Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2021

3 Jul 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2021

 

Ka fal-celinta COVID-19 | WHO oo xoojineysa awoodda u diyaargarowga iyo ka fal-celinta COVID-19

Tan iyo bilowgii sanadkii 2020, Hay'adda Caafimaadka Adduunka waxa ay ku taageertay Dowlada Soomaaliya in ay horumariso u diyaar-garowga iyo awoodda wax ka qabasho ee COVID-19. Bishii May 2021, 350 shaqaale caafimaad ah ayaa loo tababaray la socoshada, maaraynta kiisaska iyo ka hortagga iyo xakameynta cudurkan. WHO waxa ay Soomaaliya ku taageertay in ay ka jawaabto COVID-19 iyadoo siineysa 12,600 xirmooyinka baaritaanka ee loo yaqaanno (PCR), 100 xirmooyinka aruurinta muunada, iyo 38,500 Qalabka Baaritaanka Degdegga ah ee Antigen-ka, kuwaas oo loo qeybiyey si loogu baaro COVID-19, gaar ahaan dadka ku nool meelaha fogfog. Intaa waxaa dheer, shaqaalaha daryeelka caafimaadka bulshada oo gaaraya 1,840 ayaa la daad gureeyey si ay u fuliyaan howlaha kormeerka. Isugeyn 57 koox oo ah kuwa sida degdega u howlgala  ayaa baaray 15,743 COVID-19 kiis oo laga shakisanaa kuwaa oo la mariyey sheybaarada caafimaadka bulshada ee ay taageerto WHO, kuna yaalla Soomaaliya. Adeegyada isgaarsiinta ee halisaha ee heerka bulshada waxa ay keentay in lagaaro dad dhan 1 945 388 qof, iyadoo loo marayo farriimo isgaarsiineed oo dhanka khatara ah. Qiyaasta ugu horreysa ee tallaalka COVID-19 waxaa la siiyay 12, 441 ruux.

http://www.emro.who.int/somalia/donors-partners/index.html

 

Tahriibinta dadka | UNODC oo ka taageertay Soomaaliya dacwad ku oogista kuwa dadka ka ganacsada iyo tahriibiyeyaasha muhaajiriinta

UNODC waxa ay qabatay tababar 4 maalmood socday  (14-17 Juun) oo loogu talagalay xeer-ilaaliyeyaasha kuna saabsan dacwad ku oogista kuwa dadka tahriibiya, kaas oo qayb ka ah barnaamijka Maareynta qumman ee Muhaajiriinta (BMM), oo uu maalgeliyo sanduuqa Midowga Yurub ee Gurmadka Degdegga ah ee Afrika iyo Dowladda Jarmalka, gaar ahaan  Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Federaalka.

https://twitter.com/UNODC_EA/status/1404440047315730432

 

Gudniinka daran ee Gabdhaha | UNFPA Soomaaliya waxa ay bulshada reer miyiga ah ka wacyigalineysaa halista Gudniinka daran ee Gabdhaha

UNFPA Soomaaliya waxa ay gaarsiisay bulshada reer miyiga ah, iyadoo u maraysaa muuqaallo, ka digaya qatarta Gudniinka gabdhaha ee loo yaqaanno(FGM) iyo sidii loo joojin lahaa dhaqankaa xun. Dad badan ayaa u soo jeesanaya daawashada muuqaalladan ku saabsan gudniinka gabdhaha iyagoo ka qayb galaya doodo ku saabsan dhaqankan.

https://somalia.unfpa.org/en

 

Waxbarashada | UNIDO oo ku tababartay barnaamijka STEM tababarayaal wax sii tababaraya oo dhan 150 arday oo wax ka barta Soomaaliya

13-kii ilaa 17-kii Juun 2021, UNIDO Soomaaliya, iyada oo u maraysa taageerada dhaqaale oo ay ka heshay Hay'adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta, waxay la shaqeysay HANO Academy iyo Somali STEM Society si ay ugu qabtaan magaalada Muqdisho barnaamij Tababar Saynis, Teknolojiyadda, Injineeriyada iyo Xisaabta ee (STEM) oo loogu talagalay 150 ardayda oo dhigata jaamacadaha gudaha. Waxbarashada STEM ee Soomaaliya waa mid muhiim u ah kor u qaadista helitaanka tababar tayo leh, iyo xoojinta awoodaha wax soo saar, taas oo keenta fursad la taaban karo oo lagu xoojiyo haweenka iyo ragga dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed iyada oo loo marayo xirfadaha isbeddelka ee ka caawiya dhiirigelinta fikirka hal-abuurka iyo hab wanaagsan oo ay ku xalliyaan dhibaatooyinka.

https://www.unido.org

 

Rabshadaha ku saleysan Jinsiga | UN-HABITAT, Dowladda hoose iyo Midowga Yurub oo isku kaashaday la dagaallanka Rabshadaha ku saleysan Jinsiga ee Muqdisho

Hindisaha Midowga Yurub ee ay maalgelisay, iyadoo UN-Habitat, ay u siimareyso Maamulka Gobolka Benaadir (BRA), Agaasinka Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ayaa la qabtay tababar ku saabsan ka hortagga iyo ka jawaabista Rabshadaha ku saleysan Jinsiga inta lagu gudajiray cudurka COVID-19. Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ahaa in la isku daro wacyiga COVID-19 iyo dagaalka ka dhanka ah Rabshadaha ku saleysan Jinsiga, taas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo heerka wacyiga bulshada iyo aqoonta ku saabsan sida looga hortago, loogana jawaabo, loona gudbiyo kiisaska noocaas ah iyadoo aan wax khatar ah loo geysan kuwa ay saameysay arrintaas. Tababarkani wuxuu qayb ka yahay tababarro taxane ah oo lagu  qabanayo magaalada Muqdisho iyadoo loo marayo ‘ka Jawaabista Midowga Yurub ee arrimaha caafimaadka iyo saamaynta dhaqan-dhaqaale ee COVID-19 ee magaalada Muqdisho.

https://unhabitat.org/un-habitat-local-government-and-the-eu-join-forces...

 

Tahriibka | IOM oo ka caawisay Carruur Muhaajiriin ah oo aan la wehelin in ay dib ugu laabtaan dalkooda kadib bilooyin ay ku go'doonsanaayeen Soomaaliya

Bishii Juun, IOM waxa ay ka caawisay 73 muhaajiriin Itoobiyaan ah, oo ay ku jiraan 30 aan qaan-gaar aheyn oo aan lala socon, in ay si iskood ah oo nabadgelyo leh ugu laabtaan dalkooda Itoobiya. qofkii ugu yaraa ee kooxdan waxa uu jiray kaliya 12 sano. In kasta oo ay doonayeen in ay noqdaan, haddana uma aysan suurtagelin waxa ayna muddo dheer ku xannibnaayeen magaalada Boosaaso, Puntland. Kumannaan muhaajiriin ah, oo inta badan ka yimad Itoobiya, ayaa sii mara Bosaaso sannad kasta iyagoo aadaya waddamada Khaliijka, gaar ahaanna Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay rajeynayaan in ay ka helaan fursado dhaqaale oo ka wanaagsan midda ay heystaan. Markay yimaadaan Bosaaso, qaarkood uma gudbaan dhinaca xeebta Yemen waxayna ku xayirmaan magaalada iyagoo ku nool xaalado aan adag. IOM iyo saaxiibbadood ayaa gargaar bani'aadamnimo oo naf-badbaadin ah siinaya muhaajiriinta ku go'doonsan magaalada Bosaaso, waxayna ka caawinayaan sidii ay ugu laaban lahaayeen waddankooda iyadoo loo marayo barnaamijka Caawinta Is-xilqaan (AVR) ee hoos imanaya mashruuca iskaashiga wadajirka ah ee IOM iyo Midowga Yurub.

https://twitter.com/IOM_Somalia/status/1405904653993320452

 

Taageeridda beeralayda yar-yar | Barnaamijka cusub ee tababarka WFP oo billowday si loo caawiyo beeralayda yar yar

Bishii Juun waxaa billowday qorshe cusub oo tababar ah oo lagu taageerayo beeralayda yaryar sidii ay  maarayn lahaayeen khasaarihii soo gaaray una adkeyn lahaayeen ku xirnaantooda suuqa - qayb ka mid ah barnaamijka WFP iyo FAO ee wadajirka oo lala kaashanayo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee federaalka, oo ay taageereyso Wakaaladda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden,  howlahan, oo hadda ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ka bilaabato Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo halkaaas  lagu  tababari doono shaqaalaha beeraha iyo wadar ahaan gaaraya 600 oo beeraley ah, ka dib waxa ay sii tababbari doonaan 6,900 oo beeraley ah iyaga oo isticmaalaya hannaanka aqoon-wadaagga. Tani waa tallaabadii ugu horreysay ee Barnaamijka Nidaaminta Beeraha Yaryar ee Wax-soosaarka Beeraleyda Adkaysiga leh, iyadoo Wasaaraddu door hoggaamineed iyo iskaashi la leedahay WFP iyo FAO si loo xoojiyo beeralayda yar yar si ay u kordhiyaan dakhligooda, loona hagaajiyo helitaanka wax soo saar gudaha ah oo tayo sare leh – korna loogu qaado sugnaanta cuntada iyo adkeysiga bulshooyinkooda.

https://twitter.com/WFPSomalia

 

Kobcinta Awoodda | UNDP oo taageertay tababbar la siiyey xildhibaanno heer Gobolka ah oo ku saabsanaa kor-joogteynta rayidka iyo arrimaha amniga

15 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa doorka baarlamaanka ee xaqiijinta kormeerka rayidka ah ee laamaha amniga iyo arrimaha la xiriira amniga, oo ay ka mid yihiin Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya iyo Dhismaha Amniga Qaranka. Tababarro noocan oo kale ah ayaa la siin doonaa Baarlamaannada kale ee Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka dabayaaqada sanadkan.

www.undp.org

 

Hoyga | UNHCR oo sii wadda kordhinta dhisidda guryo guud ahaan Soomaaliya

Iyada oo qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda la doonayo in lagu helo guryo wanaagsan oo ay helaan qoysaska barakaca ah, ayaa UNHCR oo kaashaneysa Guddiga Qaxootiga iyo baracayaasha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxa ay ku wareejiyeen 111 Guryaha Ku-meelgaarka ah qoysaska nugul ee ku nool magaalada Baydhabo. Ka-faa'iideystayaasha waxaa ka mid ahaa dadka soo noqday oo laga soo qaatay (72), gudaha ku barakacay oo ah (23) iyo kuwa martigeliyey oo ah (16) qoys. Hal-abuurkan ayaa ah beddel ka wanaagsan  teendhooyinka qoysasku ku noolaayeen ee ku meel gaarka ahaa. Bilihii la soo dhaafey, UNHCR waxa ay in ka badan 600 oo guryahaan ah ka dhistey meelo ay ka mid yihiin Baydhabo, Doolow, Hargeysa, Kismaayo iyo Bosaaso.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Carruurta lagu shaqeysto | UNICEF iyo ILO oo ku biiray Soomaaliya si loo joojiyo ku shaqeynta carruurta

In kasta oo xoogaa horumar ah la gaaray, haddana Soomaaliya waddo dheer ayaa sugeysa si loo ciribtiro  ku shaqeynta carruurta. Dhibaato dhaqaale iyo la'aanta fursado shaqo oo ku habboon masuuliyiinta qoysaska, waxa ay keentay in qoysas badani ku qasbanaadaaan in ay carruurtooda u diraan shaqo. carruurta qaar waxaa askareeya maleeshiyo ama kooxo hubaysan iyadoo lagu qasbo in ay galaan kaalimo Qatar galiya noloshooda, sida askarinimo, cunto-kariye iyo nadiifiye. Marka ay carruurtu ku shaqeyso da 'yar, waxa ay seegta waxbarashada, waxa ay waayaan daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah, waxayna la kulmi karaan Qatar badan oo ka soo gaarta shaqada iyo bay'ada. 
Munaasabadda maalinta caalamiga ah ee ka hortagga shaqaaleysiinta caruurta, C /wahaab Ugaas Khaliif, Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Soomaaliya wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo sameeyo siyaasadda Qaranka ee ku Shaqeynta Carruurta isla markaana waddada loogu xaaro sidii dalka looga cirib tiri lahaa ku shaqeynta caruurta. ILO iyo UNICEF ayaa codkooda ku biiriyey baaqaas.

https://www.unicef.org/somalia/press-releases/ministry-labour-and-social-affairs-ilo-and-unicef-commit-ending-child-labour-somalia

 

Kalluumeysiga | FAO oo qiimeyn ku sameyneysa bulshada ku nool Xaafuun ee ka soo kabaneysa Duufaantii Gati

Nofeembar 2020, Duufaantii Gati -  oo aheyd duufaantii ugu xoogga badneyd ee taariikhda la diiwaan geliyo - ayaa ku dhufatay Soomaaliya. Iyadoo dabeylo lagu qiyaasay cabirkeeda ilaa 115 mayl saacadiiba, duufaanta waxa ay burbur ballaaran u geysatay goobo badan sida magaalada Xaafuun. Iyadoo dhaaftay kaliya 20 guri, Duufaanta Gati waxa burburisay ku dhowaad 500 oo guri oo halkaaasi ku yaallay,waxa ay barakicisay kumannaan waxayna dishay sideed qof. Duufaantu waxa ay gebi ahaanba carqaladeysay habnololeedkii, waxa ayna baabi’isay qalabkii kalluumeysiga, iyadoo dishay xoolihii, waxa ay baabi’isay dalagyadii. Dadaal lagu doonayo in lagu soo celiyo noloshii dadka,  ayaa lagu qeybiyey gargaar deg-degga ah oo  ay ku deeqday Hay'adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga. Dad badan, sida Saciid Cawaale Yuusuf, oo ah kalluumeyste magaalada ku nool, ma fileynin in duufaan weyn ay baabi'in doonto wax walba oo ay ku jiraan gurigiisa, doontiisa, iyo qalabkiisa kalluumeysi.

http://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/c/1401177

 

Bani'aadamnimada | OCHA oo fududeysay howlgallada duulimaadyada gargaarka Bani'aadamnimo

Ka dib wadahadallo u socday Kooxda Gargaarka Bani'aadamnimada ee Soomaaliya oo ku saabsan suurtagelinta helitaanka, iyo taageerada, WFP, OCHA waxa ay fududeysay diyaaradaha UNHAS "Caravan" muddo 90 maalmood oo billow ah. howshani waxa ay awood u siinaysaa bulshada bani'aadamnimadaka shaqeysa ee Soomaaliya in ay si wada jir ah u fuliyaan howlo kormeer iyo qiimeyn ah waxayna horeyba u cadeeyeen in ay muhiim u yihiin howlahan, oo ay ku jirto isku xirnaanta. Laga bilaabo 28 Juun, 5 hawlgallo oo ay ku jiraan  Qaramada Midoobay Ururada caalamiga ah ee  aan dowliga aheyd, kuwo maxalli ah -  oo ka shaqeynaya dhinacyada bani'aadamnimo iyo horumarintaba – waxa ay gargaar gaarsiiyeen Gaalkacyo, Dhuusamarreeb, Xudur, Berdaale iyo Cabudwaaq.

https://www.unocha.org/somalia

 

Doorashooyinka | Saaxiibbada beesha caalamka oo soo dhoweyey guusha uu ku soo dhammaaday shirweynaha DFS-DXDF

Saaxiibbada Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyeen shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday ee Muqdisho. Isaga oo ku hadlayey magaca beesha caalamka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxa uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku  bogaadiyey sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, waxa uu sidoo kale amaanay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxa uu u Mahad celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1-dii bishii Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebteembar ee heshiiska ku saleysan. isagoo ugu baaqay dhammaan saamilleyda in ay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah.

https://unsom.unmissions.org/international-partners-welcome-successful-conclusion-fgs-fms-summit-%C2%A0-0