Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Oktoobar 2022

1 Nov 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Oktoobar 2022

 

Abaaraha | OCHA oo hoggaamineysa dib-u-eegista maaliyadeed ee Qorshaha Gurmadka Bani'aadannimada

OCHA waxay door hogaamineed ka qaadatay dib-u-eegista bartilmaameedyada iyo baahida dhaqaale si loo waafajiyo Qorshaha Ka-falcelinta Arrimaha Bani'aadannimada ee 2022 iyo Qorshaha Ka-hortagga Abaaraha iyo Macluusha, kuwaas oo markii dambe la ansixiyay.

Qorshaha la cusboonaysiiyay ee 2022 waxuu u baahan yahay $2.26 bilyan waxaana loogu gargaarayaa ilaa 7.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan geyiga Soomaaliya, dhaqaalahaa oo kor u kacay $800 milyan marka loo eego yoolkii hore ee qorshihii bishii Jannaayo oo ahaa $1.46 bilyan ilaa 5.5 milyan oo qof.

Qiyaastii $1 bilyan ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha ugu daran laga bilaabo Diseembar 2022 ilaa horraanta 2023. Sidoo kale, OCHA waxa ay wadaa qorshe ay 17 milyan oo dollar uga qoondaynayso Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimada ee Soomaaliya (SHF) si loogu gurmado bulshada khatarta ugu jirta macluusha, gaar ahaan meelaha ugu daran ee gobollada Bay, Bakool iyo deegaanno ka tirsan Galmudug.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Abaaraha | WFP oo joogteyn iyo ballaarin ku samayneysa gargaarka cuntada iyo nafaqeynta

WFP waxay sii waddey ballaarinta gargaarka bini'aadannimo ee naf badbaadinta ah ee aan horay loo arag ee Soomaaliya oo dhan, iyada oo isha ku haysa wakhtiga si ay uga hortagto macluusha la saadaaliyay iyo xaaladda abaareed ee taagan.

Laga bilaabo bilawgii Oktoobar, hay’ada waxay cunto iyo quudin nafaf lagu badbaadinayo gaarsiinaysay in ka badan 4.5 milyan oo qof. Bilihii la soo dhaafay, WFP waxay gargaar  degdeg ah gaarsiinaysay dad badan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bini’aadinnimo, iyagoo ku gaarsiiyey xawaare sare oo aan horey loo arag.

WFP ayaa sidoo kale sii waday la shaqeynta dowladda, hay'adaha samafalka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale si loo gaaro meelaha ay cunno la’aan ka jirto ee ay adag tahay in la gaaro - oo ay ku jiraan deegaannada miyiga ah ee Baydhabo iyo Buurhakaba, ee bartamaha dalka, halkaas oo khatarta ugu badan ee macluusha ay tahay mid aad u sareysa.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Tababbar | Hay’ada UNODC oo furtey xarun cusub oo lagu tababarayo Booliska Ilaalada Xeebaha

Barnaamijka Dambiyada Badaha Adduunka ee Hay’adda UNODC’s ayaa xaflad lagu furayay xarun cusub oo lagu tababari doono booliska badda ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Xaruntan tababar ee uu maalgeliyo Mareykanka ayaa kor u qaadi doonta howlaha aqoon kororsiga  ee Unugga Booliska Badda ee Muqdisho si loo horumariyo awoodaha lagu ilaalinayo badda Soomaaliya oo dhan.

Intii ay socotay xafladda ayaa taliye Cabdi Xasan Maxamed waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Mareykanka uu uga mahadcelinayo kaalmada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, iyo hay’adda UNODC oo gacan ka siisay iskaashiga xooggan iyo taageerada ay siiso hay’adaha ilaaliya badaha dalka.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

BIYAHA | Hay’ada UN-Habitat oo Hargeysa  ka samaysay mashruuca cusub ee balaarinta biyaha

Hay’adda UN-Habitat ayaa dhamaystirtay mashruuc biyo-gelineed oo casri ah oo gundhig u ah sidii xal waara loogu heli lahaa mushkiladda biyo la’aanta ee ka taagan magaalada Hargeysa, Somaliland.

Mashruuca Biyo Ballaadhinta Magaalada Hargeysa  oo uu dhawaan daah-furay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa si wadajir ah u maalgeliyey Midowga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland, UN-Habitat iyo dawladda Somaliland, oo fulinayeen hay’adda UN-Habitat iyo Wakaalada Biyaha Hargeysa.

Mashruucan oo ay taageerto hay’adda UN-Habitat oo ka koobnaa 16 ceel, ayaa 4 ka mid ah laga qodey deegaanka Geed-deeble, oo ah deegaan ceel-biyood ah oo 23 KM u jira magaalada Hargeysa.  Waxa kale oo la dhisay barkad laba dabaq ah oo lagu kaydiyo biyaha laga soo ururiyo ceelasha iyo ceelasha ka hor inta aan la shubin,waxa kale oo la sameeyay xarun cusub oo biyaha lagu shubo,iyada oo lagu rakibay qalab casri ah oo biyaha lagu shubo iyo matoor-koronto. Sidoo kale, waxa la rakibay dhuumo dhererkoodu dhan yahay 23km oo laga soo bilaabay ceelasha biyaha keenana barkadaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Hargeysa, taas oo keentay biyo nadiif ah oo aad u badan oo caasimadda iyo nidaamka dawladda hoose.

Ujeeddada mashruucan ayaa ahayd in la tayeeyo habka wax-soo-saarka iyo gudbinta biyaha Hargeysa ee duugoobay oo la kordhinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dhidibbada loo taago hannaan biyaha lagu gaarsiinayo dhammaan dadweynaha magaalada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Abaaraha | FAO oo warbaahinta caalamka warbixin kooban ka siisay xaaladda ka sii daraysa

Isagoo weriyayaasha kula hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka FAO ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey xaaladda sii xumaanaysa ee hubantida cuntada ee dalka iyo macluusha soo food saartay.

"Xaaladda abaareed ee sii kordheysa ee Soomaaliya waxay dalka keentay macluul, dalku wuxuu wajahayaa abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah, kadib markii afar xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen, taasoo saameysay kala bar dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Etienne Peterschmitt.

"Wadada looga hortagaayo macluusha ayaa si degdeg ah u xirmeysa," ayuu Mudane Peterschmitt sii raaciyey. "Waxaan haynaa 300,000 oo qof oo wajahaya xaalado macluul u eg, ku dhawaad ​​kalabar dadkaasi waxay ku sugan yihiin miyiga iyo meelo ay adag tahay in la gaaro…  si wax looga qabto, waa inaanan sugin inta looga dhawaaqayo xaaladda macluusha."

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Isu-furanka Umusha | UNFPA waxay taageertaa ololaha qalliinka fistula

UNFPA waxay taageertay habab caafimaad oo ay qayb ka ahaayeen in ka badan 80 haween ah kuwaasoo lagu guulaystay qalliinno lagu xallinayey isku-furanka xubnaha taranka ee haweenka ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa arrintan samaysay iyadoo kaashanaysa Physicians Across Continents iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Faderaalka iyo dhiggeeda Puntland, iyadoo habraacani uu qayb ka yahay olole ballaaran oo lagu hagaajinayo isku-furanka (Fistula) xilliga umusha.

Cudurka Fistula ayaa weli dhibaato ku haya haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah ama aan helin adeeg caafimaad oo sax ah, sida ay sheegtay hay’adda UNFPA. Waxay ku dartay in isku-furanku uu saameeyo dhinac kasta oo nolosha haweenka ah, taasoo ay ku jiraan caafimaadkooda, fiyoobidooda, sharaftooda, iyo xiriirkooda shakhsi ahaaneed iyo kan bulsho.

UNFPA waxa ay sidoo kale kor u qaadaysaa awooddeeda si ay u bixiso helitaanka daryeelka deg degga ah ee xilliga umusha, dawaynta kiisaska fistula iyo wax ka qabashada arrimaha hoose ee caafimaadka, dhaqan-dhaqaalaha, dhaqanka iyo muhimka u ah xuquuqda aadanaha iyada oo ujeedadu tahay in meesha laga saaro isu-furanka (fistula).

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Horumarinta Warbaahinta | Warbaahinta ay taageerto hay’adda UNDP oo bidhaamisay xaaladda HIV-ga ee Soomaaliya

Bilan Media, oo ah kooxdii ugu horreeysay ee dumar ah oo warbaahineed oo Soomaali ah, ayaa weji cusub u furtay warbaahinta Soomaalida, iyagoo markii ugu horreeysey daabacay sheekooyin taxane ah oo ay ku eegayaan nolosha dadka la nool HIV ee dalka oo dhan.

Warbixinta hay'addan warbaahineed ee UNDP taageerto ayaa waxaa laga sii daayey Telefishinka iyo Idaacadda Dalsan Media Group waxaana la daawaday in ka badan 240,000 jeer oo online ah 24-kii saacadood ee ugu horreeyey.

Qaybo Isbaanish iyo Ingiriisi ku baxaya ayaa lagu daabacay wargayska Isbaanishka ee El Pais, oo ah mid ka mid ah dhowr warbaahin oo heer sare ah - oo ay ku jiraan kuwa Boqortooyada UK ee The Guardian iyo BBC - kuwaas oo soo gudbinaya warbixinta Bilan.

Warbixintu waxay kicisay dood ku saabsan sida loola dhaqmo dadka qaba HIV ee ku nool Soomaaliya, iyadoo inta badan 2,000 oo faallayn oo online ihi ay ilaa hadda ku baaqayaan in dadkan la taageero.

Warbixinta Bilan ayaa ah tii ugu dambeeysey ee sheekooyin iftiiminaya arrimaha bulshada ee sida caadiga ah la iska indho tiro. Warbixinnada kale ee dhowaanahan dhaliyey doodaha bulshada waxaa ka mid ah muuqaallo ku saabsan hooyooyinka da'da yar iyo kororka isticmaalka maandooriyaha ee haweenka Muqdisho.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Wax ka Qabashada Miinada | UNMAS oo fasaxday dhul miino laga saaray gobolka Gedo

Hay’adda UNMAS ayaa fasaxday dhul laga soo saaray miinooyin lagu aasay tuulada Kabaaso oo ah degaan beeralay ah oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Kooxaha miino-saarka ee hay'adda Qaramada Midoobey ayaa soo bixiyey in ka badan 200 oo  ah walxaha qarxa, kuwaas oo khatar ku ah nolosha dadka rayidka ah ee ku nool ama xoolaha ku dhaqda halkaasi. Dhulka la banneeyey ayaa xubnaha bulshada Kabaaso ka caawin doona inay si badbaado leh dib ugu bilaabaan howlohooda beerashada.

Intaa waxa dheer, dhulka la banneeyey waxa sidoo kale ka mid noqon doonta goob lagu aaso dadka kuwaas oo ilaa hadda kharash ku bixinayey meelaha lagu aaso ee tuulooyinka kale.

Islamarkaana, bulshada Kabaaso iyo kuwa deriska la ihi waxay heleen aqoon ku saabsan halista si loo dhiirrigeliyo hab-dhaqan taxaddar leh marka ay booqanayaan meelaha u dhow ee looga shakisan yahay inay ka buuxaan walxaha qarxa.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Abaaraha | UNICEF waxa karraarinaysaa wax ka qabashada nafaqada

Xilli macluul laga saadaaliyey qaybo ka mid ah Soomaaliya – oo kala ah Baydhabo iyo Buurhakaba,ee Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya – UNICEF iyo saaxiibbadeeda ayaa kordhiyey dadaallada lagu raadinayo laguna dawaynayo carruurta ay hayso nafaqo-xumada ba’an.

In ka badan 98,000 oo carruur ah oo ku nool degaannada lagu barakacay ee gudaha magaalada Baydhabo ayaa baaritaan lagu sameeyey, kuwaasoo ilaa 11,000 oo carruur ah la ogaaday inay hayso nafaqo-darro aad u daran.

Waxaa markiiba la aasaasay koox-howleed si ay u daba-galaan carruurta una daweeyaan, jaal kasta waxaa loo qoondeeyey aag, waxaana loo xilsaaray inay toddobaad walba warbixin ku saabsan qaabilaadda ay usoo gudbiyaan UNICEF . Sidaas darteed, 8,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba'an ayaa la qaabiley iyagoo qayb ka ah barnaamijka dawaynta.

Koox-howleed iyo saaxiibbada kale waxay garwaaqsadeen baahida loo qabo in la horumariyo adeeg gaarsiinta xeryaha dadka gudaha ku barakacay waxayna kordhiyeen booqashooyinka toddobaadlaha ah ee kooxaha guurguura min hal ilaa saddex.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Abaaraha | Madaxa UNHCR oo booqday goobaha ay abaaruhu saameeyeen

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey ugu Qaybsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuuna indhihiisa kusoo arkay xaaladda adag ee ay dad badan oo Soomaali ah u gaysteen abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale, waxaa uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay MW Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay ka wada hadleen wax ka qabashada abaaraha oo ay ka mid tahay sidii xal loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah.

Intii uu ku sugnaa Soomaaliya, Ergayga Sare ee Qaramada Midoobey waxa uu sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha adduunka inay kordhiyaan taageerada si loola dagaallamo abaaraha kasii daraya, loogana hortago macluusha.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Abaaraha | Mashruuca cusub ee IOM oo bixin doona xalalka muddada dheer

Iyadoo la kaashanaysa Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayey hay’adda IOM daahfurtay mashruuc cusub oo $20 milyan ah oo wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah ee 71,000 barakacayaal iyo dad nugul ah oo ay saameysay abaartii taariikhiga ahayd ee dalka iyo dhibaatooyinka gaajada ee sii xumaanaya.

Mashruucu wuxuu bixin doonaa gargaar degdeg ah, wuxuuna kor u qaadi doonaa awoodaha lagu soo kabsado iyo la qabsiga iyada oo loo marayo xalalka guriyeynta muddada dheer iyo horumarinta kaabayaasha.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Kaabeyaasha dhaqaale | UNOPS oo taageereysa isu-socod hagaagsan ee deegannada magaalooyinka ah

Magaalooyinka Soomaaliya ayaa si xawli ah u koraya iyadoo colaadda iyo masiibooyinka dabiiciga ah  - oo ay ku jiraan fatahaadaha iyo abaarta - ay dadka ka soo salkicisay miyiga oo ay soo galeen magaalooyinka. Kororkan degdegga ah ee dadku waxa uu culays ku keeni karaa kaabayaasha aasaasiga ah iyo adeegyada.

Iyadoo ay maalgeliyeen Bangiga Adduunka iyo bah-wadaagtiisa, UNOPS waxa ay fulinaysaa Mashruuca Adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliya - Wajiga II (SURP-II), kaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo awoodda bixinta adeegyada bulshada ee dawladaha hoose, kordhinta helitaanka kaabayaasha iyo adeegyada magaalooyinka ee u adkaysan kara cimilada, iyo inay wax-qabad degdeg ah oo wax-ku-ool ah ka bixiyaan dhibaatooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Mashruucan ayaa laga fulinayaa magaalooyinka Baydhabo, Beled Weyne, Dhuusamareeb, Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho.

"SURP-II ( Mashruuca Adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliya - Wajiga II ) waxay hor-tebin siisaa kaabayaasha magaalooyinka ee u adkeysanaya cimilada iyadoo la xoojinayo maamulka dowladda hoose, iyadoo  dhammaan maalgelinta la marsiinayo nidaamka dalka," sida uu qabo Khabiir Sare oo ku takhasusay Magaalooyna, kana tirsan Bangiga Adduunka, Makiko Watanabe.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Booliska | UNODC oo booliska isugu keentay shirk u saabsan baarista dembiyada

Si kor loogu qaado horumarinta dembi-baarista iyo horumarinta iskaashiga wax-ku-oolka ah ee xuduudaha, UNODC waxay shir ka dhacay Muqdisho isugu keentay saraakiil sarsare iyo madaxda Waaxaha Baarista Dembiyada iyo Qaybo ka socda Soomaaliya.

UNODC waxa ay hawsha la kaashatay maamullada Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Xafiiskeeda Caalamiga ah ee Maandooriyaha iyo Dhaqangelinta Sharciga, oo udub dhexaad u ah Barnaamijka Dembi Baarista (CIP), kaas oo ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo awoodda dembi-baarista ee Booliska Soomaaliya, natiijadaas awgeed, waxaa hagaagaya bed-qabka iyo amniga dalka oo dhan.

Sida laga soo xigtay UNODC, dhacdooyinka sii kordhaya ee xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, oo ay ku jiraan dembiyada galmada, waa dembiyo culus oo ay tahay in lala dagaallamo. Ku dhawaad 25 boqolkiiba dhammaan dembiyada ay  baarayaashu baareen lagu tababaray CIP waxay ahaayeen xadgudub galmo ama jinsi ku saleysan, iyadoo 80 boqolkiiba ay ku lug lahaayeen dhibanayaal caruur.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Maalinta QM | Madaxda sare ee QM oo guudmartay taageerada iyo iskaashiga

Iyada oo la xusayo Maalinta Qaramada Midoobay, ayaa madaxda ugu sareysa hay’adda caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya waxa ay fursad u heleen inay hoosta ka xarriiqaan balanqaadkooda iyo wadashaqeyntooda dhow ee taageeridda dowladda iyo dadka dalka ee dhinacyo kala duwan ee meelaha istiraatiijiga ah.

"Sida aan ku aragno dunida iyo halkan Soomaaliya, qiyamka iyo muhiimadda Qaramada Midoobey waxa ay joogtaa hadlkii ay ugu muhimsanayd,” ayuu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ka sheegay shir jaraa'id oo khadka internetka ah ku qabtay Muqdisho.

"Istaraatiijiyadeenna waxaa lagu habeeyay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Dukumentigan waxa uu si buuxda ula jaan qaadayaa oo dhab ahaantiina saxiixay dawladda Soomaaliya.” Ayuu raaciyey “Dukumentigani waxa uu waafaqsan yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee dawladda Soomaaliya, sidaa darteed wax kasta oo Qaramada Midoobay ay ka qabanayso halkan, Soomaaliya, waxa loogu talo galay in lagu taageero oo lagu horumariyo ujeedooyinka ay hore u dajiyeen madaxda Soomaaliya.”

Shirka jaraa’id, Md. Swan waxaa ku wehliyay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho; Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Lisa Filipetto; Ergayga ahna Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada Adduunka (WFP), El-Khidir Daloum, oo sidoo kale ah ku-simaha Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya.

 

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer