Mas'uul Sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku timid Soomaaliya aya dhiirri-gelisey dardargelinta hannaanka doorashada

previous next
12 Nov 2021

Mas'uul Sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku timid Soomaaliya aya dhiirri-gelisey dardargelinta hannaanka doorashada

Muqdisho – Iyada oo soo gebagebeyneysa booqasho shan maalmood ah oo ay ku joogtey Soomaaliya, ayey sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay maanta ugu baaqday madaxda Soomaaliya in ay dardargeliyaan dadaallada ku aaddan dhameystirka hannaanka doorashada iyo sidoo kale in ay ku dadaalaan sidii 30% loo gaarsiin lahaa qoondada haweenka ee baarlamaanka soo socda. 

"Waa muhiim in aan dhameystirno geeddi-socodkan si aan u suuragelinno in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u dhacdo si macno leh," ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, Martha Ama Akyaa Pobee, oo ku sugan Muqdisho. 

“Booqashadaydu waxay kaloo ku soo beegantay booqashadii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Waxaan u maleynayaa inay xoojineyso muhiimadda ay beesha caalamku siineyso xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya iyo sidoo kale horumarka ka socda dalka ee ku saabsan doorashooyinka,” ayay hadalkeeda ku dartay. 

Sarkaalkan Qaramada Midoobay ee dhawaantan la magacaabay, oo haysa mas'uuliyadda qaaradda Afrika ee Waaxda Qaramada Midoobay ugu qaybsan arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda iyo hawlgallada nabadda (DPPA-DPO) ee New York, ayaa ku sugnayd dalkan Geeska Afrika ku yaalla iyadoo tan qayb ka ahayd booqasho isbarasho ah.

“Waxaan halkaan u imid inaan xog-ogaal u noqdo hawlgallada ay Qaramada Midoobay ka waddo halkan, sidoo kalena aan kala hadlo dowladda, hoggaanka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sida aad ogtihiin Qaramada Midoobay si dhow ugala shaqeyso gudaha. Waxaana jirta su'aal ku saabsan doorashooyinka. Waad ogtihiin, in yar oo hakad ah kaddib, waxaan filayaa in hawshu ay dib u soo laabatay si xowli ah, waxaana aragnaa horumar weyn oo laga gaarey heshiiskii doorashada 27-kii Maajo. Waxa kale oo muhiim ahayd in aan la hadlo hoggaanka oo rabitaankiisa iyo sidoo kale heellanaantiisu ay noo horseedday inaan heerkan gaarno,” ayay tiri. 

Intii ay ku sugneyd caasimadda Soomaaliya, Marwo Pobee waxay la kulantay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, guddiyada doorashada iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, iyo ugu dambayn hoggaamiyeyaasha haweenka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada. Waxa ay sidoo kale booqatay mid ka mid ah Maamul-goboleedyada (FMSs), iyadoo ku sii hakatay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. 

Muqdisho, waxa ay kulan la qaadatay, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed C/risaaq, iyo sidoo kale Guddiga Doorashooyinka heer federaal, sida Guddoomiyaha guddiga fulinta doorashooyinka heer federaal, Maxamed Xasan Cirro. 

Iyadoo Soomaaliya ay soo gabagabeysay doorashada Aqalka Sare oo ay ka billowdeen kuwa Aqalka Hoose - Golaha Shacabka - mowduuca doorashada dalka ayaa si weyn bannaanka u yaalla, iyadoo Isniintii ay kala hadashay madaxda DFS.

“Si aan u hoosta uga xarriiqno in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso nidaam ay Soomaalidu hoggaanka u hayso, hannaan ay Soomaalidu leedahay, taasi waxay ahayd farriin aasaasi ah oo ah in  aan iyaga la jirno, waxaana dooneynaa inaan kala shaqeyno si loo dhammeeyo geeddi-socod kasta oo aan u baahannahay inaan sameyno si dalkani uu u noqdo mid jira, oo looga dhigo mid xasilloon, si loo xaqiijiyo nabadda muwaadiniinta iyo horumar waara oo qof kasta oo bulshada ka mid ihi gaaro,” ayay tiri. 

Mawduuca ayaa sidoo kale lagu soo qaaday booqashadii Talaadadii Ms Pobee ee Baydhaba, halkaas oo ay kula kulantay Ku-simaha Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamullada. 

“Waxaan jeclahay inaan ku ammaano Koonfur Galbeed inay ka mid tahay Maamul-goboleedyada ugu horreeya ee sida wanaagsan u soo dhameystiray doorashada Aqalka Sare ee Federaalka. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda in ay doorashada Golaha Shacabka ku qabtaan si nabad ah, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayay ku tiri hadal ay warbaahinta ku siisay halkaasi.

Bulshada rayidka ah

Ms. Pobee ayaa sidoo kale la kulantay wakiillo ka socday kooxaha hoggaanka haweenka, waxayna tilmaantay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha guud ee dalka. Waxay si gaar ah carrabka ugu adkeysay baahida loo qabo in la gaaro, dhanka doorashada hadda jirta, qoondada ugu yar ee 30% ee matalaadooda baarlamaanka.

 

“Waxaan sidoo kale ku boorriyey inay dardar geliyaan howlaha doorashooyinka ee ku saabsan metelaadda haweenka, ballanqaadka ah in la gaaro qoondada 30% ah. Sida aad ogtihiin, waxaan ku guuleysannay inaan gaarno 26%, laakiin waxaa muhiim ah, gaar ahaan doorashada Aqalka Hoose, si loo xaqiijiyo in aan gaarno yoolkaas," ayay tiri. 

Kulanka ay la qaadatay wakiillo ka socdey dhallinyarada Soomaaliyeed, ayey xustay in dhallinyaradu ay ka dhigan yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed oo ay tahay in ay door muhiim ah ku yeeshaan horumarka dalkooda ka socda ee dhinacyada siyaasadda, horumarka, waxbarashada xuquuqul insaanka iyo arrimo kale. 

"Dhallinyaradu waa 70%, dadka da'doodu tahay 30 iyo wixii ka hooseeya, sidaas darteed waa qayb muhiim u ah bulshada dalka. Koox ahaanna, waa in lagu daraa geeddi-socodka horumarinta iyo hannaanka siyaasadda. Dimoqraadiyadda ka qaybqaadashada dhabta ahi ma socon karto hadday dhallintan aadka muhiimka u ihi maqan yihiin, ayay tiri. "Waxaan la kulmay wakiillo metelayey haweenka iyo dhallinyarada waxaana si cad u dareemay in ay yaqaannaan waxa uu doorkooda ka qaybgal yahay. Fikrado cad cad ayay ka haystaan geeddi-socodyada siyaasadda, waxa uu dalkani u baahan yahay si uu horay ugu socdo. Waxaan sidoo kale qabaa inay danaynayaan inay taas ka qayb qaataan." 

Sarkaalka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale la kulantay hoggaanka AMISOM, oo uu hoggaamiyo Amb. Francisco Madeira, Golaha Musharrixiinta Madaxweynenimo iyo xubnaha beesha caalamka.