Madaxda Maamulka Ku Meelgaarka ee Koonfur Galbeed oo aragtidooda la wadaagay Beesha Caalamka

14 Feb 2016

Madaxda Maamulka Ku Meelgaarka ee Koonfur Galbeed oo aragtidooda la wadaagay Beesha Caalamka

Baydhabo, 14 Febraayo 2016 Danjirayaal iyo wakiillo ka kala socda beesha caalamka  – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda – oo uu hogaaminayay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa gelinki hore ee maanta booqasho ku tegay Baydhabo. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa wakiil ka ahaa Xoghaynta Joogtada ah

Waxaa lagu marti geliyay si ay u dhageystaan fikradaha laga qabo go’aanki ay Dowladda Federaalka ah ka gaartay nooca doorasho ee 2016, qorshaha lagu hirgelinayo, iyo hindisaha khariidadda loo marayo 2020 taas oo horseedi doonta doorashooyin ‘qof iyo codkiisa ah’. Waxay la kulmeen Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed, madaxda bulshada rayidka ah oo ay kamid yihiin haweenka iyo odeydhaqameedyada.

Wakiillada Koonfur Galbeed waxay muujiyeen taageeradooda ku aaddan nooca doorasho ee la adeegsan doono dabayaaqada sanadkan, gaar ahaan sii jiritaanka habka ‘4.5’ ee lagu soo xulayo xubnaha Aqalka Hoose. Waxay walaac ka muujiyeen Aqalka Sare laakiin waxay Dowladda Federaalka ku raaceen go’aankeeda iyagoo u danaynaya nabadda, midnimada iyo maslaxadda qaranka. Waxay taageero u muujiyeen in loo gudbo doorasho dadweye marka la gaaro 2020, haddiiba wax laga qabto arrimaha ugu waawayn, oo ay kamid yihiin amaanka iyo matalaad ku timaada ay cadaalad ku dheehantahay.

“Booqashadani aad ayay muhiim u ahayd,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Caqabadda haatan haysata dadka Soomaaliyeed waa hirgelinta nooca doorasho ee sanadkan, iyo sahminta tubta loo marayo 2020”.

 

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xidhiidh Sarkaalka UNSOM u Qaabilsan Warbaahinta Joseph Contreras

Tel: + 254 41 350 8581 • Email: unsom-spokesperson@un.org