Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofeembar 2023

1 Dec 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofeembar 2023

 

Miino-saarista | UNMAS oo bulshada gaarsiisay waxbarasho ku saabsan halista ay leeyihiin walxaha qarxa

Iyadoo qaybo badan oo Soomaaliya ah ay ka da'een roobab mahiigaan ah ayna ku fataheen webiyada, ayay bulshooyinka fatahaaduhu saameeyeen ku khasbanaadeen in ay u guuraan meelaha aysan dhibaatadu taaban halkaasi oo ay ka jirto heerka khatarka walxaha qarxa oo aan la hubin.

Si loo yareeyo halista ka imaan karta walxaha qarxa ee laga helo degsiimooyin kastoo ku meelgaar ah ama ay soo qaadeen biyaha fatahaadaha, ayaa UNMAS waxay hawlgelisay kooxaha waxbarashada halista kuwaas oo 139 casharro oo ku saabsan waxbarashada halista walxaha qarxa siiyay 1,326 qof.

Shakhsiyaadka waxay u barakaceen goobaha taagga ah ee ku yaalla degmooyinka Kismaayo, Luuq, Marka, Baydhabo, Yeed, Adale, Buula Burte, iyo Hobyo, iyo sidoo kale Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

UNMAS waxay sheegtay in dadaalladan ay sidoo kale kor u qaadayaan wacyiga bulshooyinka soo guryo noqonaya markay fatahaaduhu yaraadaan.

Click here for more

 

Shakhsiyaadka naafada ah | UNDP oo tababbar siisay urrurada naafada

Hay'adda UNDP ayaa soo abaabushey aqoon-isweydaarsi karti-dhis ah oo lagu dhisayo awoodda ururrada metela shakhsiyaadka naafada ah ee Puntland ku nool. 

Barnaamijka tababbarka saddexda toddobaad soconayey, oo gaar ahaan loogu talagalay ururrada dadka naafada ah, ayaa waxaa lagu qabtey Garoowe, oo ah magaalo-madaxda Dowlad Goboleedka, waxaanna ugu horreyn diiradda lagu saarayay xoojinta xirfadaha iyo kobcinta wacyiga xubnaha ururradan.

Tababbarka waxay ujeeddadiisu ahayd in ka-qaybgalayaasha lagu qalabeeyo xirfadaha, aqoonta iyo istiraatiijiyadaha  aasaasiga u ah qaabka wax-ku-ool ah ee wax looga qabanayo caqabadaha gaarka u ah ee ay wajahaan shakhsiyaadka naafada ah. Waxaa intaa dheeraa, casharro karti-dhis warbaahineed oo afar-maalmood soconayay oo diiradda lagu saarayey u-qareemidda xuquuqaha naafada iyo abuurista barnaamij loo dhan yahay.

Click here for more

 

Haqab-beelka cunnada | FAO oo fududeysay soosaarista makiinnado warshadeeya calafka xoolaha oo dalka lagu farsameeyo

Hay'adda FAO ayaa waxay fududeysay soosaarista tusaalahii ugu horreeyay ee makiinadda warshadeynta calafka xoolaha oo lagu sameeyay Somaliland  – waa guul dhagax-dhig ah oo muujinaysa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta waaxda xoolaha iyo kor-u-qaadista haqab-beelka cunnada ee bulshooyinka reer-miyiga ah.

Makiinaddan dalka lagu farsameeyay, oo waxqabad ahaan u dhiganta kuwa dibedda laga soo waarido, ayaa waxay beeralayda Somaliland u suuragelinaysaa in ay helaan makiinnad qiimo ahaan jaban oo si fududna loo heli karo.

Iyadoo la adeegsanayo agab dalka laga heli karo lana kaashanayo tumaasha degaanka, ayaa FAO waxay ogaatey in kuwa ku lugta leh ay muujiyeen suuragalnimada waxsoosaarka deegaanka, awoodsiinta bulshooyinka reer-miyiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

Click here for more

 

Jinsiga | UNFPA oo booqasho aqoon-kororsiga arrimaha jinsiga ah u fududeysey xubnaha baarlamaanka

UNFPA ayaa fududeysay booqasho aqoon-kororsi ah oo ay dalka Nayjeeriya ku tageen wefdi ka kooban 14 haween ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo laga soo xushay Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Booqashada waxay wufuudda u suuragelisay in ay helaan fursad ay ku wada-hadlaan oo ayna wax kaga bartaan waayo-aragnimada xildhibaannada dalka Nayjeeriya. Booqashada ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in lagu wanaajiyo kartida Xildhibaannada Soomaaliyeed u leeyihiin curinta iyo taabogelinta sharciyada taabanaya arrimaha jinsiga, gaar ahaan wax ka qabanaya tacaddiga jinsiga ku saleysan iyo caado-dhaqameedka dhibaatada leh.

Booqaashada aqoon-kororsiga ah waxaa ka mid ahaa kulamo heer-sare ah oo ay la yeesheen mas'uuliyiinta aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka Nayjeeriya, taas oo gundhig u ah aasaaska wadashaqaynta mustaqbalka iyo kobcinta arrimaha jinsiga iyo maamul wanaagga.

Click here for more

 

Caafimaadka | WHO waxay loo baahan yahay in kor loo qaado hawlaha wax looga qabanayo El Niño

Xilli ay weli sii socdaan oo ay sii kordhayaan abaaraha ka jira guud ahaan Soomaaliya taas oo durba raad ku yeelatay 7.8 milyan qof ayna ku barakaceen 1.3 milyan, haddana roobab mahiigaan ah oo bilihii la soo dhaafay da'ay ayaa waxaa ka dhashey fatahaado 400,000 qof oo dheeraad ah ku barakiciyay  dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna baabi'iyeen maciishaddooda.

Biyaha nadiifka ah iyo fayadhowrka habboon ee ay heli karaan barakacayaasha oo xaddidan taas oo ka dhalatey abaarta iyo fatahaadda ayaa waxaa ay sababeen in uu cudurka daacuunka ka dillaaco Jubbaland.

Dhammaadkii bisha Luulyo ee sannadkan, in ka badan 11,704 oo ah kiisas la xqiijiyey iyo kiisas la tuhunsan yahay in ay daacuun yihiin, iyo 30 dhimasho oo lala xiriirinayo, ayaa laga soo sheegay 28 degmo oo ay abaartu saameysay, iyadoo boqolkiiba 54 kiisaskaasi ay ahaayeen carruur ay da'doodu ka yar tahay shan sano.

Ka-dib markii uu cudurka daacuunka ka dillaacay degmooyinka ay saameeyeen abaarta iyo fatahaadda, ayaa hay'adda WHO waxay hawlgelisay kooxo gaarsiiyay 1.79 milyan oo qof farriimo ku saabsan arrimaha caafimaadka la xiriira.

Click here for more

 

Bani’aadamnimada | UNICEF oo hawlgelisey kooxaha gurmadka degdegga ah ee loogu talagalay fatahaadda El Niño

Iyadoo fatahaadaha ka dhashey roobabka El Niño ay weli burbur ka wadaan qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayay kooxaha gurmarka degdegga ah ee hay'adda UNICEF, Dowladda Soomaaliya, QM iyo bah-wadaagta kale waxay in ka badan 100,000 carruur ah iyo 156,000 qof oo ku nool magaalooyinka Beledweyne, Jowhar, Balcad, Buulo-burte, Jalalaqsi, Kismaayo, Doolow iyo Baydhabo la gaareen adeegyo isugu jira caafimaad, nafaqo, ilaalin, waxbarasho iyo biyo, fayadhowr iyo nadaafad.

Intaa waxaa dheer, in abaabulayaasha bulshada ay guri-guri ugu wareegayaan si ay u gaarsiiyaan farriimaha digniinta hore ah iyo kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo maadaama roobabka iyo fatahaadaha ay si degdeg ah u wasakheynayaan ilo biyoodka.

Sidoo kale, UNICEF, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo bah-wadaagta ayaa in ka badan 4,000 oo qoys oo ay saameyn ku yeesheen fatahaadda oo ku nool magaalada Baydhabo gaarsiiyey sahay biyo degdeg ah waxayna koloriin ku dareen 103 ceelal gacmeedyo.

Click here for more

 

Dowladda hoose | UN-Habitat oo Somaliland ka taageertay sidii adeegyada dowladda loogu heli lahaa qaab dhijitaal ah

UN-Habitat ayaa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland ka taageertay sameynta iyo daah-furka madal elektaroonig ah oo laga heli karo adeegyada dowladda – barnaamij/ablikeeshan lagu adeegsado telefoonka gacanta iyo internet-ka  ayaa dadka degaanka ka heli karaan adeegyada dowladda hoose kuna bixin karaan canshuuraha, ujuurrooyinka, iyo khidmadaha kale.

Ablikeeshan-kan oo adeegsigiisu fudud yahay laguna isticmaalo  taleefonnada casriga ah  ayaa laga wada heli karaa barnaamijyada Android iyo iOS, wuxuuna u shaqeeyaa sida meel ay dadka degaanka geli karaan kana heli karaan adeegyada kala duwan ee dowladda hoose – min helidda kaararka Aqoonsiga Qaranka ilaa diiwaangelinta guryaha, dhulka iyo ruqsadaha ganacsiga, iyo kuwo kaleba.

App-ka telefoonka gacanta waxaa barbar socda, bar internet oo ballaaran (www.govsomaliland.online) oo iyana sidoo kale laga helayo adeegyadan, oo u adeegta adeegsadayaal kala duwan oo ku dhaqan guud ahaan shan degmo oo ka tirsan Somaliland: Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, iyo Gabiley.

Click here for more

 

Tacaddiga ku saleysan jinsiga | UNSOM waxay daaha ka rogtey barnaamij maqal ah (podcast) taxane ah oo ka dhan ah tacaddiga ku saleysan jinsiga

Si loo xuso 16-ka Maalmood ee Ololaha Dhaq-dhaqaaqa Ka Dhanka ah Xad-gudubyada Ku Saleysan Jinsiga, oo ah olole caalami ah oo soconaya laga bilaabo 25-ka Nofembar ilaa 10-ka Disembar, UNSOM waxay daaha ka rogtey barnaamij maqal ah (podcast) taxane ah oo cusub, ‘Gobaad: Sharaf loo Dhan Yahay,' si kor loogu qaado wacyiga lana qaado tallaabo ka dhan ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga (GBV) ee Soomaaliya.

‘Gobaad: Sharaf loo Dhan Yahay’ waa taxane siddeed qeybood ka kooban oo lagu falanqeyn doonno arrimaha kala duwan ee xad-gudubyada ku saleysan jinsiga (GBV), sida hagardaamada iyo cagajuglaynta la isu soo mariyo khadadka internetka, sinnaan la'aanta jinsiga iyo naafonimada, haweenka reer miyiga ah iyo xad-gudubyada ku saleysan jinsiga (GBV), iyo kaalinta dowladda iyo tallaabada ay wadajir ahaan qaadi karaan beesha caalamka ee ay wax kaga qabanayaan arrintan. Qeyb kasta waxaa ka soo qaybgalaya qof marti ah oo ah xeel dheere, ama qof u dhaqdhaqaaqa wax-ka-qabashada iyo ka hortagga arrimaha xad-gudubyada ku saleysan jinsiga (GBV).

Qeybta koowaad ee ‘Gobaad: Sharaf loo Dhanyahay’ ayaa waxaa la soo daayey maalintii Sabtida, 25-ka Nofembar, waxaana ka qaybgaley Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, waxay ku eegaysaa 16-ka Maalmood ee Dhaq-Dhaqaaqa iyo noocyada kala duwan ee xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee Soomaaliya.

Podcast-gan waxaa laga heli karaa baraha Youtube, Facebook iyo X waxaana sidoo kale laga sii daayaa idaacadaha gobolka sida Waamo Radio, Isnaay Radio, Sanguuni Radio, Beerlula Radio, Arlaadi Radio iyo Radio Daar-Dheer.

Click here for more