Maxamed Cukaash: Wax-ka-qabashada is-beddelka cimilada ee Soomaaliya
Muqdisho – Dhibaatooyinka badan ee ay Soomaaliya la rafaneyso wax-ka-qabshadooda inta ay ku socoto waddada nabadda iyo xasiloonida waxaa ka mid ah isbeddelka cimilada.
Aafooyin la xiriira cimilada ayaa si weyn u saameeyey Soomaaliya iyada oo ku mashquulsan wax-ka-qabashada culeysyada kale ee la xiriira dhinacyada amniga iyo bani’aadamnimada. Waxaana ay culeys kale ku kordhiyaan arrimihii adkaa ee jirey.
Haseyeeshee, waxaa jira in si isa soo tareysa ay Soomaalidu u aqoonsaneyso in looga baahan yahay in ay tallaabooyin weliba degdeg ah ay qaadaan.
Soomaalidaas waxaa ka mid ah Maxamed Cukaash.
Maxamed oo ah reer Muqdisho waa macallin, cilmi-baare iyo hal-abuure (innovator). Sidoo kale waa agaasimihii lagu aasaasey Machadka Cimilada iyo Deegaanka / the Institute of Climate and Environment (ICE) – oo ah mid isu keeney khubaro mufakiriin ah (a think tank) oo Jaamacadda SIMAD ay u aasaastey wax-ka-qabashada dhibaatooyinka la xiriira cimilada, deegaanka iyo horumarka ee Soomaaliya.
"Waxaan aaminsanahay in horumarka waara uusan keliya ahayn yool sare laakiin uu lagama maarmaan u yahay badbaadadeenna,” ayaa uu yiri. “Annaga oo u mareyna dadaallo ku dhisan iskaashi iyo xalal ku dhisan hal-abuur, ayaa waxaan hubin karnaa in aad cidna laga tegin safarka ay Soomaaliya ugu jirto mustaqbal waara."
Si ahaan, wax lala yaabo ma aha in Maxamed Cukaash uu ku dambeeyo machadka ICE, waxaana taasi ay markhaati u tahay dadaalkiisa iyo awoodda ay waxbarashadu u leedahay in ay wax ka beddesho nolosha dadka iyo bulshooyinkaba.
Bilowgii hore
Mudane Maxamed Culaash waxaa uu ku dhashey Muqdisho sanadkii 1992 waxaana uu waxbarashadiisii hoose/dhexe iyo sare ku qaatey isla halkaas, iyada uu dagaalkii sokeeye socdo. Tan iyo yaraantiisii waxaa uu ogsoonaa in waxbarashadu ay tahay waddo lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan waxaana uu aad ugu dadaaley waxbarashadiisa.
Waxaa uu waxbarasho ka galey Jaamacadda Muqdisho, halkaasna waxaa uu sanadkii 2012 ka qaatey diblooma macallinimo, waxaana uu shaqo macallinimo ka bilaabey dugsiyada sare ee degaanka.
“Sababta aan u bilaabey in aan wax ka dhigo iskuullada waa anniga oo jeclaa macallinimada, waxaan guriga wax ugu dhigi jirey walaalahay. Maaddaama aan `curad u ahaa toddobo walaalo ah, in aan mas’uuliyad hoggaamineed goor hore u qaado qoyska, in aan baro qoraalka, akhriska, iyo in si caqli ku dhisan ay u fekeraan ayaa ahayd mid aan farxad ka helo oo igu beertey muhiimadda ay leedahay maalgelinta in la helo dad aqoon sare leh iyo horumar,” ayaa uu yiri Maxamed Cukaash. Tani ayaa i gelisey in aan galo Diblooma Cilmiga Waxbarashada, anniga oo ku takhasusey macallinimada.”
Intaa ka dib, waxaa uu waxbarashada shahaaddada koowaad ee jaamacadda ee culuunta maamulka guud ka bilaabey Jaamacadda SIMAD sanadkii 2015.
Waxaa uu muhiim u arkayey waxbarashadiisa, iyo tan ardayda kale ee saaxiibaddiisa ah. Marka laga soo tago waxbarashadiisa, waxaa uu sidoo kale hoggaamiye u noqdey ardayda, isaga oo u qareemeynaya is-beddel lagu sii wanaajiyo tacliinta ardayda saaxiibadiis ah.
“Guud ahaan intii aan waxbarashada shahaaddada koowaad ee jaamacad ka wadey Jaamacadda SIMAD, waxaan marar badan ahaa isuduwe fasal iyo sidoo kale guddigii doorashada ee ugu horreeyey kuliyadda, kaas oo qabtey doorashooyinkii ugu horreeyey ee ardayda iyo hay’adaha maamul ee ardayda oo looga dan lahaa in ay matalaan ayna u adeegaan ardayda,” ayaa uu yiri Mudane Maxamed Cukaash.
“Sababta igu kaliftey in aan sidaa sameeyana waa in aan aaminsanahay awoodsiinta ardayda saaxiibadey ah, anniga oo hubinaya in la dhegeysto, iyo in baahiyahooda wax laga qabto,” ayaa uu sii raaciyey. “Waxaana ay taasi iga caawisey in aan kobciyo xirfadahayga hoggaaminta!”
Waxaa uu haddana shahaaddada mastarka ee culuunta horumarinta ka qaatey jaamacadda Kampala International University sanadkii 2018.
Marka uu dib u milicsado, ayaa 30-sano-jirkan waxaa uu arkaa in mar walba ay jireen wax isku xirayey yoolalka waxbarashadiisa: “Dhammaan shahaaddooyinkeyga iyo waxbarashadeyda waxaa uu hadafkoodu ahaa uuna yahay in aan fahmo arrimaha guud (dadweynaha) si aan u sii wanaajiyo tayada nolosha bulshooyinka.”
Urur waxtar u leh bulshada
Dadaallada Mudane Maxamed Cukaash kuma negaan keliya fasalka.
Bishii Sebtembar 2018, waxaa uu wax ka aasaasey urur aan dowli ahayn, dhallinyaro ay hoggaamiso oo bulshadu sal u tahay oo magaciisu yahay SDGs252 – markii dambena magaciisa loo beddeley Rays Initiative – oo hadafkiisu yahay in bulshooyinka Soomaaliyeed awood loo siiyo horumar waara iyada oo loo marayo kobcinta kartida, siyaasad u-qareemeynta, iyo korjoogteynta horumarka.
“Rays Initiative waxaa uu hadda xubin ka yahay Shabakadda Qaramada Midoobey ee Xalalka Horumarka Waara /the United Nations Sustainable Development Solutions Network waxaana uu fuliyaa barnaamijyo horumarineed, oo ay ka mid tahay Yoolalka Horumarinta Kun-sanadka/Sustainable Development Goals (SDGs) oo la waafajiyey xaaladda Soomaaliya oo loo tarjumey af-Soomaali, iyo barnaamijka the Rays Leadership Programme, oo ah barnaamij waxbarasho iyo hoggaamineed oo loogu talogaley in lagu hago dhallinyarada iyo da’yarta sidii ay u fahmi lahaayeen culuunta ay kala dooran karaan shaqada ay rabaan mustaqbalka inta ay wadaan tacliinta sare,” ayaa uu yiri.
Yoolalka SDGs waa baaq caalami ah oo la halmaala dabargoynta saboolnimada, ilaalinta dunida iyo sii wanaajinta nolosha iyo rajooyinka qof kasta meel kasta ha joogee. Waxaa sanadkii 2015 meel mariyey dhammaan Dalalka Xubnaha ka ah QM iyaga oo qayb ka ah Ajandaha 2030-ka, kaas oo dejinaya qorshe 15 sano ah oo lagu xaqiijinayo yoolalka SDGs.
Matalaad Caalami ah
Waddada halgamahan dhallinyarada ah ayaa martey tub caalami ah, iyada oo awoodda ku jirta iyo dadaalkiisa laga aqoonsadey dibadda dalka.
Sanadkii 2019, ayaa loo soo xuley in uu ka-qaybqaato mashruuca Hoggaamiyeyaasha Dhallinyarada ah ee Soo-if-baxaya ee Young and Emerging Leaders Project (YELP) ee Machadka the LéO Africa.
Sida ku qoran barta internet-ka, machadkan oo xaruntiisu tahay dalka Uganda ayaa isku dayaya in uu awood siiyo “hoggaamiyeyaasha dhallinyarada ah ee soo-if-baxaya ee ku nool Afrika si ay u guuleystaan, ay ugu noolaadaan nolol raad-sare reebta oo ay ku farxaan,” waxaana mashruuca YELP “uu soo xushaa shakhsiyaad si cad ugu sugan waddada guusha waxaana uu ku kaabaa aqoon iyo xirfado ay kaga dabaashaan dabinnada ka hor-istaagaya in ay guuleystaan iyo halisaha ku gedaaman hoggaaminta is-beddellada.”
Sanadkii 2020kii, tartan xooggan ka dib, waxaa loo soo xuley in uu ka qaybgalo barnaamijka the Generation Change Fellows Program (GCFP), oo ay abuureen Machadka United States Institute of Peace (USIP) iyo xarunta Center for Religion and Civic Culture ee Jaamacadda University of Southern California.
Barnaamijka GCFP waxaa uu diirrada saaraa hoggaamiyeyaasha dhallinyarada ah ee ka soo jeeda dalalka colaaddu saameysey ee jilicsan waxaana uu hadafkiisu yahay xoojinta iskaashiga, dhisidda adkeysiga iyo xoojinta kartida inta ay wadaan is-beddelka ay ku sameysanayaan bulshooyinka degaanka.
“Hoggaamiyeyaasha dhallinyarada ah xataa kuwa ugu dadaalka badan waxaa soo wajaha culeys iyo daal inta ay ku hawlan yihiin is-beddel-dhalinta. Badanaa waxaa ay shaqeeyaan iyaga oo gooni-joog ah, ama aan haysan aqoontii, xirfadihii, iyo kheyraadkii ay ku ballaarin lahaayeen dadaalladooda ayna ku kordhin lahayeen adkeysigooda shakhsiga ah,” ayaa machadka USIP uu ku xusey bartiisa internet-ka.
“Waxaana uu intaas raaciyey in USIP uu diyaariyey barnaamijka Generation Change Fellows Program “si uu uga hortago gooni-joognimadan isaga oo u maraya qaab bulsho sida qoys u dhaqanta, si uu u kordhiyo aqoonta iyo xirfadaha hadda ay leeyihiin ka-qaybgalayaasha iyada oo loo marayo hagid iyo tababar, iyo in lagala shaqeeyo dadaallada nabad-dhisidda ee ay bulshadu hoggaamiso.”
“In la ii soo xuley barnaamijka deeqda waxbarasha ee Fellows Programme micno weyn ayaa ay ii sameyneysey – waxaa ay ii horseeddey fursado aan caadi ahayn, shabakado iyo koboc dhinaca hoggaaminta ah,” ayaa uu yiri Mudane Maxamed Cukaash.
Sida laga fili kareyba marka la eego dadaalkiisa iyo hilinka uu ku socdey, Mudane Maxamed Cukaash – isaga oo ay da’diidu yar tahay – ayuu noqdey waayo-arag dalkiisa ku matala madal caalami ah, gaar ahaanna matala dhallinyarada dalkiisa.
Aad buu u ogsoon yahay mas’uuliyadda taasi xambaarsan tahay.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ah kuwa udub-dhexaadka u ah dalka, ayaa waxaa halis sii kordheysa waqtigan iyo mustaqbalka ay kaga soo wajahan tahay is-beddelka cimilada, taas oo halis ku ah dhammaan dhinacyada kala duwan ee noloshooda,” ayuu yiri. “Waa muhiim in la awood-siiyo, iyaga oo laga shaqeynayo ka-qayb-noqoshada abuurista mustaqbalkooda iyada oo laga faa’iideysanayo hal-abuurkooda iyo ikhtiraacnimadooda, tamartooda, iyo hamigooda ku aaddan wanaag lagu helo Soomaaliya iyo ka-shisheba.”
Sida ay sheegeyso warbixinta World Population Prospects, oo ay soo saarto Waaxda QM ee Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada / UN Department of Economic and Social Affairs, tirada dadka Soomaaliya ee waqtigan waa ku dhowaad 18 milyan, iyada oo 70 boqolkiiba ay da’doodu ka hooseyso 30 sano jir.
Mudane Maxamed Cukaash ayaa waajibaadyadii ka soo raacay dadkii uu matalayey waxaa ay u keeneen inuu ka-qaybgalo shirka sanadlaha ah ee dhaqaalaha dunida ee World Economic Forum ee lagu qabtey Davos sanadkii 2022 iyo, waxaana sanadkii 2023 uu ka qaybgaley Shirka QM ee Dalalka Horumarkoodu ugu Yar Yahay ee the UN Conference of Least Developed Countries ee lagu qabtey Magaalada Doha iyo shir-madaxeedkii cimilada ee loo yaqaan the Conference of the Parties (COP) to the UN Framework Convention on Climate Change (UNFCCC), oo ka dhacay Dubai kaas oo loo yaqaanno COP28.
“Kulamadan caalamiga ah, waxaan ku soo arkey awoodda uu leeyahay iskaashiga iyo baahida degdeg ah ee loo qabo in tallaabo wadajir loo qaado – waxaa laga yaabaa in Soomaaliya ay soo wajahaan culeysyo aan masal lahayn, laakiin waxaa innaga wada dhexeeya hamiga ah in aan wada rabno mustaqbal ka wanaagsan kan hadda,” ayaa uu yiri Mudane Maxamed Cukaash.
Macallinimo
Sanadkii 2020, Mudane Maxamed Cukaash waxaa uu ku biirey Jaamacadda SIMAD, halkaas oo uu ka noqdey bare sare iyo Madaxa Hal-abuurka ee mashruuceeda hal-abuurka, ee loo yaqaanno SIMAD iLab.
“Shaqadada waxaa ka mid ah nakh-shadeynta barnaamijyo hal-abuur bulsho oo lagu ikhtiraacayo xalal ka soo baxa ganacsi-abuurayaasha bulshada ee soo ifbaxaya kuwaas oo la jaanqaadi kara Yoolalka Caalamiga ah (the Global Goals), korjoogteynta iyo tababaridda ganacsiyada aadka u yaryar, kuwa yaryar, iyo kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa markaa la bilaabayo, dhisidda nidaam-deegaan (ecosystem) la tartamaya hababkii soo-jireenka ahaa ee shaqo-abuurista iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsi-abuuris, nakh-shadeyn iyo bulsho tiknolojiyadeed oo wax u hal-abuureysa SDGs iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya,” ayaa uu yiri.
“Muhiimaddeeda waxay isugu soo biyo-shubaneysaa, marka la eego xaaladda Soomaaliya, in la dhiirrigeliyo horumar waara iyada oo awood la siinayo bulshooyinka degaanka oo laguna tirtirsiinayo hal-abuur iyo iskaashi,” ayaa uu sii raaciyey.
Shaqada macallinimada ah ee uu Kuliyadaha Culuunta Bulshada iyo Culuunta Maareynta ee uu ka hayey Jaamacadda SIMAD, waxaa uu wax ku barayey fasallo, kormeerayey cilmi-baarista arday oo uuna hagayey intii ay iska dhisayeen xirfadahooda shaqo.
Inkasta oo uu ku faraxsanaa shaqadiisa, waxaa ku bilowdey in uu wax ka ogaado halista mar walba sii xoogeysaneysa ee Soomaaliya kaga soo wajahan is-beddelka cimilada.
Soomaaliya waa dalka ugu nugul dhibaatada cimilada waana kan ugu diyaar-garowga yar marka ay timaaddo wax ka qabashada dhibaatooyinka. Sanadihii la soo dhaafey, dalka waxaa soo marey abaaro ba’an, macaluul iyo fatahaado.
Sida ay dhigeyso Warbixin Kooban oo la halmaasha Halista Cimilada oo uu diyaariyey mashruuca la-talinta ee Weathering Risk, heerkulka Soomaaliya waxaa uu kor u kici doonaa inta u dhaxaysa 1.4 – 1.9 °C marka la gaaro sanadka 2030 marka la barbardhigo heerkulkii ka hor kacaankii warshadaha. Waxaa sidoo kale kordhi doona tirada maalmaha aadka u kulul ee sanad kasta – ee heerkulka maalinta laha ah ee ugu badan uu ka sarreeyo 35 °C, iyada oo bartamaha Soomaaliya ay noqon doonta halka ay dhibaatada sida ugu xun u saameyn doonto. Taas waxaa dheer, biyaha guud ahaan uu halkii qof heli doono ayaa noqon doona kalabar marka la gaaro sanadka 2080, taas oo hoosta ka xarriiqeysa baahida weyn ee loo qabo istiraatiijiyado muddada fog ah oo lagu khafiifinayo dhibaatada cimilada iyo colaadda.
Machadka ICE
Ka dib markii uu si taxaddar leh uga fakeray oo uu dad badanna la tashadey, Mudane Maxamed Cukaash waxaa uu bishii Jannaayo 2023 go’aansadey in uu ka miro dhaliyo qorshe muddo dheerba ka guuxayey: abuurista machadka ICE, oo muddo kooban gudaheed ku noqdey kan looga dambeeyo arrimaha deegaanka isaga oo diiradda saaraya xallinta dhibaatooyinka cimilada ee Soomaaliya.
“Waa in aan dib uga fekerno sida aan wax u beeranno, gaadiidka u isticmaalno, u dhisno kaabayaasha oo una maareyno kheyraadkeenna, waana in aan sidoo kale maanka dadka dib ugu jihayno deegaanka – waxaan u qareemeynaa siyaasad-dejin ku saleysan aqoon iyo caddeymo iyada oo loo marayo cilmi-baaris si loo nakhshadeeyo siyaasado hoosta laga soo bilaabayo oo kor u socda iyo barnaamijyo dhisaya adkeysiga oo siina wanaajinaya la-qabsiga cimilada ee Soomaaliya,” ayaa uu yiri.
Machadka ICE waxaa hadda u shaqeeya shan shaqaale oo joogto ah, labo arday oo shaqo-ku-tababaranaya, laba xubnood oo ka tirsan guddiga la-talinta, iyo shan cilmi-baare, marka lagu daro koox arday ah oo ku shaqeysa mutadawacnimo oo loo yaqaanno GreenChampions.
Hawsha loo abuurey waxaa xuddun u ah in la is-dhaafsado ra’yi iyo aqoon iyada oo lala tashanayo daneeyeyaasha kale sida aqoonyahannada, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo xirfadlayaasha. Mucaamalaadkan ayaa looga danleeyahay in ay wax ku biiriyaan geeddi-socodyada siyaasadda ayna dhiirrgeliyaan xalal hal-abuur ku dhisan oo u habboon xaaladda ku gaarka ah Soomaaliya.
“Waxaan karti-dhisid u sameynaa bulshooyinka, waxaan gaarsiinnaa aqoon kor loogu qaadayo wacyiga la xiriira arrimahan iyo in sidoo kale lagu saleeyo geeddi-socodyada siyaasad-dejinta si loo xoojiyo u-adkeysashada cimilada, si loo yareeyo beylahsanaanta iyo si loo sii wanaajiyo awoodda la-qabsasho ee Soomaaliya si ay u noqoto meel ay dadku ku baraaraan, iyo si dunideenna loo ilaaliyo,” ayaa uu yiri Maxamed Cukaash. 18kii bilood ee uu jirey, ayaa machadka ICE waxaa uu la soo shaqeeyey bah-wadaag kala duwan, oo ay ka mid yihiin dowlado, waaxda gaarka loo leeyahay, bulshooyin, ururo bulsho iyo Qaramada Midoobey.
Sanadkii 2023, machadka ICE waxaa uu Heshiis Is-faham la saxiixdey Wasaaradda Is-beddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Federaalka si ay uga wada shaqeeyaan cilmi-baaris, karti-dhis iyo kor-u-qaadista wacyiga ku aaddan arrimaha cimilada iyo deegaanka. Sanadkii la soo dhaafey, waxaa uu machadku iskaashi la yeeshey Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) si loo dhiso kutlad loo yaqaanno ‘climate change cluster,’ oo ah madal isu keeneysa dhammaan daneeyeyaasha daneynaya arrimaha cimilada iyo deegaanka.
"Waxaan aaminsanahay awoodda aqoonta iyo iskaashigu ku dhalin karaan is-beddel macno leh,” ayuu yiri Mudane Maxamed Cukaash. “Annaga oo u mareyna iskaashi nagala dhexeeya dowlado, qaybta gaarka loo leeyahay, bulshooyinka, iyo bulshada rayidka ah, waxaan ka shaqeynaa dhisidda kartida dadka degaanka iyo xoojinta adkeysiga marka ay dad soo wajahaan culeysyo la xiriira deegaanka.”
QM iyo deegaanka
Marka ay timaaddo arrinta is-beddelka cimilada, Qaramada Midoobey ee Soomaaliya joogta waxaa ay si firfircoon ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ugala shaqeyneysey u-qareemeynta kordhinta maaliyadda loogu talogaley la-qabsiga cimilada ee buslhooyinka ay saameeyeen aafooyinka cimilada (climate shocks).
“Waxaana arrintaa aan u marnaa la-talin farsamo, siyaasad iyo taageero mashaariic iyo barnaamijyo oo la siiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadaba. Waxaan si wadajir ah u wadnaa barnaamijyo waaweyn sida barnaamijka “Jowhar Off Stream Development Programme’ si uu gacan uga geysto helidda amni dhinaca cimilada ah iyada oo loo marayo ka-haqabeelidda biyaha, cuntada iyo amniga dadka iyo iyada oo bulshooyinka lagala shaqeynayo la-qabsiga dunida is-beddeleysa,” ayaa uu yiri La-taliyaha Qaramada Midoobey ee Amniga Cimilada iyo Deegaanka ee Soomaaliya/ UN Climate Security and Environmental Advisor to Somalia, Christophe Hodder.
UNSOM ayaa ah mid ka mid ah hawlgallada siyaasadeed ee gaarka ah kaas ay hawlaha loo igmadey ay ku jiraan wax la xiriira cimilada waxaana uu hawshaas uu horseed u ahaa tan iyo 2020kii, markaas oo uu noqdey hawlgalkii ugu horreeyey oo yeesha la-taliye deegaanka iyo cimilada u qaabilsan – Mr. Hodder – oo shaqadiisu ay ku kooban tahay raadka is-beddelka cimilada uu ku leeyahay amniga dalka.
Hawlgakan QM waxaa uu sidoo kale mutadawiciinta ‘GreenChampions’ ee Machadka siiyey tababar la halmaala xiriirka ka dhexeeya is-beddelka cimilada iyo xuquuqda aadanaha. Waxaa looga dan lahaa in si qoto dheer loogu fahmo raadka ay halista cimiladu ku leedahay mabaadii’da iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee aadanaha.
“Waa dhallinyarada Soomaaliyeed sida Maxamed Cukaash oo kale kuwa Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ku dhiirrigeliyey in ay si wanaagsan ay is-beddelka cimilada iyo dhallinyarada u dhex-geliso barnaamij-dejinta iyo u-qareemeynta, oo ay sidoo kalena u xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay macaahidda waxbarashada sida SIMAD, taas oo ah waddo muhiim ah oo lagu gaari karo dhallinyarada iyo sidoo kalena ah siyaasad-dejiyeyaasha mustaqbalka,” ayaa ay tiri Madaxa Kooxda Xuquuqaha Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNSOM, Kirsten Young.
Ugu dambeyn, mas’uuliyadda wax ka qabashada is-beddelka cimilada ee Soomaaliya waxaa ay saarnaan doontaa Soomaalida, Maxamed Cukaash si buuxda ayaa uu diyaar ugu yahay ayna uga go’an tahay ka soo bixiddeeda.
"Maaddaama aan ahay agaasimihii ugu horreeyey ee Machadka Cimilada iyo Deegaanka, waxaan go’aansadey in aan nolosheyda u hibeeyo hormuud u noqoshada dadaallo isku-xiraya is-beddelka cimilada, horumar waara, iyo hal-abuurka bulsho ee Soomaaliya,” ayaa uu yiri. “Inta aan ku jirno safarka aan ku tiigsaneyno horumar waara, tallaabo kasta waa muhiim, waxaana annaga oo wada soconna, u gogol xaari karnaa waddo lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan jiilasha mustaqbalka.”