Kalimada Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan uu Siiyay Warbaahinta Galmudug

16 Jun 2021

Kalimada Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan uu Siiyay Warbaahinta Galmudug

Galab wanaagsan mudane madaxweyne iyo xubnaha saxaafada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo kooxdaada, waxaan idinka mahadcelinayaa soo dhawaynta diirran ee naloo sameeyay maanta.

Waxaa booqashada maanta ee magaalada Dhuusomareeb igu wehliya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, Kuxigeenka Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicole Miller, iyo Wakiilka IGAD Nuur Cabdi Ciise.

Sida aad la socotaan, markii uu dhammaaday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka  27-kii Maajo, hoggaamiyeyaasha Soomaalidu waxa ay gaareen heshiis qeexaya hababka lagu dhaqangelin karo Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Tani waa guul muhiim u ah geeddi-socodka wadatashiga ee ka billowday Dhuusamareeb bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Heshiiskii 27-kii Maajo waxa uu ka dhashay wada-shaqeyn wax ku ool ah oo dhex martay madaxda dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda Federaalka, iyadoo latashi laga yeeshay dhinacyada muhiimka ah ee siyaasadda. Waxa aan hadda ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalidu in ay sii wadaan dadaalkaan, isla markaana ay horey ugu sii wadaan diyaargarowga ku aadan qabsoomida doorashooyinka. Arrintaan, waxa aan ku boorrinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalidu in ay sii xoojiyaan kulammada joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka si hawshan horay loogu sii wado.

Intii aan ku jirnay kulanka Madaxweyne Kaariye, waxa aan ka wada hadalnay tallaabooyinka xiga ee lagu dhaqangelinayo war murtiyeedkii 27-kii May. Waxa aan sidoo kale, ka wada hadalnay muhiimada ay leedahay in la hubiyo in ay jirto hagaajinta amniga doorashada, waxaana soo dhowaynay dadaallada ciidamada amniga Soomaaliya ee la dagaallanka Al-Shabaab ee Galmudug, waa lagama maarmaan in maamulka Galmudug, ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanku ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd jawi nabdoon oo aamman ah.

Waxaan xoojinnay baahida loo qabo in la qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo hirgeliyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee doorashooyinka labada Aqal ee baarlamanka.

Inta uu kulanku socday, waxaan sidoo kale hoosta ka xariiqnay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta wadahadalka ee dhammaan heerarka kala duwan ee dawladda. Waxaan qirnay horumarka iyo caqabadaha labada ee dadaallada dib-u-heshiisiinta maxalliga ah, waxaana ku wargelinnay Madaxweynaha sida ay nooga go'an tahay la shaqaynta dawladda iyo dadka reer Galmudug si aan u dhisno horumarka laga sameeyay gobolka.

Mudane Madaxweyne, mar kale waxaan aad uga mahadcelinaynaa soo dhoweynta diirran. Waan sii wada shaqeyn doonnaa adiga iyo kooxdaada, waxa aan taageeri doonnaa dadaalkaaga si loo fududeeyo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo nabad ah inay ka dhacaan gudaha Soomaaliya.

Mahadsanidiin.