Iyadoo Uu Bilaabanayo 16ka Maalmood Ee Ololaha Dhaqdhaqaaqa, QM waxay ku Baaqaysaa Horumar Dheeraad Ah Si Loo Soo Af-Jaro Xad-Gudubyada Ku Saleysan Jinsiga ee ka jira Soomaaliya

25 Nov 2023

Iyadoo Uu Bilaabanayo 16ka Maalmood Ee Ololaha Dhaqdhaqaaqa, QM waxay ku Baaqaysaa Horumar Dheeraad Ah Si Loo Soo Af-Jaro Xad-Gudubyada Ku Saleysan Jinsiga ee ka jira Soomaaliya

Muqdisho – Iyadoo la xusayo billowga 16-ka maalmood ee ololaha dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah ee ka dhanka ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in horumar dheeraad ah laga gaaro la dagaallanka masiibadan, iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood oo kala ah: ansixinta sharciga lagu xoojinayo in dhammaan dadka laga ilaaliyo xad-gudubyada ku salaysan jinsiga, taageero weyn oo loo fidiyo badbaadayaasha iyo la xisaabtanka kuwa geysta xad-gudubyada jinsiga ku salaysan.

"Sharciyada hadda jira ee ilaaliya dadka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, kuwaas oo ah kuwa ugu nugul xad-gudubyada galmada iyo jinsiga, waxay u baahan yihiin in wax laga beddelo si ay uga tarjumaan xaqiiqada hadda jirta, sida qeexida kufsiga oo ay tahay in la waafajiyo halbeegyada caalamiga ah,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

“Haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay nolol maalmeedkooda ku wataan si nabad ah oo ammaan ah, tallaabo muhiim ah oo horay loo qaadi karana waa in si degdeg ah loo ansixiyo sharci wax looga qabanayo dambiyada la xiriira xad-gudubyada jinsiga – Waxaa jirta baahi loo qabo in Soomaaliya ay maalgashato sharci xaqiijinaya in dadka dambiyadaas gala lagula xisaabtamo," ayay raacisay Mw. Laing.

Taageerada badbaadayaasha iyo la xisaabtanka, Qaramada Midoobay waxa ay kala shaqaynaysaa Dawladda sidii loo heli lahaa xarumo hal meel ah oo haweenka iyo gabdhuhu ay aadi karaan ka dib dhacdo xadgudub jinsi ah. Xarumahan, badbaadayaashu waxay ka helayaan taageero caafimaad iyo mid maskaxeed waxayna fursad u helayaan inay ku wargeliyaan dhacdooyinkan oo kale booliiska jawi nabad iyo ammaan ah.

Laga billaabo 25-ka Nofeembar, iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, ololaha sanadlaha ah ee 16-ka maalmood ayaa socon doona ilaa 10-ka Diseembar, Maalinta Xuquuqul Insaanka. Waxay ujeedadeedu tahay in la kordhiyo wacyi gelinta, dhiirigelinta dadaallada u qareemidda iyo wadaagista aqoonta iyo hal-abuurka si loo joojiyo xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka.

Hal-ku-dhigga ololaha sanadkan - "Maalgelinta si looga Hortago Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha" - wuxuu diiradda saarayaa baahida loo qabo in la maalgeliyo xeelado ka hortag ah oo kala duwan si loo joojiyo xadgudubayda ka hor intaysan dhicin. Talaabada ugu muhiimsan ee looga hortagayo xadgudubyada ku saleysan jinsiga waa in la maalgeliyo sharci u abuuri doona haweenka iyo gabdhaha jawi ammaan ah.

Muddada 16-ka maalmood ah, QM ee Soomaaliya waxay la shaqeyn doontaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dhiggeeda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo bulshada rayidka ah si loo muujiyo baahida loo qabo soo af-jaridda xad-gudubyada ku saleysan jinsiga iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo baahida loo qabo in la dardargeliyo hannaanka sharci-dejinta si loo dejiyo sharciyada lagu ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay taageerto haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed si ay u gaaraan awooddooda oo buuxda oo ay ugu noolaadaan nolol xor ka ah dhammaan noocyada xad-gudubyada kala duwan.