Iyadoo booqasho ku joogta Muqdisho, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay dhiirrigelisay horumar waara oo laga gaaro ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo weliba doorashooyinka soo socda oo si nabad ah ku dhaca

12 Sep 2021

Iyadoo booqasho ku joogta Muqdisho, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay dhiirrigelisay horumar waara oo laga gaaro ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo weliba doorashooyinka soo socda oo si nabad ah ku dhaca

Muqdisho – Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagtay Soomaaliya iyadoo is-barbartaagtay baaqyada ka imaanaya haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan in si buuxda oo siman looga wada qeybgalo siyaasadda, waxayna tibaaxday taageerada ay beesha caalamka u hayso doorashooyin waqtigooda ku qabsooma, loo wada dhanyahay, si nabadgelyo ah ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay si gaar ah u xustay in doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalku gelayo ay yihiin fursad lagu dul dhisi karo horumarka laga sameeyay ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda iyadoo carrabka ku adkaysay in haweenka oo si buuxda uga qeybgala dhammaan qeybaha bulshada ay kaalin ka ciyaari karto adkeysi baaxad leh, nabad iyo xasoillooni.

“Soomaaliya waxay guul ka gaartay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee 2016/17 iyadoo boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka ay haweenku buuxiyeen, waxa aan rajeynayaa in dalku ku dul dhisi doono arrintan iyada oo weliba intaa laga sii ballaarinayo ka qeybgalka haweenka-in la xaqiijiyo in la gaaro qoondada 30 boqolkiiba ayaa waxay noqoneysaa tallaabada ugu horeysa oo muhimka ah oo horseedi karta metelaad buuxda iyo bulsho loo wada dhanyahay. Miraha nabadda lama guran karo haweenka la’aantood,” ayay tiri Marwo Aamina Maxamed.

Intii ay joogtay magaalada Muqdisho, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay la kulantay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’. Waxay sidoo kale la kulantay Ra’sal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Wada-Tashiga Qaranka, kaasoo ay xubno ka yihiin hoggaamiyayaasha Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka, una xilsaaran inay si guud u hagaan doorashooyinka.

“Ra’isal Wasaare Rooble iyo xubnaha kale ee Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxa ay muujiyeen hoggaamin weyn iyo ka go’naansho ay ku horumarinayaan ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, taasoo loo marayo tallaabooyin gaar ah ay ka mid yihiin dhimista lacagaha musharaxnimada ee labada gole, iyo in la magacaabo danjireyaasha niyad wanaagga, iyo dad horyaal ah oo u ololeeya ka qeybgal intii hore ka weyn. Waxaa kale oo muhim ah in la isku raaco hannaan gaar ah oo ku saabsan sida saxda ah ee go’aanka qoondada boqoliiba 30ka ah loogu xaqiijin karo doorashooyinka soo socda,” ayay tiri Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Marwo Aamina waxay sidoo kale la kulantay odayaasha Soomaaliyeed iyo weliba hoggaamiyayaasha haweenka iyo dad u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ka kala socday qebo kala duwan - oo ay ka mid yihiin guddiyada maamulaya doorashooyinka, danjireyaasha niyad wanaagga, dad horyaal ah iyo hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah-waxayna tibaaxday is-barbartaaggeeda dadaalladooda lagu keenayo ka qeybgal intii hore ka ballaaran oo haweenku ka qeybgalaan xeyndaabka siyaasadeed ee dalka iyo weliba dhaqaalaha. Waxay xustay walaaca la xiriira xaaladda guud ee haweenka Soomaaliyeed ku suganyihiin, oo ay ku jirto heerka rabshadaha iyo amaan-darida ay haweenka waajahaan iyo weliba sida ay arrintani saameynta ugu leedahay ka qeybgalkooda siyaasadda.

“Haweenku waa inay awoodaan inay ka qaybgalaan doorashooyinka iyagoo aan ka baqayn rabshado, cagajuglayn iyo takoorid,” ayay tiri Marwo Aamina. “Laakiin taasi waxaa la mid ah inay sidoo kale noloshooda si caadi ah u wadan karaan, haddi ay tahay waxbarashada ganacsiga ama nolosha bulshada.”

Mar wax laga weydiiyay kiiska gabadha sarkaaladda dowladda, Ikraan Tahliil Faarax, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay sheegtay sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaaladda ay muhiim u yihiin ka hortagga rabshadaha waana xuquuqda haweenka oo dhan.

Doorashooyinka iyo xiisadihii siyaasaded ee dhowaanta kacsanaa ayay ka tiri, “Soomaaliya waxay sameysay xawaare la xiriira geeddi-socodka doorashada, waxaana i dhiirrigeliyay inaan ka maqlo dhammaan dadkii aan la kulmay sida ay uga go’antahay in xawaarahani la sii joogteeyo iyo in doorashooyinka muhiimka ah ay hore ugu sii socdaan sidii loo qorsheeyay.  

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in khilaafka siyaasadeed aan loo oggolaan inuu khatar geliyo horumarraddii dalka laga sameeyay.

“Waxaan ku kalsoonahay in hoggaanka Soomaaliya ay qaboojin doonaan xiisad kasta ayna ka fogaan doonaan ficil kasta oo horseedi kara rabshad iyo dibudhac hor leh oo ku yimaada doorashada ama wiiqi kara kalsoonida lagu qabi karo,” ayay raacisay.

Haatan, Soomaaliya waxay qabaneysaa doorashooyinka Aqalka Sare, waxayna u diyaargaroobeysaa doorashooyinka Aqalka Hoosse, oo loo yaqaano Golaha Shacabka. Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamka ee Soomaaliya waxay si weyn ugu lug lahaayeen taageeridda dadaalada qaran ee lagu horumarinayo doorashooyinka dalka.

 

Xiriirka Warbaahinta

Xafiiska Afhayeenka Xoghayaha Guud

Daniella Gross de Almeida: daniela.grossdealmeida@un.org; +1 917 347 8366

Hawlgalka Kaalmeynta Qaraamada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

Ari Gaitanis: gaitanis@un.org; +252 699 988 015