Madasha Iskaashi ee Heerka-Sare oo lagasoo saaray war-murtiyeed

20 Nov 2014

Madasha Iskaashi ee Heerka-Sare oo lagasoo saaray war-murtiyeed

Copenhagen – Madasha koowaad ee sanadlaha ah ee Iskaashiga Heerka Sare ee Wasaaradaha ayaa lagu qabtay Copenhagen 19-20 Noofembar,waxa wada guddoomiyey Mudane Xassan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramaada Midoobay, waxaana marti geliyey Dowladda Denamrk.

2. Konton iyo lix ergo ayaa isugu yimi in ay dib u eegaan horumarki la sameeyey lagasoo billaabo Shirweynihi Brussel ee Sebtembar 2013, halkaas oo lagu ansixiyey Heshiiski Xirmada Cusbaa ee Soomaaliya (New Deal Compact) waxa la qoonsaday caqabadaha lala kulmay 2014 iyo in la calameeyo waxyaabaha mudnaanta leh 2015.

3. Ansixinta Heshiiska Xirmada  Cusub (New Deal Somali Compact) wuxu calaamad u yahay marxalad xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Heshiiska Cusub wuxu isku xirayaa go’aanka Dowladda Federaalka ee ka shaqeynta xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya iyo go’aanka taageerada ee beesha calaamka.

4. Waxan soo dhaweyneynaa warbixinta Heshiiska Horumarka Xirmada Soomaaliya oo uu kamid yahay  warbixinta sanadlaha ah ee Qorshaha Gaarka Soomaaliland,oo ah tallaabada koowaad ee loo qaaday dhanka dabagalka iyo warbixinta ee fulinta Heshiiska Xirmada Soomaalioya. Waxan sii wadi doonaa adeegsiga mabaadii’da ka Qaybgalka Heshiiska Cusub ee dalalka jilicsan taasoo ku saleysan isla xisaabtan labo dhinac ah oo u dhexeeyo Hy’adaha Dowladda Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamiga ah ayaa aasaas u ah xaqiijinta habka horumarinta oo uu qaranka hoggaamninaya,qarankan uu leeyahay. Waxan ku dhiirigelineynaa Dowladda Federaalka in ay sii waddo dadaalada ay ku hawlgelineyso Xirmada Soomaaliya si waxtar leh loogu qaybgeliyo maamulada gobollada iyo maamul hoosaadayda.  

5.  Waxan xoojineynaa in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin natiijo la taaban karo iyo waxqabad ee heer deegaan ee Xirmada Soomaaliya.  Si tani loo taageero waxaa naga go’an hagaajinta hufnaanta Guddiyada shaqo ee PSG iyo qoondeynta dhaqaale oo la hoosgeynaya Yoolalka Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada si sare loogu qaado xoojinta isku xirka u dhexeeyo maamulka dhexe iyo kan deegaan, si sare loogu qaado horumar dheeri ah. Waxan aqoonsanahay in aasaasidda qaabdhismeedka maalgelinta Heshiiska Cusub horumar laga sameeyey, oo ay kamid tahay in loo maro aasaasidda in QM iyo Bangiga Adduunka uu maalulo maalgelinta iyo qulqulka gargaarka oo kordhay.Waxan sugeynaa in si deg deg ah loo aasaaso fursadaha maalgelinta ee dhiman, oo ay maamulayaan AFDB iyo IMF.

6.  Waxan qireynaa horumarada la taaban karo ee labada sano ee lasoo dhaafay ee geeddi socodka si loo helo Soomaaliya oo in badan xasilloon,ammaan iyo barwaaqo ah. Soomaaliya manta waxay taagan tahay marxalad xasaasi ah. Horumaradan iyo guud ahaan waddada togan ee Soomaaliya hayso waa in aan la lumin. Waxaan walaac ka muujineynaa xiisadda siyaasadeed ee hadda taagan. Waxan aqoonsannahay baahida in la so celiyo xasillooni siyaasadeed iyo in dib loo soo celiyo dardargelinta ka miradhalinta si deg deg ah.waxaa hadda la joogaa waqtigi siyaasad loo dhanyahay iyo midnimo ujeeddo leh dowladda dhexdeeda.Si hore loogu socdo, waxan hoggaamiyeyaasha Soomaaliga ugu baaqeynaa in ay midoobaan iyo in ay xaqiijiyaan xasilloonida oo aad muhiim u ah hirgelinta Aragtida 2016.

7. Waxan aqoonsannahay horumarka laga gaaray geeddi socodka dowlad dhiska. Gabagabeynta qaab dhismeed dowlad federal cusub ee 2015 wuxu udub dhexaad u yahay dadaaladeena lagu soo celinaya nabadda,xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxan ku dhiirigelineynaa daneeyeyaasha oo dhan in ay ka qayb qaataan dadaaladan iyo sido kale hindiseyaasha dib u heshiisiinta oo taageeri doono guulaha Aragtida 2016. Maamulada jira sida Puntland,Maamulka Ku Meel Gaarka Jubba,Galmudug iyo maamulada soo socdo waxay si dhaw ula hawlgeli doonaan hirgelinta Aragtida 2016. Waxan soo dhaweyneynaa horumarka ku wajahan sameynta maamul ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo bartamaha Soomaaliya.Waa bogaadineynaa dadaalada IGAD ay ku taageereyso dhismaha dowladda.

8. Waxan aqoonsannahay baahida in la iska ilaaliyo dib u dhac kale ee ku yimaada Aragtida 2016, waxa mar labaad naga go’an yoolka ah in la helo doorasho dimooqaraaddi ah,loo dhanyahay,sharci ah 2016.Si taa loo gaaro,dowladda waxay aasaaseysaa Madal Wadatashi ee ka dhexeysa Gobollada iyo in geeddi socodka dib u eegista dastuurka waajib tahay in la dhameeyo.Saaxibada caalamiga way taageeri doonaan oo ay kamid tahay xagga maaliyadda,qiimeynta hababka doorashada. Waxan soo dhaweyneynaa sameynta Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo waxan sugeynaa magacaabista xubnaha Guddiga Kormeerka, Waxan ku boorrineynaa in si deg deg ah loo sameeyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo sidoo kale Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka. Waxan soo dhaweyneynaa go’aanka jadwalka sharciga oo mar hore lagu heshiiyey iyo waxan ku boorrineynaa in la meel mariyo sharciga muhiimka ee kalfadhiga hadda jira.

9. Waxan bogaadineynaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo AMISOM ololohooda guuleystay ee lagaga hortagaya Al-Shabaab oo uu kamid yahay hawlgallada Gorgor iyo Badweynta Hindiya.

10. Waxaa naga go’an hirgelinta ballanqaadyadi la sameeyey ee Munaasabaddi Amniga ee London, oo ay kamid tahay isku darka ciidamada deegaanada iyo diyaarinta Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, kaa oo ku saleysan ballanqaad isla xisaabtan labi dhinac ah ee dhamaadka Janaayo 2015. Dowladda Federaalka waxay kor u qaadeysaa u hoggaansanaanta Qaraarka Golaha Ammaanka QM tirsigiisu yahay 2182(2014)

11.  Waxan ognahay tallaabooyinka la qaaday ee lagu xoojinaya in la xirfadeeyo Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ay kamid tahay horumarka dib u habeynta iyo taageeridda ciidanka Booliska, tababarka, darajo siinta, diyaarinta habka edbinta.Waxan soo dhaweyneynaa in la keeno saraakiil boolis ah aagagga dhawaan la qabtay iyo waxan ku boorrineynaa Dowladda Federaalka in ay sii waddo si habeysan iyo in ay ku dadaasho so loo helo maalgelin lagu taageero shaqaalaheeda.

12. Waxan soo dhaweyneynaa horumarka yareynta burcad badeedda laakin halista waa mid sii jirta. Waxan ku dhiirigelineynaa Dowladda Federaalka in ay soo saarto Istaraatijiyaddeeda Amniga Badda

13. Waxan soo dhaweyneynaa horumarka sarreynta sharciga iyadoo loo maraya aasaasidda Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Unugga Hirgelinta Wadajirka ah. Waxan bogaadineynaa daneeyeyaasha Soomaaliyeed in ay ka hawlgalaan barnaamijka waxyaabaha mudnaanta u leh sarreynta sharciga iyo qorshaha hirgelinta, kaa oo waddada u xaaray in wax laga qabto maalgelinta hooseysa ee qaybtan.

14. Waxan ugu hambalyeyneynaa dowladda horumarka lagu hagaajinaya Maareynta Maaliyadda Dowladda ee Soomaaliya oo ay kamid tahay uruurinta dakhliga oo sare u kacay,xoojinta siyaasadda miisaaniyadda,xakameynta lacag bixinta, oo hoos imaaneysa nidaamka Maareynta Macluumaadka Maaliyadda iyo waxan ku boorineynaa Guddiga in ay sii xoojiyaan shaqadiisa kormeerka wax soo iibsiga dowladda, ruqsadaha iyo dib usoo celinta hantida qaranka ee Soomaaliya laba sano gudohood iyo in aad loogu dhiirigeliyo Dowladda Federaalka in a yfuliso talo bixintooda. Waxan carrabka ku adkeyneynaa baahida in si deg deg ah loo meel mariyo sharciga muhiimka ah iyo in la xoojiyo awoodda Xafiiska madaxa bannaan ee Hanti Dhawraha Guud iyo shaqada kormeerka ee Xisaabiyaha Guud.

15.  Waxan soo dhaweyneynaa rabitaanka Dowladda Soomaaliya ee ah xoojinta daah-furnaanta,isku-duwidda iyo isku toosinta gargaarka caalamiga,iyada oo sare loo qaadaya qaybta dhaqaalaha dibadda laga helo ayadoo la adeegsanaya qaabdhismeedka miisaaniyadda qaranka. Waxan soo dhaweyneynaa “qorshe hawleedka ku meel gaarka ah ku wajahan adeegsiga nidaamka dalka ee PFM” iyo waxan aragnay tan hadda la aasaasay ee fursadaha qaranka ee Xarunta Horumarinta iyo Dib u Dhiska Soomaaliya.

16. Waxan dhiirigelineynaa dib u hawlgelinta Hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga ah ee Soomaaliya joogo, oo waddada u xaaraya deyn cafinta, iyadoo loo maraya qaabdhismeeedka dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeeyahay. Waaxan sugeynaa barnaamijka kormeerka shaqaalaha ee Hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) ee 2015.

17. Tallaabooyin waxtar leh oo lagula dagaalamay musuqa laguna horumarinayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka waxay sido kale muhiim u tahay xoojinta sharciyadda dowladda. Waxan bogaadineynaa go’aanka Dowladda  Federaalka in la dardargeliyo assaasidda Guddi Madaxa Bannaan ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo hawlgelin hufan ee nidaamka garsoorka.

18. Waxan aqoonsannahay muhiimadda in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha oo aasaas u ah dib usoo kaabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. Waxan aragnay shaqo in ay socoto si loo dhameeyo qiimeynta kaabayaasha dhaqaalah ee qaranka,waxaanna ugu baaqeynaa shir calaami ah oo ay ka go’an tahay in uu soo bandhigo mudnaanta kaabayaasha dhaqaalaha ee la isla aqoonsaday iyo mashaaricda horaanti 2015.

19. Waxan aad uga xunnahay xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirto Soomaaliya, guulaha jilicsan ee la gaaray tan iyo macaluulishi 2011 ayaa sii lumaya. Waxan aragnay abaarta daba dheeratay, fataahadaha xilliyada.dagaalada sii socdo iyo barakaca waxay sababeen cunto la’aan aad u weyn iyo heerka nafaqa darrada oo sare u kacay.Waxan aqoonsannay in deg deg loo meel mariyo sidii loo gaari laha si ammaan iyo caqabad la’aan ah dhamaan goobaha Soomaaliya,si gaar ahna aagagga cusub ee la qabtay,iyada oo si buuxda loo xushmeynaya sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimo iyo mabaadii’da. Waxan aqoonsannahay muhiimadda dhismaha adkeysiga iyada oo loo maraya isku xirka wanaagsan ee ka dhexeeyo barnaamijyada gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaraya xalka waara.

20. Ilaalinta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanah oo ya kamid tahay in la meel mariyo tallaabooyin lagaga hortagay rabshadaha ka dhanka ah haweenka waxay aad muhiim u tahay aaminaadda lagu qabi karo Dowladda Federaalka iyo dhismaha iyo sii wadidda kalsoonida bulshada. Waxan soo dhaweyneynaa horumarinta qaabdhismeedka sharciga iyo siyaasadda sare loogu qaadaya xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta haweenka iyo carruurta ee ku jiro colaadda iyo xaqiijinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, iyo dhiirigelinta in la horumariyo iyo hirgelinta qorshe hawleed iyo sidoo kale in si deg deg ah loo aasaaso Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda aadanaha.  Waxan soo dhaweyneynaa ballanqaadka ay sameysay Dowladda Federaalka  ee ku jiray 2011 Dib u Eegista Xilliyo Kooban ee laga horjeediyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaraamada Midoobay.

21. Waxan aqoonsannahay kaalinta muhiimka ah ee haweenka ee noolasha bulshada,dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya. Waxan soo dhaweyneynaa tallaabooyinka lagu heshiyey ee xafladda oo ku saabsan ka qayb qalka haweenka ee geeddi socodka siyaasadda,sare u qaadidda doorka haweenka ee geeddi socodka nabadda iyo isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya.

22. Waxan aqoonsannahay muhiimadda in laga jawaabo baahida dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waxan soo dhaweyneynaa gabgabeynta deg deg ah ee siyaasadda qaranka ee dhalinyarada.
23.  Waxaa naga go’an dib u eegista horumarka qaybaha siyaasadda iyo amniga muddo lix bilood gudahood.

24. Gaagabadii, waxan ugu mahadcelineynaa ka qaybgalayaasha ka qaybgalkooda wax dhisaya; waxan la isla meel dhigay aasaaska Soomaaliya Federaal ah oo leh gobannimo,amni, dimooqaraaddi,mideysan oo nabad kula nool iyada dhexdeeda iyo adduunka taasoo faa’iido u ah dadkeeda. Anaga oo ka duuleyno aasaasyadan waa in aan hadda sare u qaadnaa tiirarka xasilloonida, aminga, sinnaanta iyo barwaaqada.