Isagoo booqasho ku jooga Garowe, ayuu Ergeyga QM wuxuu soo dhoweeyay horumarka wuxuuna ku dhiiri-geliyay dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaran

27 Oct 2019

Isagoo booqasho ku jooga Garowe, ayuu Ergeyga QM wuxuu soo dhoweeyay horumarka wuxuuna ku dhiiri-geliyay dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaran

WAR-SAXAAFADEED 23/2019

Muqdisho – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaablisan Soomaaliya ayaa maanta wuxuu Garowe, magaalo madaxda dowlad goboleedka Puntland, kula kulmay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, kulankaas oo qayb ka ah hawlaha wada-shaqaynta joogtada ah ee [Ergeygu] uu la leeyahay madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

“Booqashada maanta waxay ii ahayd fursad kale oo soo dhoweyn ah oo aan si toos ah uga dhageystay hogaanka Puntland horumarka socdo ee ku aaddan ajendeheeda himilada xambaarsan”, ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabisan Soomaaliya, James Swan.

 Md. Swan ayaa ugu hambalyeeyay madaxda Puntland shirweynihii maalgashiga ee dhowaan guusha kusoo idlaaday iyo duulimaadyada ay billowday Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya oo ay ku tegeyso Garowe, isagoo hoosta ka xariiqay in horumarradaas ay calaamado wanaagsan u yihiin dib-usoo-nooleynta dhaqaale ee Puntland. Madaxweyne Deni iyo hawl-wadeenadiisu waxay sidoo kale faah-faahiyeen diyaarinta ay diyaarinayaan Qorshaha Horumarinta Puntland iyo hawsha uu hayo Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (GKDP).  

“Kuwani waa tusaalooyin dhab ah oo muujinaya sida ay Puntland uga go’antahay [wax ka qabashada] horumarinta dhaqaale iyo dhaqan, iyo demoqoraadiyaynta, waana wax aan bogaadinayno,” ayuu yiri Md. Swan. 

Isagoo ka hadlaya arrimaha qaran, ayuu Wakiilka Gaarka ah ee QM wuxuu ku dhiiri-geliyay dhamaan dadka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii is-afgarad wadar-ogol ah looga gaari lahaa arrimaha aadka muhiimka u ah, sida dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, abaabulka doorashooyinka baarlamaanka qaran, xaqiijinta cafinta deynta, iyo horumarinta guulaha laga gaaray [dagaalka] ka dhanka ah Al-Shabaab.  Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah dib loogu billaabo wadashaqaynta ka dhexeyso Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

“Dadka Puntland waxaa si dhab ah ugu weyn horumarka ay gaareen 21kii sano ee lasoo dhaafay, lagasoo billaabo markii ay sameysteen dastuurkooda, ayna tahay tii ugu horreysay Dowlad Goboleedyada," ayuu yiri Md. Swan. "Waxaan ku kalsoonahay, inta uu talada hayo Madaxweyne Siciid Deni, in Puntland ay dowr wax dhisa ka cayaari karto horumarinta hawlaha hortabinta u leh qaranka."