Iyadoo ay gabagabo tahay 16ka maalmood ee u hawlgelidda la dagaallanka xadgudubka ku salaysan jinsiga, ayaa Bahda QM ee Soomaaliya waxay muujisay baahida loo qabo in la sii wado hawlaha

9 Dec 2020

Iyadoo ay gabagabo tahay 16ka maalmood ee u hawlgelidda la dagaallanka xadgudubka ku salaysan jinsiga, ayaa Bahda QM ee Soomaaliya waxay muujisay baahida loo qabo in la sii wado hawlaha

Muqdisho – Iyadoo Soomaaliya gudeheeda lagusoo gabagabeeyay ololaha sanadlaha ah ee 16ka maalmood ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga (GBV), ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka wuxuu  muujiyey baahida loo qabo in lasii wado dadaalada lagu ciribtirayo rabshadaha/xadgudubyada noocaas ah iyo in adeegyada ku wajahan GBV ay noqdaan kuwo si fudud ay ku heli karaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

"Tan iyo markii uu dillaacay COVID-19, xogta iyo warbixinada ay soo baxaysa ee ay soo tebinayaan hawlwadeenada safka hore ayaa muujinaya in dhamaan noocyada tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan rabshadaha ka dhaca qoysaska dhexdooda, ay sii xoogeysteen Soomaaliyana kama badbaadin aafadan,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

“Ka-sokow horumar kasta oo laga gaaray wax-ka-qabashada cudurka saf-mareenka ah, wax badan ayaa u baahan in wax laga qabto si hortabinta loo siiyo wax-ka-qabashada rabshadaha ka dhanka ah haweenka inta lagu guda jiro dadaallada ka-fal-celinta iyo kasoo kabashada COVID-19, tanina waxaa ka mid ah maalgelin lagu buuxinayo waxyaabaha ka dhiman adeegga iyo kor-u-qaadista wacyiga iyo xaqiijinta isla-xisaabtanka," ayuu raaciyay”

Dunida oo dhan, kiisaska COVID-19 ayaa ciriiri geliyay adeegyadii caafimaad iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah caawinta dadka kasoo badbaada GBV, sida gabbaad-siinta iyo lambaro la woco marka ay dhacaan rabshadaha ka dhex-dhaca qoysaska,  ayaa gaaray halki ugu sareysay. Xogta ayaa muujineysa in 243 milyan oo haween iyo gabdho ah ay la kulmeen xadgudub uga yimimd lamaane sokeeye u ah ama xubin qoysaskooda ka tirsan sanadkii la soo dhaafay, iyadoo tiradan laga yaabaa inay kororto inta lagu gudajiro ka-fal-celinta cudurka safmarka ah.

Soomaaliya Gudeheeda, xogta laga helayo Nidaamka Maareynta Macluumaadka GBV waxay muujineysaa inay kordheen kiisaska GBV inta lagu jiray la-tacaalidda COVID-19. Gaar ahaan, haweenka iyo gabdhaha laxaadkoodu dhimanyahay ah waxay u baahan yihiin in mudnaan gaar ah la siiyo maadaama ay halis weyn ugu jiraan inay la kulmaan takoor, dhiig-miirasho iyo tacadiyo.

Ololaha sanadlaha ah, oo bilaabmay 25-kii Nofeembar, oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna socdaa ilaa 10ka Disember, oo iyadana ku beegan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Halkudhigga dabaal-degga sanadkan waa ‘Diraac ka dhig Dunida: Maal-geli, Ka-fal-celi, Ka-hortag, oo soo Ururi!’

Muddada 16-ka maalmood ah, hay'adaha QM ee Soomaaliya waxay la shaqeynayeen dowladda iyo bulshada rayidka ah si loo muujiyo baahida loo qabo in la cirib-tiro GBV iyo in la xaqiijiyo adeegyada lagama maarmaanka u ah dadka kasoo badbaada rabshadaha inta ay jiro dhibaatada COVID-19. Hawlaha waxaa ka mid ah ololeyaal wacyigelin, doodo dadweyne iyo aqoon isweydaarsiyo, wada hadallo kooxeed, iyo u doodid la xiriirta sharci dejinta xadgudubyada jinsiga.