Intii uu ku guda jiray booqashada Sheybaarka Qaranka, ayaa Ergeyga QM wuxuu bogaadiyay horumarka laga gaaray tijaabada Covis-19, wuxuuna soo dhoweeyay dadaallada lagu dhisayo awoodda [waaxda] caafimaadka ee mustaqbalka

29 Jun 2020

Intii uu ku guda jiray booqashada Sheybaarka Qaranka, ayaa Ergeyga QM wuxuu bogaadiyay horumarka laga gaaray tijaabada Covis-19, wuxuuna soo dhoweeyay dadaallada lagu dhisayo awoodda [waaxda] caafimaadka ee mustaqbalka

Muqdisho – Isagoo ku guda jira booqasho uu maanta ku tegay Shaybaarka Qaran ee Caafimaadka Bulshada ee Soomaaliya (National Public Health Reference Laboratory), ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka wuxuu bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay ka gaartay tijaabada baaritaanka cudurka COVID-19, wuxuuna muujiyay muhiimadda uu sheybaarka dhexe ee qaran iyo shaybaarada kale ku yaal dhamaan dalka ay u leeyihiin wax-ka-qabasahda COVID-19.

“Afartii bilood ee la soo dhaafay, Sheybaarka Qaranka wuxuu dowr muhiim ah ka cayaaray wax-ka-qabashada aafadan isagoo ka-dabatag iyo la-socod ku hayay wareegga/isu-gudbinta feyruuska. Sheybaarka Qaranka waxaa ka barbar shaqeynayay labo sheybaar caafimaad oo kale oo qaabilsan caafimaadka bulshada, awoodna u leh tijaabada unugyada, awooddaas oo khusaysa COVID-19. Tani waxay dalka ka caawisay tijaabada iyo la-socodka wareegga feyruuska ee dalka oo dhan, iyo ogaanshaha goobaha uu feyruusku aad ugu faafay si loo xakameeyo waqti hore, ”ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Tijaabada baaritaanka cudurka COVID-19 waa mid muhiim ah, Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuna waxaa ka go'an inay taageeraan sheybaarka qaranka," ayuu raaciyay. “Horumarka lagu kobcinayo awoodda Soomaaliya ee la-dagaallanka aafada COVID-19 waxay muujineysaa waxyaabaha la gaari karo marka khubarada heer qaran iyo kuwa caalamiga ah ay si wada-jir ah u wada-shaqeeyaan.”

Booqashada maanta, oo uu ku weheliyey Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee QM (WHO) u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee QM waxaa goobta kusoo wareejiyay [soo kala tusiyay] Agaasimaha Sheybaarka Qaran, Dr. Sahra Ciise Maxamed, wuxuuna Wakiilku la sheekeystay shaqaalaha sheybaarka.

Markii uu COVID-19 kasoo if-baxay Soomaaliya, waxaa si dhaqso leh loo horumariyay Sheybaarka Qaran oo la gaarsiiyay heerka bed-qabka noolaha ee ku habboon, iyadoo WHO ay ku tabarucday qalabka jawaabta degdega ah bixiya ee lagu baaro dhacaanada hidde-sidaha, qalabkaas oo loo yaqaan (Polymerase Chain Reaction) si degdeg loogu awood-siiyo sheybaarka in uu baaritaano ku sameeyo muunadaha COVID-19. Tijaabada muunadaha COVID-19 ee loo adeegsado qalabka sida degdega ah jawaabta usoo saaro ee (PRC) ayaa Hay’adda WHO waxay u aragtaa in uu yahay ‘hal-beeg dahabi ah.’

Kadib tababar ay siiyeen khubaro caalami ah, ayaa shaqaalaha Sheybaarka Qaran waxay baaritaanada Covid-19 u sameeyaan si iskood ah [isku filan].

Sheybaarka Qaran wuxuu billaabay baaritaanka muunadaha COVID-19 bishii Abriil, wuxuuna hadda baaritaan ku samayn karaa illaa 180 dhacaan/muunadood maalintii. Awoodda baaritaan/tijaabo ee hadda jirta waa la kordhin karaa oo waxaa la gaarsiin karaaa ilaa 360 muunadood maalintii, hadii loo baahdo.

Ku dhawaad ​​7,000 muunadood ayaa la tijaabiyay/baaray 

Laga soo billaabo 7dii Abriil ilaa 23kii Juun, Sheybaarka Qaran wuxuu tijaabiyay 6,572 muunadood oo ah COVID-19. Sheybaarka ayaa sidoo kale ah shaybaarka kaliya ee udub-dhexaadka ah ee loogu talagalay in lagu baaro muunadaha COVID-19 ee laga soo qaaday qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

WHO waxay ku deeqday hab-marka (protocol-ka) hubinta tayada gudaha iyo tababarro lagu qabtay khadka internetka si loo xaqiijiyo in tallaabooyinka hubinta halbeegga tayada sheybaarka ee gudaha Sheybaarka Qaranka loo raaco si toos ah. Hay’adda Caafimaadka ee QM waxay bixisay xirmooyin qalab baaritaan oo kufilan iyo agab kale oo lagu tijaabiyo muunadaha [oo la isticmaali karo] ilaa bisha Sebtember 2020, waxayna sidoo kale bixisay sahay kale.

WHO waxay sidoo kale gacan ka geysatay diyaarinta laba sheybaar oo kale oo ku shaqeeya qalabka jawaab-siinta degdega ah ee PRC, sheybaaradaas oo laga hirgeliyay Garowe iyo Hargeysa, waxayna Hay’addu bixineysaa taageero kale oo la mid ah noocyadaas, waxayna u bixinaysaa qaab ah qalab sheybaar iyo sahayda la adeegsado.

In kastoo sheybaarada hadda ay diiradda saaarayaan ka-jawaabidda COVID-19, Qaramada Midoobay waxay u aragtaa saddexdas shaybaar inay yihiin maalgashi la maal-geliyay mustaqbalka Soomaaliya.

“Sheybaarka Qaran iyo labada shaybaar ee kale ee leh awoodda baaritaanka ku salaysan habka PCR waxay awood u yeelan doonaan inay mustaqbalka si dhakhso leh u ogaadaan una tijaabiyaan cudurada kale ee faafa – oo ay kujiraan cudur-side kasta oo ugub ah, iyagoo aan u baahanin taageero ama kaalmo dibadeed. Tani waa maalgashi muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya, ”ayuu yiri Md. Swan.

Ka-sokow WHO, Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa taageero u fidiyay Sheybaarka Qaran, iyadoo sidoo kale ay taageero fidiyeen saaxiibada kale ee caalamka.