Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha, QM waxa ay ku baaqaysaa in Tacaddiyada Jinsiga laga ilaaliyo dhammaan Soomaalida

19 Jun 2023

Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha, QM waxa ay ku baaqaysaa in Tacaddiyada Jinsiga laga ilaaliyo dhammaan Soomaalida

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Jinsiga ee xilliga colaadaha, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in sare loo qaado ilaalinta sharciga  ee dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah xadgudubyada galmada.

“Abaarta ba’an ee saameysay Soomaaliya shantii sano ee ugu dambeysay oo ay weheliyaan colaadaha socda waxay haweenka iyo gabdhaha u nuglaadeen khataro badan oo la xiriira jinsiga – ansixinta sharciyada xoojinaya difaaca sharciga ah ee dhammaan bulshada, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha, lagana ilaaliyo xadgudubyada ku saleysan jinsiga waxay gacan ka geysan doontaa in isbeddel la sameeyo," ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Soomaaliya weli ma meel marin xeer lagu xoojinayo qaab-dhismeedka sharciga ah ee lagu dacweynayo xadgudubyada jinsiga ee la xilliyada colaadaha. Xeerarkan ayaa noqon doona tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xaqiijinta in dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xilliyada colaadaha ee Soomaaliya ay helaan caddaalad iyo in dambiilayaasha la maxkamadeeyo.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu wadey kobcinta awoodda saraakiisha dawladda ee ku aaddan xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee bini'aadannimada, iyo sidoo kale dabagalka iyo ka warbixinta xad-gudubyada xuquuqul aadanaha oo ay ka mid yihiin tacadiyada jinsiga la xiriira. Xafiiska QM wuxuu kaloo taageeray dadaallada qaran ee lagu hubinayo in xeerka xadgudubka jinsiga uu waafaqsan yahay waajibaadka sharciga caalamiga ah iyo ballanqaadyada ilaalinta carruurta iyo haweenka ee ay dowladda Soomaaliya qayb ka tahay.

Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha ayaa la xusaa 19-ka Juun ee sanad kasta, iyadoo taariikhdaa loogu asteeyay kadib markii Golaha Ammaanka uu meelmariyay qaraar xadgudubka jinsiga u aqoonsanaya in uu yahay hub la adeegsado xilliyada colaadaha oo khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Ujeedada xuska maalintan ayaa ah in la xasuusiyo caalamka mas'uuliyadda wadajirka ah ee ka hortagga iyo joojinta xadgudubyada jinsiga ee xilliyada colaadaha, iyo in la ilaaliyo sharafta iyo xuquuqda qof kasta.