Michael Keating: Macluusha Soomaaliya waxay dhibaysa qof-walba

14 Apr 2016

Michael Keating: Macluusha Soomaaliya waxay dhibaysa qof-walba

Abaar daran oo shan sano ka hor hareysay Soomaaliya ayaa horseedday macluul salfatay nolosha dad gaaraya 260,000 oo qof. Daruurta abaartu mar kale ayey dul hoganeysaa Soomaaliya.

Waqtigan la joogo, waxaa jirta fursad looga gaashaaman karo saameynta abaarta, islamarkaana looga fogaan karo masiibo kale oo weyn. Kheyraadka loo baahan yahay in wax looga qabto dhibaatada jirta xaqiiqdii aad ayuu u yar yahay marka la barbar dhigo khasaaraha ka dhalan kara marka masiibo dhacdo – haddii laga cabir qaato nolosha, caafimaadka ama dhaqaalaha. Waxaan maraynaa marxalad kala gaddoon ah. Haddii ay abaartu sii socoto bishan, boqollaal kun oo qof ayaa khatar ugu jira in ay wax walba lumiyaan. Dadkaan intooda badan waxay nolol ahaan ugu tiirsan yihiin xoolo iyo dalagga beeraha oo cunto iyo lacagba ugu toorran. Haddii ay roobabku mar kale baaqdaanna, dadkan masiibo ayaa ku soo fool leh.

Marka laga yimaado cunto yarida ba’an, abaaraha oo sii socda waxay saameyn qallafsan ku yeelan karaan ammaanka guud ee dalka – waxay xoojineysaa kooxo diimeedka xag-jirka ah oo hadda gabbalkoodu sii dhacayo – waxay kale oo ay kordhinaysaa tirada dadka Yurub iyo meelo kale u tahriibaya.

Waxaa jirta cabsi dhab ah oo laga qabo in qaylo-dhaan kale oo gargaar deg-deg ah loogu raadinayo Soomaaliya ay qaylo-dhaantaasi ku dhacdo dhego aan maqlaynin. Dhibaatooyin is biirsaday oo ka furmay aagag ay ka mid yihiin Suuriya, Yemen, Libya, iyo badda Mediterranean-ka, ayaa laga yaabaa in ay weeciyaan kis yar oo Soomaaliya ku filan.

Todobaadkii la soo dhaafay, Qaramada Midoobey waxay ku dhawaaqday Dalab Gargaar Deg-deg ah si loogu daboolo kala go’ dhaqaale oo gaaraya 105 milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Tani waxay hay’adaha gargaarka u sahleysaa in ay lixda bilood ee soo socota kaalmo u fidiyaan dad ka badan 1 milyan oo qof oo ku tabaaleysan deegaannada Somaliland iyo Puntland – dadkaas oo u baahan hawlo noloshooda lugu samatabixinayo, si ay uga kaaftoomaan in ay xaraashaan xoolahooda iyo hantida kale ee dakhli ahaan ay ku tiirsanyihiin.

Jawaab wax-ku-ool ah oo beesha caalamku codsigaan ka bixiso waxay gacan ka geysaneysaa in la weeciyo dib u soo noqoshada dhacdooyinkii uur-ku-taallada lahaa ee 2011-kii.  Xilligaas, meelo badan oo macluushu saameysay waxaa ka talinayey ururka Al-Shabaab oo is hortaagey in gargaar la gaarsiiyo dadka tabaaleysan iyo barakacayaasha.

Nasiib wanaag, Al-shabaab raad muuqda kuma laha deegaannada iminka abaaurtu saameysay. Taasi waawar fiican. Laakiin khatar run ahi waxay ka jirtaa marka lugu hungoobo baaqan, taas oo dad badan u nugleyn doonta kooxaha xag-jirka ah, maadaama wadajirka bulshada ee wiiqmay uu horseedayo loollan ku saleysan kheyraadka biyaha gabaabsiga ah iyo dhulka bacrinka ah oo dhex mara beelaha kala duwan, sidaasna waxaa ku lumaya sumcadda dowladda lugu qabo.

Beelaha iyo maamullada abaartu saameysay, ayagoo tabartooda kooban ku tashanaya, ayey billaabeen dadaallo ay kaga jawaabayaan mashaqada. Puntland waxay bishii Jannaayo soo saartay baaq ay kaalmo ku weydiisaneyso.  Halka guddi loo dhisay gurmadka abaaraha Soomaaliland uu aruuriyey lacag 1 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ay gargaar gaarsiiyeen kumannaan qoys oo ku dhaqan dhulka miyiga ah ee abaaruhu ku dhufteen. Guddiga dowladdu u xilsaartay abaaruhu, wuxuu kale oo dadweynaha ku boorriyey in ay karaankooda ku biiriyaan qasnadda samafalka abaaraha.

Laakiin intaas ka badan ayaa loo baahan yahay si degdeg ah wax loogu qabto. Waxaa taageero looga baahan yahay qurba-joogta Soomaaliyeed ee dunida ku firirsan, kuwaas oo haddaba lacag ka badan 1 bilyan oo Doollar sannad walba xawilaad ahaan dalka ugu soo dira. Is-garab-taag dheeri ah oo ay jaalleyaashooda tabaaleysan u muujiyaanna waxay beesha caalamka xasuusineysaa, in ay caawinayaan dad karti leh, islamarkaana garowsan mudnaanta ay leedahay in la is kaalmeeyo. 

Mustaqbalka fog, waa in diiradda la saaraa sidii loogu gigsan lahaa, haddaanba la joojineyn, meertada qallafsan ee keeneysa dhibaatadan soo noq-noqotay. Asbaabaha meertada abaarta, waxaa kamid ah, isbeddelka cimilada, xaalufinta deegaanka, dhaqaale ku tiirsan jawiga cimilada aan fadhin, cunto yari, nafaqo xumo, iyo maalgashi la’aan dhanka shaqo abuurka ah. 

Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa barakacayaal lugu qiyaasay 1.1 milyan oo qof, kuwaas oo daruufo adag oo dhanka nolosha ah ay ku haystaan daafaha magaalooyinka dalka. Haddii lugu fashilmo yareynta saameynta abaarahu ku yeeshaan noloshada dadweynahana, waxaa sii badanaya tirada bulshada barakacayaasha ah, maadaama dad hor leh ay ka soo talaabayaan deegaannada miyiga ah. Waxaa kale oo sii kordhaya dadka rajo beel ku dhacay dartiis Soomaaliya isaga hayaama, taas oo culeys hor leh saareysa dalalka deriska ah, dhaqaalahoodu uusan xamili karin qaxooti ku soo jaba.

Sidaas darteed, sabasabeynta abaaraha waa in loo babac dhigaa, si looga jaf-jafto mid ka mid ah masiibooyinka soo noq-noqday, si haddii loo fiiriyana lamahuraanka ah ee aafeeyey Geeska Afrika. Casharro xanuun badan ayaa laga bartay; hadda waxaan faham intii hore ka fiican ka haysannaa waxa la qaban karo si loo adkeeyo karaanka beelaha iyo maamullada deegaanadu u leeyihiin in ay isku fillaadaan.

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno si loo yareeyo saameynta abaartu yeelan karto. Jawaab deeqsinimo leh oo laga bixiyo “Codsiga Gargaarka”, ee todobaadkan la jeediyey wuxuu horseedi karaa isbeddel loo aayo. Gaar ahaan xilli Soomaalidu isku dayeyso in ay meel iska dhigaan 25 sano oo dagaallo sokeeye ah, islamarkaana ay dhidibada u aasaan qaab-dhismeedka dowlad karti u leh wax ka qabashada ammaanka dalka; beesha caalamku waa in ay taageero la garab istaagaan Soomaaliya.