallaalay jadeecada si looga hortago cudurrada dillaaca oo ah kuwo soo noqnoqda xilliyada abaaraha sida Soomaaliya ka jirto. Intii lagu guda jiray ololaha 5-ta maalmood, 2.6 milyan oo carruur ah ayaa la siiyay tallaalka ka hortagga dabeysha, kaabidda fitamiin A iyo dawooyinka gooryaanka.

Ololaha wuxuu ka soo horjeedaa hoos u dhac ku yimid kiisaska jadeecada oo aad u kordhay sanadkii 2022 (16,880) marka la barbar dhigo sanadkii 2021 (7,494). Ololihii Nofembar, UNICEF waxa ay bixisay in ka badan 3.5 milyan oo kuuro oo tallaallada jadeecada iyo dabaysha ah iyo in ka badan 3 milyan oo kuuro oo fiitamiin A iyo kaniiniyada gooryaanka ah, iyada oo taageero farsamo ka siinaysa Wasaaradda Caafimaadka silsiladda qaboojiyaha iyo maaraynta tallaalka. Hay’adda UNICEF waxa ay sidoo kale taageertay shabakadda abaabulka bulshada (SOMNET) si loo dardargeliyo wacyigelinta ololaha iyo in la kordhiyo qaadashada tallaalka.

Click here for more

 

Xuquuqda Aadanaha | QM oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha

Warbixin ay ka jeedisay Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee 2022, ayey Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee QM, Anita Kiki Gbeho, ku sheegtay in Soomaaliya, ay horumarro muuqdo ka sameyneyso sare u qaadidda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqaha uu xusay dastuurka, kuwaas oo dammaanad qaadaya xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed. Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go’an taageeridda dadaallada Soomaaliya ee sare u qaadidda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha si waafaqsan danta guud ee dadka Soomaaliyeed. Halkan ka akhri bayaanka oo dhameystiran.

Iyada oo qayb ka ah howlaha lagu xusayey Maalinta Xuquuqda Aadanaha, ayey ururka Dhalinyarada Madaniga ah ee Soomaaliyeed (SYCO) waxa ay soo qabanqaabiyeen dood-wadagyo lagu qabtay Muqdisho, Afgooye, iyo Beledweyne. Munaasabadaha oo ay taageertay QM, ayaa isu keenay ilaa 150 isugu jira haween, rag, duqow, dhallinyaro, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kooxaha laga tirada badan yahay, iyo wakiilo ka socday ganacsatada kuwaas oo ka dooday caqabadaha adag ee ku gedaaman sare u qaadidda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Ka qaybgalayaashu waxa ay dul istaageen  muhiimadda ay leedahay in la helo siyaabo looga hortago tacaddiyada xuquuqda aadanaha; iyaga oo ka dooday kaalinta dowladda, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ahi ka qaadan karaan hagaajinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Click here for more