Ergeyga Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarki argagixiso ee ka dhacay Hotelka Naso Hablod ee Muqdisho iyo dilki Wasiiru Dowlaha Burci Xamza

26 Jun 2016

Ergeyga Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarki argagixiso ee ka dhacay Hotelka Naso Hablod ee Muqdisho iyo dilki Wasiiru Dowlaha Burci Xamza

 

WAR-SAXAAFADEED 16/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarki shalay lala beegsaday Hotel Naso Hablod oo ku yaal isgoyska mashquulka badan ee KM-4 ee Koonfurta Muqdisho, taas oo sida ay goobjoogayaashu ku warameen, ay ku dhinteen ugu yaraan 25 qofood, kuna dhaawacmeen dad intaas ka badan.

Mudane. Burci Maxamed Xamza, Wasiiru Dowlihi Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, wuxuu kamid ahaa dadki uu haleelay weerarka. “Waan ka naxay weerarkan naxariis darrada ah ee galaaftay nolosha dad badan. Geerida Wasiir Xamza waa mid aad loola tiiraanyoodo. Wuxuu si qiiro leh ugu ola-olayn jiray arrimaha deegaanka/bay’adda dabiiciga ah ee Soomaaliyeed wuxuuna ka dagaalami jiray xaalufinta deegaanka” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

Qof ismiidaamiyay ayaa baabuur walxaha qarxa saaranyihiin ku qarxiyay irridda laga soo galo hotelka, wax yar kahor xilligi afurka. Kuwi weerarka soo qaaday marki ay gudaha galeen ayay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furan dadki amrtida ahaa, taas oo sababtay kala yaac iyo burbur.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarki hotel Naso Hablod, hotelkaas oo ay inta badan adeegsadaan siyaasiyiin iyo dalxiisayaal. Dadki geeriyooday waxaa kamid ahaa marti, ilaaladi hotelka iyo dad waddada marayay oo joogay hoteelka agagaarihiisa.

Ergeyga Gaarka ah Keating wuxuu yiri dhacdadan waxay na xusuusinaysaa xeeladaha naflacaariga ah ee ay adeegsadaan mintidiinta xagjirka ah. “Falkan ugu dambeeyay ee waxashnimada leh wuxuu muujinayaa nacaybka Al-Shabaab u qabaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, tixgelin la’aantooda nolosha dadka Soomaaliyeed, iyo karti la’aantooda ku aaddan inay ka-qaybgalaan siyaasadda”.

Weerarku wuxuu dhacay saddex todobaad kadib marki fal weerar ah lala beegsaday Hotel Ambassador 1di Juun, halkaas oo 11 qofood ay ku dhinteen.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay. Waxaan u rajeynayaa dadki ku dhaawacmay inay si degdeg ah uga bogsadaan. Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeenuba waxaan sii xoojinaynaa dadaladeena aan ku taageerayno dadka Soomaaliyeed sidi ay ku heli lahaayeen nabad, amni iyo xasilooni”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

 

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xidhiidh Sarkaalka UNSOM u Qaabilsan Warbaahinta Joseph Contreras

Tel: + 254 41 350 8581 • Email: unsom-spokesperson@un.org