Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha, QM waxay ku baaqeysaa in ilaalin intan ka ballaaran la siiyo shaqaalaha caafimaadka ee adeegyada muhiimka ah siiya dhibbanayaasha

19 Jun 2024

Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha, QM waxay ku baaqeysaa in ilaalin intan ka ballaaran la siiyo shaqaalaha caafimaadka ee adeegyada muhiimka ah siiya dhibbanayaasha

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada colaadaha, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in sare loo qaado ilaalinta xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha gargaarka bani'aadanimada ee adeegyada muhiimka ah siiya dhibbanayaasha tacaddiga jinsiga ee colaadaha la xiriira.

"Haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa weli loo geystaa noocyo badan oo tacaddiga jinsiga ah, gaar ahaan meelaha ay colaadaha iyo amni-darradu saameeyeen. Marka xirfadlayaasha caafimaadka ay awoodaan in ay ka hawlgalaan meelahaasi, waxay bixiyaan daryeel caafimaad oo aad loogu baahan yahay, badanaana halis geliya noloshooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah, James Swan.

“Sannadkan, 19-ka Juun, waxaan ammaan u soo jeedinayaa shaqaalaha caafimaadka ee caawiya dhibbanayaasha loo geysto kufsiga, iyo noocyada kale ee tacaddiga jinsiga, waxaanna ku baaqayaa in sare loo qaado ilaalinta dhammaan kuwa daryeelka muhiimka ah u fidiya kuwa u baahan," ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Swan.

Sida laga soo xigtay nidaamka il-ku-haynta xaaladaha Soomaaliya ee Hay'adda Caafimaadka Adduunka  (WHO), ugu yaraan toban shaqaale daryeel caafimaad ayaa ku dhaawacmey weerarro ay xoogag aan dowladda ahayn ku soo qaadeen xarumaha daryeelka caafimaadka intii u dhaxeysay 1-da Jannaayo 2023 iyo 31-ka Maajo 2024 – tiradaasi oo la aaminsan yahay in aad uga hooseyso tan dhabta ah.

Tan iyo sanadkii 2015-kii, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha ayaa sannad walba la xusaa 19-ka bisha Juun. Taariikhda waxaa lagu asteeyay markii Golaha Ammaanka uu meelmariyay qaraar xadgudubka jinsiga u aqoonsanaya in uu yahay hub dagaallada loo adeegsado oo khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah.