Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2021
![]() |
Goobaha Dadweynaha | UN-Habitat oo dhiseysa xarumo danta guud ah oo laga dhisayo Xafiiska Degmada Dhuusamareeb, Galmudug UN-Habitat, ayaa bilowday dhismaha xarumaha danta guud ee Xafiiska Degmada Dhuusamareeb, iyadoo si dhow ula shaqeyneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta, Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamareeb. Xarumaha waxaa ku jiri doona goob saqaf sare leh oo shaqooyin badan lagu qaban doono, laba qol iyo musqulo. Dhismuhu wuxuu yeelan doonaa meel doog leh, oo abuureysa jawi habboon oo xubnaha bulshada ay ku shiri karaan iskuna dhexgeli karaan. Mashruucan dhismaha wuxuu qayb ka yahay Qorshaha Horumarinta Dejin ballaaran oo ay hadda soo diyaarisay UN-Habitat oo kaashanaysa hay'adaha maxalliga ah. |
|
![]() |
Xasilinta | IOM oo hirgelineysa nalalka waddooyinka ee ku shaqeeya cadceedda si ay ammaan ugu hesho Jannaale, Shabeellada Hoose Nalal cusub oo ah kuwa waddooyinka ayaa lagu rakibay magaalada Jannaale ee Shabeellada Hoose, taas oo kordhineysa nabadgelyada dadka xilliyada habeenkii. Konton nal oo cusub oo ku shaqeeya cadceedda ayaa laga taagay waddo laba kilomitir ah magaalada oo dhan. Nalalka waddooyinka waxa ay xoojinayaan dadaalka maamulka deegaankaa ee lagu xaqiijinayo amniga dadka deggan Janaale. Magaaladaa ayaa laga soo celiyey hal sano ka hor gacanta kooxda xagjir ah, taas oo sii wadda falal amni darro xilliyada habeenkii. Nalalka cusub ee waddooyinka ayaa qayb ka ah mashruuca Daryeel, oo la bilaabay 2020 oo maalgelin ka helay Midowga Yurub, kaas oo ay hirgelisay IOM, si loogu taageero dib u soo kabashada iyo xasilinta Soomaaliya iyada oo loo marayo hirgelinta mashaariic muhiim u ah kaabayaasha bulshada. https://ec.europa.eu/fpi/news/solar-streetlights-make-residents-janaale-somalia-safe-night_en |
|
![]() |
Bani'aadamnimada | OCHA: $ 1.09 bilyan oo loo baahday si loo caawiyo malaayiin Soomaali ah 2021 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxa ay daah-fureen Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimada ee Soomaaliya ee 2021 (HRP), kaas oo lagu raadinayo $ 1.09 bilyan si loogu bixiyo gargaar naf-badbaadin ah afar milyan oo qof oo sannadkan u baahnaan doona gargaar bani'aadamnimo oo dalka oo dhan ah. Sida laga soo xigtay OCHA, hay'adda isku duwidda gargaarka bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay, xaaladda bani'aadamnimada ee Soomaaliya way ka sii dartay sannadka 2020, iyadoo ay ugu darsantay 'halista saddex-geesoodka ah' ee daadadka, COVID-19 iyo Ayaxa. Sanadka 2021, waxaa la saadaalinayaa in dalku uu la kulmo caqabado bani'aadamnimo oo aad u daran. Abaar ayaa la saadaalinayaa sababo la xiriira roobabka oo ka hooseeya celcelis ahaan sidii ay ahaan jireen, taas oo lala xiriirinayo La Niña, dalkuna waa inuu maareeyaa saameynta joogtada ah ee COVID-19 ee dhaqaalaha. HRP ayaa ku qiyaastay in 5.9 milyan oo qof ay u baahan doonaan gargaar bini’aadanimo sanadkan, taas oo ay ku korodheen sanadkii hore 5.2 milyan. |
|
![]() |
Ka fal-celinta COVID-19 | UNDP oo taageereysa qaybinta qalabka difaaca si loola dagaallamo COVID-19 Iyadoo qayb ka ah taageerada UNDP ay siineyo Maamulka Gobolka Banaadir ee ka jawaabidda masiibada COVID-19, isla markaana ay maalgelin ka heshay Japan, ayaa waxaa la gaarsiiyey maaskarada, galoofyada, fayadhowrka gacanta iyo saabuun isbitaalka Martiini, ee caasimadda Muqdisho. Iyadoo sahay kale oo dheeraad ah la gaarsiindoono usbuucyada soo socda isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada iyadoo lagu dadaalayo inay gacan ka geysato ilaalinta dadka meelaha aadka loogu baahan yahay. |
|
![]() |
Haweenka iyo gabdhaha | Ilaalinta sharafta haweenka iyo gabdhaha nugul inta lagu jiro dhibaatooyinka bani'aadamnimada UNFPA waxay sii waddaa taageerada marin u helida adeegyada naf-badbaadinta ah ee isku-dhafka Caafimaadka Galmada iyo Taranka iyo Adeegyada la xiriira rabshada ku saleysan Jinsiga, oo ay ku jiraan bixinta xirmooyinka sharafta haweenka la xiriira ee COVID-19 oo la siinayo gabdhaha Soomaaliyeed. Iyadoo qayb ka ah wax ka qabashada baahiyaha gaarka ah ee haweenka iyo gabdhaha, ayaa UNFPA iyo Ururka Iskaashatooyinka SBACO, waxa ay u qaybiyeen 300 xirmooyinkaa ah haweenka iyo gabdhaha la hayb-sooco ee ku nool Gaalkacyo iyo deegaanada ku xeeran. |
|
![]() |
Ilaalinta qaxootiga | UNHCR waxa ay gargaar degdeg ah siiseysaa dhibbanayaasha iskahorimaadka iyo duufaanta UNHCR, iyada oo u sii marinaysa fulinteeda hay’adda ay bah-wadaagta yihiin ee African Volunteers for Relief and Development (AVORD), waxay siisey agab aan cunto ahayn (NFSIs) ugu yaraan 3,000 oo qof oo deggan deegaanada Qansaxley iyo Kapasa, taas oo loogu talagalay dadka ku barakacay gudaha dalka. Dadka la caawiyey waxaa saameeyay iskahorimaadkii dhowaan ka dhacay Beled-Xaawo, ee gobolka Gedo ee Jubaland, kaasoo ay ku barakaceen kumannaan qof. Dhanka kale, Puntland, ku dhowaad 22,000 oo qof ayaa helay gargaar lacageed si ay dib ugu dhistaan hoygooda oo ay burburisay dabeysha Gati bishii Diseembar 2020. Marka la gaaro Maarso, UNHCR waxay ku caawin doontaa in ka badan 25,000 oo qof oo ay duufaantu saamaysay lacag iyo agabyo kala duwan oo loogu talo galay dadka ku nool degmooyinka Boosaaso, Baargaal iyo Isku-shuban. |
|
![]() |
Ilaalinta carruurta | UNICEF iyo UNFPA: oo dib u soo cusbooneysiiyey joojinta gudniinka gabdhaha Maalinta Caalamiga ah ee Dulqaadan la'aanta Gudniinka daran ee gabdhaha, oo la xusay 6-dii Febraayo, ayaa UNICEF iyo UNFPA waxay ugu baaqeen Dowladda Soomaaliya in ay dib u soo celiso joojinta gudniinka gabdhaha (FGM) iyadoo la ansixinayo sharci baabi'inaya dhaqankaas. Gudniinka gabdhaha ah ayaa guud ahaan looga dhaqmaa dalal badan, dhowr arrimood awgood. Qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta iyo bulshada ayaa dhiirrigeliya dhaqankan, iyagoo si khaldan ugu andacoonaya inay tahay baahi diimeed. Qoysaska sidoo kale waxay u arkaan gudniinku in uu yahay hab lagu ilaalinayo dhawrsanaanta gabadhooda, oo shardi u ah guurka. Iyadoo loo marayo barnaamijyo kala duwan, UNICEF iyo UNFPA waxay qaadayaan tallaabo lagu ciribtirayo dhaqankaas ka jira Soomaaliya. Labada hay'adood waxay la shaqeynayaan bulshada si loo beddelo fikradaha oo qoysaska lagu baro cawaaqib-xumida nololeed oo ka dhalan karta in gabdhaha yar yar lagu qasbo gudniinkan. Ka sokow dadaallada lagu doonayo in wax looga beddelo aaminaadan soo jireenka ah, hay'aduhu waxay sheegeen in ay muhiim tahay in la helo qaab sharciyeed oo mamnuucaya gudniinkan iyo awood siinta qoysaska iyo bulshooyinka in ay diidaan gabdhaha sidan loo ciqaabo - meel marinta Sharciga Gudniinka ayaa gacan ka geysan doona in arrintan la joojiyo. |
|
![]() |
Horumarinta Ganacsiga | UNIDO oo siineysa ganacsatada Soomaaliyeed fursado iskaashi oo caalami ah Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya oo ay maalgelinayso AICS isla markaana kaashanaysa ITPO oo Talyaani ah ayaa soo qaban qaabisay bandhig EIMA oo khadka Internetka ah, iyadoo ay qabatay carwaddan shirkadda hormuudka u ah waaxda mashiinada beeraha Talyaaniga. Kulankani waxa uu fududeeyey is-dhaafsiga aqoonta iyo kobcinta fursadaha ganacsi ee loogu talagalay dhiirrigelinta iskaashiga caalamiga ah. Qaybta dhiirrigelinta maalgashiga ee UNIDO waxa ay ku saleysan tahay duruufaha maxalliga ah, iyo xaaladaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee Soomaaliya. Waxa ay si firfircoon u dooneysaa in ay la jaanqaado fursadaha maalgashiga si ay u soo jiidato indhaha maalgashadayaasha iyo la-hawlgalayaasha si loo kordhiyo maal-gashiga gudaha iyo kan dibadda loona xoojiyo ka-qayb-qaadashada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Howlo tan la mid ah iyo kuwo lagu kobcinayo maalgashiga ayaa la qaban doonaa dhammaadka Febraayo iyo Maarso 2021. |
|
![]() |
Dib u habaynta Xabsiga | UNODC oo xoojineysa tababarka hoggaamiyeyaasha xabsiyada Somaliland Si loo horumariyo xirfadaha iyo aqoonta hoggaamiyeyaasha xabsiga, Barnaamijka Caalamiga ah ee Dambiyada Badaha ee UNODC (GMCP) wuxuu isu keenay 14 ruux oo ah sarkaal xabsi oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee Somaliland, oo ay ka mid yihiin Gabiley, Boorama, iyo Ceerigaabo, iyadoo la siinayo tababar shan toddobaad soconaya oo hoggaamineed ah. Iyadoo taageero laga helayo Midowga Yurub iyo Dowladda Sweden, gaar ahaan, loona marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Sharciga, tababbarka ayaa looga gol leeyahay in lagu abuuro koox saraakiil ah oo ka tirsan Ciidanka Asluubta, kuwaas oo laga yaabo in loo doorto in loo dalacsiiyo kaalinta dhexe ee maamulka. Bisha Maarso, qaybta ficil ahaaneed ee tababarka ayaa bilaaban doonta, intaa kadib UNODC GMCP ayaa qaban doonta xaflad xiritaan ah. Hindisahan waxaa lagu suurtagaliyey iyadoo lala kaashanayo Barnaamijka caqabadaha Xabsiyada Caalamka ee UNODC. |
|
![]() |
Doorashooyinka | QM iyo Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah oo ku boorriyey madaxda Soomaalida in ay isu yimaadaan Qaramada Midoobay iyo Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhammaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo. |
|
![]() |
Fursadaha Xirfadaha | WFP oo billawday barnaamij lagu tababarayo haweenka oo aan horay loo arag WFP waxa ay soo bandhigtay barnaamij cusub oo tababar shaqo ah oo la siinayo dumarka si loo siiso khibrad shaqo markii ugu horeysay iyo fursado shaqo gabdhaha qalin jabiyey. Barnaamijkan oo aan horay loo arag noociisa wuxuu qeyb ka yahay ballanqaadka WFP ee ku aaddan sinnaanta iyo isu dheelitirka, waana tallaabo muhiimad gaar ah u leh duruufaha maxaliga ah. Laga soo bilaabo bishii Febraayo, 11 ka mid ah 22 shaqaale ah ayaa horeyba ula jaan qaaday maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo durba sare u qaadaday oo tamarta shaqadooda guud ahaan howlaha WFP - laga soo bilaabo saadka iyo habnololeedyada ilaa cuntada iskuulka iyo nafaqada, xafiiska iyo goobaha. Kooxda inteeda kale waxay ku biiri doonaan toddobaadyada soo socda meelo kala duwan. |
|
![]() |
Ka fal-celinta COVID-19 | WHO oo gacan ka geysaneysa xoojinta awoodda ka fal-celinta COVID-19 Tan iyo markii uu billowday Cudurka COVID-19, WHO waxa ay ku taageertay maamulada Soomaaliya in ay sare u qaadaan awoodda iyo ka jawaab celinta cudurka. Bishii Janaayo 2021, 77 shaqaale caafimaad ayaa loo tababaray ilaalinta, maaraynta kiisaska, wada xiriirka dhanka halista iyo ka hortagga iyo xakameynta cudurka. WHO waxa ay ka caawisay gobolada in ay ka jawaabaan COVID-19 iyadoo loo qaybinayo 9,232 agabka afka iyo sanka lagu xirto si ay u isticmaalaan shaqaalaha caafimaadka iyo mutadawiciinta bulshada, iyo 3,060 xirmooyinka muunad uruurinta. Hay'adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay waxay taageertay 2,409 kooxaha caafimaadka bulshada, oo gaaray 1,413,478 qof oo la gaarsiiyey farriimo wacyigalineed oo la xiriira oo halista, waxayna booqdeen 295,256 qoys oo ku nool 51 degmo si ay si firfircoon uga baaraandegaan kiisaska COVID-19. Intaas waxaa sii dheer, wadar ahaan 159 digniino ah COVID-19, iyadoo taageero laga helayo 73 kooxood oo loo tababaray jawaab celinta degdeg ah. WHO waxay sii waddaa dhisidda awoodda ogaanshaha cudurada faafa mudnaanta leh, oo uu ku jiro COVID-19, iyadoo bixineysa tababar, taageero farsamo iyo bixinta sahayda. |
|
|
||
|
||