Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, QM waxay Soomaaliya ugu Hambalyaynaysaa Horumarkeeda

3 Dec 2023

Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, QM waxay Soomaaliya ugu Hambalyaynaysaa Horumarkeeda

Muqdisho – Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah (IDPD), Qaramada Midoobay waxay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururrada dadka naafada ah ku ammaantay horumarka ay ka sameeyeen kor u qaadidda xuquuqda iyo ka qaybgelinta dadka naafada ah.

“Waxaan Dowladda Federaalka, annagoo u mareyna Hay’adda Naafada Qaranka (NDA), ugu hambalyeyneynaa dhameystirka sahankii ugu horreeyey ee naafada Soomaaliya ee dalka oo dhan – tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday si loo muujiyo caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

"Kooxaha bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha naafada ayaa sidoo kale kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta, waana in taas loo aqoonsadaa," ayay raacisay Mw. Laing.

Iyadoo xusuusan guulahaas, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xustay inay weli jiraan caqabado, ayna lagama maarmaan tahay in dhammaan arrimahaas si wadajir ah loo wajaho, meeshana laga saaro dhammaan caqabadaha hortaagan ka-qaybgalka buuxa ee bulshada.

Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqeysay Hay’adda NDA iyo kooxaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo dhan si loogu doodo xuquuqda naafada iyo ka qaybgelinta.

Hal ku dhigga xuska sanadkan ayaa ah 'U midaysan falka samatabixinta iyo xaqiijinta Yoolalka Waara ee Horumarinta ee loo sameynayo, lala sameynayo and ayna sameynayaan dadka naafada ah.'

Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, oo la xuso sanad walba 3-da bisha Disembar, waxaa aasaasay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sannadkii 1992. Maalinta waxay ujeedadeedu tahay in kor loo qaado fahamka arrimaha dadka naafada ah iyo abaabulka taageeridda sharafta, xuquuqda iyo ladnaanta dadka naafada ah.