Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2023

31 Jan 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2023

 

Horumarin | UN-Habitat oo magaalada Berbera ka hirgelisey nalalka waddooyinka si kor loogu qaado isu socodka iyo ammaanka magaalada

Hay’adda UN-Habitat ayaa bilawday inay nalalka cadceedda ka hirgeliso waddo lix kilomitir ah oo tagta xeebta Batalaale ee magaalada Berbera ee Somaliland.

Nalalka waxaa loogu talagalay in ay kororto imaanshaha iyo amniga dadweynaha usoo damaash tagaya goobta ufuran shacabka. Ka hor inta aan xitaa mashruuc la dhameystirin, waxaa la sheegayaa in dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee xeebta uu kordhay iyadoo dadku ay ku mashquulsan yihiin ciyaaraha isboorti iyo socod waqti caadiga xilliga firaaqada ah ee habeenkii.

Hirgelinta nalalkan waa qayb ka mid ah hindisaha ballaaran ee horumarinta xeebta Berbera oo isna socda kaas oo ujeeddadiisu tahay inay gacan ka geysato sidii loo heli lahaa goob dadweyne oo fiican oo ay ku raaxaystaan dadka deggan magaalada iyo kuwa soo booqdaba.

Click here for more

 

Gargaarka Beni’aadannimada | OCHA oo soo gabagabeeyey Jaantuska Baahiyaha Gargaarka Bini'aadannimo ee Soomaaliya 2023

Xafiiskan oo matalaayo Kooxda Gargaarka Bini’aadannimada ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda, ayaa soo gebagebeeyey Jaantuska Baahiyaha Gargaarka Bini'aadannimo ee Soomaaliya 2023 kaas oo muujinaya faham loo dhanyahay ee la xiriira dhibaatada bini'aadannimo ee dalka oo ay ku jiraan baahiyaha ugu daran iyo qiyaasta dadka u baahan gargaar.

Waxay ka dhigan tahay saldhig caddayn oo la isku soo uruuriyey waxayna ka caawineysaa in loo qorsho; OCHA waxay hadda ka shaqaynaysaa sidii ay u dhamaystiri lahayd Qorshaha Gargaarka Bani'aadannimo ee 2023.

Sida laga soo xigtay Jaantuska Baahiyaha Gargaarka Bini'aadannimo ee Soomaaliya 2023, qiyaastii 8.25 milyan oo qof - 1.3 milyan oo haween ah, 1.8 milyan oo gabdho ah, 1.8 milyan oo wiilal, 1.5 milyan oo carruur da’dooda 5 sano ka yartahay, 1 milyan oo rag ah iyo 412,000 oo waayeel ah - ayaa u baahan gargaar bini'aadannimo iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah ayaa qarka u saaran gaajo.

Click here for more

 

Gargaarka Bini’aadannimo | UNFPA ayaa iskaashi la samaysay Hay’adda “All Africa Music Awards” si dhaqaale aruurin iyo wacyigelin loo sameeyo

UNFPA ayaa iskaashi la gashay hay’adda “All Africa Music Awards” oo loo soo magaceeda loosoo gaabiyo (AFRIMA) si dhaqaale aruurin iyo wacyigelin loogu sameeyo xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo saameynta ay abaaruhu ku yeesheen nolosha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray xafladda abaal-marinta siddeedaad ee AFRIMA oo lagu qabtay dalka Senegal, ayaa Ifraax Axmed oo ah gabar Somali-Irish oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka, ahna aasaasaha hay’adda Ifrah Foundation, ayaa soo bandhigtay xaaladda haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed – iyadoo wakiil ka ah hay’adda UNFPA – ka dibna waxaa la soo bandhigay filim kooban oo muujinaya baahida daran ee dalka ka jirta si loo kordhiyo gargaarka iyo taageerada.

Hay’adda UNFPA ayaa sidoo kale hirgelisey goob tabarucaad lagu aruuriyo intii ay xafladda socotay, iyadoo dadkii soo booqday lagu dhiirigeliyay in ay wax un tabarucaan, faafiyaanna ereyga # Soo nooleynta Rajada Soomaaliya.

AFRIMA waxay qabataa mid ka mid ah bandhigyada ugu caansan Afrika, iyadoo soo jiidata kumanaan dad oo ka kala socda qaarada Afrika iyo adduunka oo dhan. Sida laga soo xigtay hay’adda UNFPA, iskaashigan ayaa saameyn weyn ku yeelan doona sare u qaadista wacyiga iyo kordhinta dhaqaalaha lagu bixiyo gargaarka iyo taageerada dadka ay waxyeeleeyeen dhibaatooyinka bini'aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Click here for more

 

Sarreynta Sharciga | UNDP oo 300 saraakiil ‘Daraawish’ ah u tababartey arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Hay’adda UNDP ayaa 300 saraakiil Daraawishta Federaalka ah u tababartey arrimaha xuquuqul insaanka, tababarkaas oo ka dhacey Gobolka Sh/Hoose ee Maamul Goboleedka K/Galbeed Soomaaliya.

Tababarka ayaa saraakiisha booliska Soomaaliyeed siiyay faham dhab ah oo wax ku ool ah oo ku saabsan sida loo ixtiraamo xuquuqul insaanka inta ay ku guda jiraan shaqada booliska iyo la macaamilka bulshada; sida loo dabaqo qodobada sharciga, heerarka anshaxa, iyo hababka ugu wanaagsan ee ay u gudan lahaayeen shaqooyinkooda joogtada ah; iyo sidii loo joogteyn lahaa ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah ee aadanaha iyo ku dhaqanka halbeegyada dhaqanka caalamiga ah ee booliska u degsan.

Sida laga soo xigtay UNDP, waxaa muhiim ah in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay helaan tababarrada lagama maarmaanka u ah ilaalinta xuquuqul insaanka si ay ugu adeegaan bulshada iyadoo aan lagu xad-gudbin xuquuqda aadanaha. Tababarka ayaa sidoo kale la filayaa inuu wanaajiyo awoodda fulinta sharciga ee saraakiisha si ay ula tacaalaan xaaladaha dhabta ah ee ka dhex jira hay’adaha sharciga.

Click here for more

 

Wax-ka-qabashada Abaaraha | FAO ayaa qoysas Soomaaliyeed ku dheeqdey Lacag iyo Qalabka beeraha

Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelatay wax soo saarka beeraleyda yar yar. Beeralaydan ayaa la tacaala sidii ay qoysaskooda u quudin lahaayeen iska daa in ay soo saaraan dalagyo ku filan baahida dadka deegaanka.

Si looga caawiyo inay ka gudbaan halgankaas, FAO iyo dawladda Sweden waxay hirgeliyeen mashruuc loogu talagalay in lagu horumariyo helitaanka cuntada iyo nafaqada, kaas oo la gaarsiiyey in ka badan 7,500 beeralayda yaryarka iyo qoysaskooda.

Mashruucan ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo adkeysiga bulshada ee dhibtooyinka iyo xasaradaha ka jira Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana taageero la gaarsiiyey in ka badan 30 ka mid ah iskaashatooyinka beeralayda ku nool labadan dowlad goboleed oo ka mid ah maamul goboleedyada dalka, waxaa sidoo kale la qabtey tababar kor looguu qaadayo awoodda wax soo saarka ee beeralayda yar yarka ah.

Click here for more

 

Amniga | UNSOS oo taageertay wareejinta ATMIS ee saldhigga millateri ee Maslax

UNSOS waxa ay taageertay wareejinta rasmiga ah ee Ciidanka Midowga Afrika KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku wareejiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya saldhigga howlgalka hore ee Maslax, kaasoo ku yaalla duleedka Caasimadda Muqdisho. ATMIS waxa ay saldhiggaa ku shaqaynaysey tan iyo ilaa 2012.

Wareejinta ayaa lagu saleeyey Fikradda wadajirka ah ee Hawlgallada iyo Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, kaasoo ay soo diyaariyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ATMIS, QM iyo bah-wadaagta horumarinta si loo hago geeddi-socodka kala-guurka ah ee mas’uuliyadda ugu wayn ee amniga Soomaaliya loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Click here for more

 

Caafimaadka | UNICEF oo taageertay ololaha nafaqaynta iyo jadeecada isku dhafan

UNICEF waxa ay Somaliland ka fulisey olole isku-jir ah oo ka dhan ah jadeecada iyo mid nafaqayn ah oo socdey muddo shan maalmood ah, iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo WHO.

Ololuhu waxa uu bixiyey tallaallada jadeecada iyo dabaysha, fitamiinka A, dawooyinka gooryaanka iyo baaris la xiriirta nafaqo-xumada.

Waxaa ka qaybqaatay abaabulayaal bulsho oo laga sameeyey guud ahaan gobolka si ay u abuuraan wacyigelin iyo abaabul bulsho iyadoo kooxaha guurguura ay adeeggan gaarsiiyeen carruurta reer guuraaga ah iyo kuwa xoolo-dhaqatada ah ee ku nool meelaha ay adagtahay in la gaaro.

620,657 carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga tallaalay jadeecada halka 659,274 carruur ahina ay heleen tallaalka dabaysha.

In ka badan 500,000 oo carruur ah ayaa helay adeegyo nafaqayn ah oo ay ku jiraan Fitamiin A, dawada gooryaanka iyo baaritaanka nafaqo-xumada iyadoo la adeegsanayo habka loo yaqaan MUAC (wareegga qaybta sare ee bartamaha-gacanta).

Sida ay sheegtay UNICEF, waxqabadyadan xirmooyinka badan ah sida ololahan oo kale ah ayaa xaqiijinaya in carruurta laga ilaaliyo cudurrada dilaaga ah si caafimaadkooda iyo fayaqabkooda guud uu soo hagaago, gaar ahaan waqtiyada abaarta.

Click here for more

 

Siyaasad | Qaramada Midoobey iyo saaxiibada caalamku waxay soo dhowaynayaan dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo nabadaynta

War-murtiyeed soo baxay, ayay QM Somalia ku biirtay in ka badan labaatan jaal oo Soomaaliya ku sugan si ay u soo dhoweeyaan dadaallada ay madaxda Soomaaliya ku doonayaan inay ku kordhiyaan mudnaanta dhinaca nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, taasoo uu ku jiro shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxay si gaar ah u soo dhaweeyeen geeddi-socodka dib u eegista cusub ee dastuurka, saami qaybsiga khayraadka federaalka, iyo dib u heshiisiinta, kuwaasoo dhamaantood muhim u ah xaqiijinta xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si hufan uga qaybqaataan dadaalladaasi, wixii khilaaf ah ee jirana loogu dhammeeyo wadahadal iyo wada-tashi; waxayna tilmaameen inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay u gaari lahayd mudnaanta ay leedahay dowlad dhisiddu; taasoo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah misna nabad ah.

Click here for more

 

Horumarin | Qaramada Midoobey oo taageeraysa kobaca kalluumaysiga Soomaaliya

Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, oo la kulmay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan, ayaa mar kale xaqiijiyey in Qaramada Midoobey ay ka go’an tahay taageeridda kobaca kalluumaysiga dalka iyo dhaqaalaha buluugga ah ee badda.

Wadahadalkooda, Mudane Abdelmoula, oo sidoo kale ah isu-duwaha arrimaha bini'aadminnimada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ayaa xusay in iyada oo waaxda badda laga yaabo inay bixiso faa'iidada ugu dhaqsaha badan ee maaraynta kalluumaysiga, misna ay qaybaha yar yar ee qodaalka macdantu ay Soomaaliya u leedahay suurtaglnimo aan weli laga gun garin haddii lagaga faa'iidaysto si loo horumariyo hab-nololeedyada, haqab-beelka cuntada, shaqo-abuurka iyo dakhli-abuurka.

Click here for more