Jaalayaasha Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan odayaasha Goboladda Dhexe si nabad loogu soo dabaalo colaada Guricel

24 Feb 2015

Jaalayaasha Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan odayaasha Goboladda Dhexe si nabad loogu soo dabaalo colaada Guricel

Muqdisho – Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Uruka Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Dowladda Ingriiska, iyo dowladda Maraykanka ayaa si wada jir ah u soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan Odayaasha iyo Ganacsatada Gobolaada Dhexe ee Soomaaliya si ay nabadi ugu xaliyaan shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaaladda Guricel. Sidoo kale, Jaalayaashu, waxay dareen kamuujiyeen dhibaatada baniaadinimo ee ka dhalanaysay collaada iyo dadka ku dhimanayaba. Waxayna oogu baaqeen dhammaan dhinacyadda ay arrintu khusayso in ay ka joogsadaan colaada.

Waxay yiraahdeen: “waxaan ka dhursugaynaa soo gunaanadka Shirka Dib-uheshiisiineed ee qiimaha badan ee Dhusamareb”, ayay yiraahdeen Jaalayaasha ka socda caalamka. Si doo kalena waxaan ka dhur sugaynaa in si dhakhso leh loo bilaabo Shirka Dhisida Dowlad Goboleedka kaas oo ka bilaabanayo magaalada Cadaado”, ayey yiraahdeen Jaalayaasha ka socda Caalamka. “ Ma- aha mid laqaadan karo dhibaatada aadka u way ee bani aadinimo ee ka dhalatay colaada; waxaan oogu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khusayso colaada in ay ka joogsadaan colaada, ayna sameeyaan dadaal wada jir ah oo lagu daminayo colaada, laguna xaliyo farqiyada/ kaladuwanaashaha jira si nabad iyo wada hadal ku dhisan. Waxaan muhiimad wayn siinaynaa sidii si dhakhso leh oo loo wada dhanyahay loogu bilaabi lahaa geedi socod loo wadda dhanyahay oo lagu dhisayo Maamul ku-meelgaar ah oo ay leeyihiin Goboladda Dhexe.