Iyadoo ay lix bilood kasoo wareegtay ka-jawaabiddii Covid-19, Qaramada Midoobay waxay amaan u jeedinaysaa shaqaalaha caafimaad ee Soomaaliya

15 Sep 2020

Iyadoo ay lix bilood kasoo wareegtay ka-jawaabiddii Covid-19, Qaramada Midoobay waxay amaan u jeedinaysaa shaqaalaha caafimaad ee Soomaaliya

Muqdisho – Iyadoo Soomaaliya ay guul ka gaartay lixdii-bilood tan iyo markii dalka looga dhawaaqay kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay ee cudurka coronavirus (COVID-19), bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta amaan u jeedisay shaqaalaha badan caafimaadka ee sida hagar la’aanta ah uga shaqeeyay ka-hortaga faafitaanka caabuqa COVID-19 isla markaana taakuleyn u fidiyay dadka uu haleelay cudurka.

“Dadaalka ay shaqaalaha caafimaadka ee Soomaalidu ku bixiyeen xakamaynta cudurka saf-mareenka ah iyo u-gargaarida dadka uu soo ritay ayaa si dhab ah u badbaadiyay nolosha dadka. Hawshan geesinimada leh waxay caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay uguna heellanyihiin [wax u qabashada dadka], iyagoo badanaa ku shaqeeya duruufo aad u adag,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxay gaareen guulahaas lagu badbaadiyay nolosha dadka iyadoo nidaamka caafimaad ee Soomaaliya uu yahay mid jilicsan – taas oo ka dhalatay soddon sano oo colaado ah, xasarado daba-dheeraaday iyo xaalado bani’aadanimo oo degdeg ah oo soo noqnoqday. Natiijooyinku waxay muujinayaan adkeysigooda iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha Soomaaliyeed iyo wada-hawlgalayaasha qaran iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu raaciyay.

Iyadoo lala shaqaynayo wada-hawlgalayaasha qaran iyo kuwa caalamiga ahba, ayaa bahda Qaramada Midoobay – oo ay hor-kacayso Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee QM – waxay billaabeen inay xoojiyaan taageeradooda xitaa ka-hor intii aan lagu dhawaaqin kiiskii ugu horreeyay ee cudurka dilaaga ah 16kii Maarso. Bishii Febraayo, ayaa Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxay billowday la-shaqaynta hay’adaha Soomaaliyeed si loogu diyaargaroobo ka-hortagga iyo in waqti hore la ogaado kiisaska soo gala dalka, iyo maareynta kiisaska laga shakiyo iyo kuwa la xaqiijiyo ee bulshada dhexdeeda ah.

Markaa wixii ka dambeeyay, Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda waxay Soomaaliya ka caawiyeen in 73 kooxood oo ka shaqeeya fal-celinta degdega ah, oo ay ku jiraan in ka badan 3,300 shaqaalaha caafimaadka bulshada la geeyo 49 degmo oo dalka oo dhan ah, si ay uga shaqeeyaan hawlaha ogaanshaha kiisaska ka-hor inta aanay sii gudbin, iyo raadraaca dadka xiriirka la samameeyay bukaanada. Shaqaalahan caafimaad ee safka hore uga jira hawsha waxay booqdeen in kabadan 1.5 milyan oo qoys lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyagoo waxqabad gaarsiiyay ku dhowaad lix milyan oo qof – hawshaas oo si weyn gacan uga geysatay yareynta isu-gudbinta iyo hoos-u-dhigidda faafitaanka fayraska.

Wadashaqeynta Qaramada Midoobey iyo hey'adaha caafimaadka qaranka ayaa sidoo kale horseedday in dalka oo dhan laga hirgeliyo 18 xarumood oo dadka lagu gaar-yeelo, xarumahaas oo lagu qalabeeyay hawo-siiyeyaal, qalabka ribnaaniya/ururiya ogsijiinka, sariiraha qaybta daryeelka degdega ah iyo agab kale; wadashaqayntu waxaa kale oo ay horseedday in dhacaanada/muunadaha iyo qaybaha qalabka loo kala daabulo dalka oo dhan; iyo in la qabto ololaha caafimaadka bulshada si kor loogu qaado wacyi-gelinta ku aaddan  COVID-19.

“Lixdii bilood ee la soo dhaafay, dhacdadan aan horay loo arag waxay u baahatay ka-jawaabid aan aan horay loo arag – ka-jawaabid isku dhafan, isku-dubaridan oo waqtigeeda ku hirgasho. Taas way dhacday, haddana iyagoo isku duuban oo mid ah (One UN), ayay hay’adaha QM ee ka hawlgala Soomaaliya waxay sii wadi doonaan taageerada hawlaha ay hogaankooda leedahay Soomaaliya si loogu adeego loona badbaadiyo dadka ugu nugul [bulshada] looguna caawiyo nidaamyada caafimaad inay si wanaagsan oo xooggan ugasoo kabtaan dhibaatada,” ayuu yiri  Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaya-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale ah Xiriiriyaha QM iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada u qaabilsan dalka.

Isla mar ahaantaa, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay guulo laga gaaray xakamaynta cudurka saf-mareenka ah ee ka jira Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay waxay muujisay in ka-jawaabidda ku aaddan COVID-19 aanay weli dhamaanin.

Waxaan jeclaan lahaa in aan qof kasta xusuusiyo in weli ay na sugayso waddo dheer. In kasta oo tirada kiisaska ee heer qaran ay u muuqdaan kuwo hoos u-dhac uu ku yimid, haddana waa in aan gaarno bulshooyin badan iyo dad nugul – waxaan aad ugu boorinayaa bulshada Soomaaliyeed inay qaybtooda ka qaataan oo ay taxaddaraan si looga fogaado caabuqa COVID-19,” ayuu yiri Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik. “ Bahda deeq-bixiyeyaasheenna, si kal iyo laab ah ayaan ugaga mahad-celinayaa taageerada ay bixiyeen. Si kastaba ha ahaatee, hawshu weli ma dhamaanin; waxaa weli u baahannahay in aan xoojinno nidaamka caafimaadka bulshada oo lagasoo dhiso heerarka hoose iyadoo kor loogusoo qaadayo heerarka sare si dib-u-dhis wanaagsan loogu sameeyo Soomaaliya.

 

Wixii warar dheeraad ah fadlan kala xidhiidh:

WHO | Fouzia Bano | banof@who.int | +252 619 235 888 __ UNSOM | Ari Gaitanis | gaitanis@un.org | +252 619 988 211